Suuqa Forex Ma Sarif Dhab ah Baa Mase Yahay Meel Sarif Lagu Sameyo

Sada aan la socono waxaa mudooyinkan danbe soo if baxayey, suuqa logu yeero suuqa sarifka lagacaha qalaad, ee marka la soo gaabsho logu yeero FOREX,

kaas oo bulshada soomaaliyeed gaar ahan dhalinyaradu ufahamtay, in uu yahay goob jaanis shaqo abuur ah, iyadoon si cilmi ah loo eegin biyo dhaca dhabta ah, ee suuqan loogu yeero forex,

qaybtiisan dhinaca brokerska ama dulaaleyda loo hoos fariisto, taas oo hanti ka badan $50 milyan ku luntay, culumada soomaaliyeedna  sheegtay in  suuqan ka ganacsigiisu yahay mid, XAARAN AH, balse dad fara badan ka biyo diideen,

dhanka kale bankiga dhexe ee soomaaliya isne waxuu ku amray bankiyada qaaska ah, ee soomaaliya in ay joojiyaan adeegyada dadka ka shaqeysta suuqan, mugdiga badan ku jiro,

Baaritaano kala duwan oo cilmiyan ah ,oo tilmaamaya suuqan iyo waxa ka jira in la helo ayey noqotay in la sameeyo, si loo ogaado in fursadi ku dhaafeyso bulshada soomaaliyeed, iyo in ay sheekadu tahay JIIF OO JAQ, si loo helo jawaabahan waxaad ubaahan tahay,

in la fasiro biyo dhaca qaabka sarifleyda hoos tagta, dulaalayda suuqa forex, la helo qaabka ay u kala sarifaan, lacagaha iyo qaabka guud ee suuqu ushaqeeyo, kadibne waxaa ku soo baxaya, in badan oo mugdi ku jiray maalmihii hore, ee dadka suuqan looga digayay diidayeen,

soo cadeyntiisa, muqaalkan ayana kaga boganeysaa, wax walba oo ku saabsan biyo dhaca ama dhuuxa suuqa forex ka ay hada dadka caaddiga ah la dhaqmaan.

Hadii aad dooneysid xogo  iyo warbixino intaa dheer  waxaad ka eegtaa shabakadan ka faloota arimaha dhaqaalaha gaarahan marka ay noqoto waxa ay ka qortay suuqan forex xaqiiqda suuqa iyo sida uu u shaqeeyo oo ay tagan tahay wax sarif dhab ah oo la is dhaafsado ma jiraan marka laga tago intii aan muqaalka ka kore ku soo cadeynay

Halkan ka aqriso xogtaan

Maxay kula tahay  aragtidada noo reeb mahadsanid

Comments (No)

Leave a Reply