Shirkada africa bitcoin love waxay soo saartaa natiijooyin dhiirro gelin u ah kiribto. Waxaa soo kor dhacaya isticmaalka Bitcoin, iyo ganacsata isticmaasha iyo shirkado yar yar oo hada bilow ah kuwaas oo aad ugu qanacsan la dhaqanka BTC.
Qarada ayaa ah mid dhaqalaheedu uu soo korayo balse musuq masuuqa hareyey
Bitcoin iyo lacagahan kale ee kiribto looyan ayaa si isa soo taraysa loogu arkaa inay yihiin dariiqa lagu ilaashan karo hantida. Dowladaha inta badan dalalka Afrika iyo Latin Ameerika waxaa lagu yaqaan musuq masuqa hantida dadka taas ayana hormuud ka ah kobacan
Nidaamka cashuurta ee waddamada badankood mahan mid aqoonsan aalado hanti kale ah. Sida lacagahan kiribtada waxayna tani raad ku leedahay adduunka oo dhan gaar ahaan qaaradda Afrika
Madaxa fulinta ee shirkadda Satoshicentre (Botswana), Alakanani Itireleng, wuxuu ka hadlay shirkada’Bitcoin Co’.qaybteeda maqalka Wuxuu intaas ku daray in BTC yahay mid hufanan, iyo lacag lagu kalsoonaan karo diristeda iyo helistedaba Marka la barbar dhigo adeegyada lacag bixinta caadiga ah, waxay ka madax bannaan tahay xuduudaha siyaasadeed iyo mid dowladeedaba
shirkada Afrika Bitcoin love ayaa daaha ka rogtay sheekooyin badan oo cusub, oo ay ku jiraan kororka shirkadaha teknolojiyada ee gobolka. Afrika ayana hada waxaa ku soo badanaya shirkadaha cusub ee toknolijyada oo dukaamo ka dhistay dalal kala duwan oo Afrika ah. Aasaasaha Microtransaction, Yele Bademosi, ayaa sheegaya in sanado badan ay gartaan muhiimadda Bitcoin inay tahay mid muda dheer mid ku wacan.
Soo ifbaxa kobaca qaarada dhinaca bitcoin ee soo xoogeysanyo ayaa hadane dhalinyarada qaradu wadaan wacyigalinta kiribto iyo ka hortaga tuugada ku hoos qarabata kiribto
Dukaamo iyo goobo ganacsi ayaa hada ka hirgalay qarada kuwaas oo dareemaya muhiimada kiribto iyo in hantidooda kala fogaan karan sicir bararka jira marka ay noqo lacagaha caadig Xitaa marka loo eego dolarka
Hada qaaradu waa in dhalinyaradeedu umidooban sidii siwada jirah loogu wacyigalinalahaa lagaha kiribto qarada loogana hortagi karo tuugada kusoo dhax dhuumata
In kasta oo isticmaalka lacagaha kiribto soo koreyso, haddana tartan adag oo ay wajahayso aya ah Nidaamyada qalinfuratada iyo tuugada ee ku sii qulqulaya qaarada iyo Abaabulka sharciyeynta oo liita kormeerka xukuumaddaha ee xaddidan ayaa macnaheedu yahay in ay adkaan doonto sidii xal loogu heli lahaa tuugada iyo qalinfuratada ku qarabata kiribto balse aan wax raad ah ku lahayn Dhanka kale , Afrika waxay wajaheysaa caqabado kale oo dhanka kaabayaasha ah sida korantada oo ah mid aan la isku haleyn karin melaha qaar iyo helitaanka internet-ka ayaa sidoo kale saameyn ku leh kobaca sii kordhaya ee lacagaha kiribto . madama wadamada iyo gobolada qaaradu yihiin kuwo kukala duwan helidaanka adeegyadan ayey tanni ka macno tahay in wadamada qaar hormuud ka noqdaan koboca qaradu wajahayso sida wadamada kala ah. Ghana, Nigeria, iyo South Africa
Comments (No)