Qaarada Afrika oo Uu Soo Kordhayo Isticmaal Ka Bitcoin iyo Caqabado Ubahan Ka Hortag

Shirkada africa bitcoin love waxay soo saartaa natiijooyin dhiirro gelin u ah kiribto. Waxaa soo kor dhacaya isticmaalka Bitcoin, iyo ganacsata isticmaasha iyo shirkado yar yar oo hada bilow ah kuwaas oo aad ugu qanacsan la dhaqanka BTC.

Qarada ayaa ah mid dhaqalaheedu uu soo korayo balse musuq masuuqa hareyey

Bitcoin iyo lacagahan kale ee kiribto looyan  ayaa si isa soo taraysa loogu arkaa inay yihiin dariiqa lagu ilaashan karo hantida. Dowladaha inta badan dalalka Afrika iyo Latin Ameerika waxaa lagu yaqaan musuq masuqa hantida dadka taas ayana hormuud ka ah kobacan

Nidaamka cashuurta ee waddamada badankood mahan mid aqoonsan  aalado hanti kale ah. Sida lacagahan kiribtada  waxayna tani  raad ku leedahay  adduunka oo dhan gaar ahaan qaaradda Afrika

Madaxa fulinta ee shirkadda Satoshicentre (Botswana), Alakanani Itireleng, wuxuu ka hadlay shirkada’Bitcoin Co’.qaybteeda maqalka  Wuxuu intaas ku daray in BTC yahay mid hufanan, iyo lacag lagu kalsoonaan karo diristeda iyo helistedaba Marka la barbar dhigo adeegyada lacag bixinta caadiga ah, waxay ka madax bannaan tahay xuduudaha siyaasadeed iyo mid dowladeedaba

shirkada Afrika Bitcoin love  ayaa daaha ka rogtay sheekooyin badan oo cusub, oo ay ku jiraan kororka shirkadaha teknolojiyada ee gobolka. Afrika ayana hada waxaa ku soo badanaya shirkadaha cusub ee toknolijyada oo dukaamo ka dhistay dalal kala duwan oo Afrika ah. Aasaasaha Microtransaction, Yele Bademosi, ayaa sheegaya in sanado badan ay gartaan muhiimadda Bitcoin inay tahay mid muda dheer mid ku wacan.

Soo ifbaxa kobaca qaarada dhinaca bitcoin ee soo xoogeysanyo ayaa hadane dhalinyarada qaradu wadaan wacyigalinta kiribto iyo ka hortaga tuugada ku hoos qarabata kiribto

Dukaamo iyo goobo ganacsi ayaa hada ka hirgalay qarada kuwaas oo dareemaya muhiimada kiribto iyo in hantidooda kala fogaan karan sicir bararka jira marka ay noqo lacagaha caadig Xitaa marka loo eego dolarka

Hada qaaradu waa in dhalinyaradeedu umidooban sidii siwada jirah loogu wacyigalinalahaa lagaha kiribto qarada loogana hortagi karo tuugada kusoo dhax dhuumata

In kasta oo isticmaalka lacagaha kiribto soo koreyso, haddana tartan adag oo ay wajahayso aya ah Nidaamyada qalinfuratada iyo tuugada ee ku sii qulqulaya qaarada iyo  Abaabulka sharciyeynta oo liita kormeerka xukuumaddaha  ee xaddidan ayaa macnaheedu yahay in ay adkaan doonto sidii xal loogu heli lahaa tuugada iyo qalinfuratada ku qarabata kiribto balse aan wax raad ah ku lahayn Dhanka kale , Afrika waxay wajaheysaa caqabado kale oo dhanka kaabayaasha ah sida  korantada oo ah mid aan la isku haleyn karin melaha qaar iyo helitaanka internet-ka ayaa sidoo kale saameyn ku leh kobaca sii kordhaya ee lacagaha kiribto . madama wadamada iyo gobolada qaaradu yihiin kuwo kukala duwan helidaanka adeegyadan ayey tanni ka macno tahay in wadamada qaar hormuud ka noqdaan koboca qaradu wajahayso sida wadamada kala ah. Ghana, Nigeria, iyo South Africa

Comments (No)

Leave a Reply