Xeel Dheerayasha Bankiga JPMorgan oo Sheegay In Bitcoin Yahay Mid Ka Soo baxay Tijaabadii Dhaqaalo Xumi Ee sanadkan

Sida aan la socono bitcoin netwoogiisa, waxaa la shaaciyay sanadkii 2008, oo ahaa sanad dunida dhaqaalo xumi ba’ani ka dhacday, gaar ahan dunida galbeedka, taas oo sababteeda ay la hayeen bankiyada iyo hay’ado la shaqeysta ,waxayna ka liftay in dad badan oo dunidan ku nool ku hanti beelan, balse kooxdii Satoshi Nakamoto, ayaa la imaaday fekrada ah in qof walba isagoon, qof kale aaminin, uu aamino softwareka bitcoin, uu ku shaqeeyo taasna waxay Meesha ka saartay dhaman, shaqooyinkii banki iyo hay’ad dhaqaalaba sheegan lahayd in ay qabaneyaan.

 

Hayeeshee bitcoin wixii ka danbeyay 2008 wuxuu soo maray waqacyo kala duwan, si walba oo dowladaha dunida ugu waawayn iyo bankiyada dabada ku la jiraba, ku qadaan weraro iyo cuna qabataynba, maanta waxay ka liftay, in teknolojiyadii bitcoin isticmalayey loo soo kala ordo, taasoo ay sii dheertay baritanada iyo amaanta la la daba joogo ilaa maanta.

Xeel dheerayasha arima dhaqaalaha banki wayn ee wadanka mareykanka laga leeyahay ee JPMorgan ayaa shaaciyay in bitcoin uu ka wanaagsanaa, dhamaan suuqyada saamiga dunida iyo dhamaan lamaha dhaqala dunida, sida uu ugu adkeystay faa’iidana ugu soo celshay dadkii sanadkan maal gashtay, taas oo ay sii dheertay in bishii marso bitcoin  iyo dhamaan dhaqalaha dunida dhaawac wayn ka soo gaaray safmarka fayraska karona, balse bitcoin uu noqday kan kaliya ee sida dhaqsadda ah ug soo kabtay dhawacaas, war bixintaas iyo warar kalaba muqaal kan ayaan ku falan qeyneynaa.

 

Xeel Dheerayasha Bankiga JPMorgan oo Sheegay In Bitcoin Yahay Mid Ka Soo…

Maxay kula tahay  aragtidada noo reeb mahadsanid

Comments (No)

Leave a Reply