Lacagahan kiribto looyaqan iyo teknolojiyadan xermooyinka silsiladaha waxay si aad ah u soo korayeen ilaa markii la aas aasay bitcoin, sanadkii 2008.

Lacagahan loo yaqaan ‘Kiribto’ ayaa qof walba aad u xiiso geliyey, laakiin In la fahmo ayaa adag, Kiribto Somali tv waxay ku dadaaleysaa inaan baahino macluumaad kiribto oo aan wax ka qabanno sidii bulshadu ufahmi lahayeed iyo in aan buuxinno kaalinta aqooneed ee bulshada.

Kiribto Somali Tv waxay  diirada saaraysa soo gudbinta wixii ku saabsan horumarka Guud ee kiribto, anagoo xoogga saareyna Shirkadaha iyo Ganacsatada bilowga ah, ee ka howl gala lacagahan waxaan aaminsanahay in Bitcoin ku siineyso awood, in aad hantidada aad mamaulato, ama ka heshid awood  lacag bixin oo caalami ah. ‘Blockchain technology’ waxay fududaysaa abuurista fursadaha  ganacsi ee la isku halleyn karo,  sababto oo ah amaanka baahsan ee Tiknolajiyaddan , waxay awood u leedahay inay gabi ahaanba waxka beddesho lamaha kala duwan, sida warshadaha, bankiyada, waxbarashada, hay’adaha sharciyada, iwm. Warshadaha ugu sarreeya ayaa ka shaqeeyey tikniyoolajiyadan, si ay u horumariyaan una sugaan howlahooda iyo horumarkooda.