Maxaad Kala Socotaa Koynanka Kala ah Bitcoin Litcoin Tezos Xrp iyo Chainlink

Warbixintan waxan ku yara eegayna aragtida guud iyo xaalka koynanka Bitcoin Litcoin Tezos Xrp iyo Chainlink oo yara kacsanaa 24 sac ee la soo dhafay iyo aqbaradkoodii ugu danbeyay kasoo qimaha la kala siisto yara sameyn karey ama mustaqbalka sameyn ku yelan karaya waxan eegayna waxa bulshada kiribto ka dhaheen xaladaha kala gadisan ee koynankan

Hadii aan muqaal guud kabixiyo xaalka koynanka lacagaha kiribto dhamaan 20ka koyn ee safka hore kaga jira suuqa kiribto waa cagaaran kiyihiin marka loo eego dhinaca dolarka

Xiliga war bixintan aan qoreyno waa 12.20 UTC 3may sida aad kaaragtaan xogaha ay nala wadaageyso shabakada crptocompare

Bitcoin

garafbtc

Bitcoin ayuu sanadkan ugu bilowday qiimo ahan $7.183 ayaa hada la kala siisanayaa $8.984 taasoo ka macno ah in kor 25% inka badan u kor usoo kacay bitcoin sanadkan 2020

Wana taas waxa dadka qaar lacagahan kiribto udhahaan waa dahab dhijitaal ah

Halka dahabka caadiga ahne uu saro uso kacay 12% inkabaan isla sanadkan sida laga helayo xogaha ay daacday goldprice.org

Bitcoin faa,iidadiisa sanadkan marka aad u eegto suuqa wayn ee wadanka marakeykan ka sida S&P500 ayaa arkeysaa in sanadkan hoos tahay 13.11% sida uu google sheegayo

garafkaSP500

Bitcoin kala barkiisii waxa inooga harsan waa uun 9malmood tasoo dadbadan aamin sanyihiin in uu saro ukacayo qiimaha bitcoinka la kala siisto inkastoo Meesha ay ku jirto dhibaatada dhaqaale xumi ee safmarka fayraska karona dunida ka geysanayo iyo bitcoin ood moodo in xiliyada qaar uu la ficil galo suuqyada sida S&P500 taas oo ka macno ah hadii wararka laga helayo safmarka fayraska karona noqdaan kuwa xun kalifi kareysa in suuqyada dunidu hoos u dhacan bitcoine qayb markaas ka so ogareysa dhawaaca ceynkas oo kale ah

Litecoingaraflitecoin

Litecoin oo ah koynka 7 ee suuqa lacagaha kiribto ayaa sanadka 2020 ugu bilowday qiimihiisii  $41.20 balse xiligan koynka waxaa lakala siisanayaa $48.67 taasoo ka macno ah in uu sanadkan koynku soo qaaliyoobay ilaa 18.13%

Weiss rating shirkadan ladhaho oo qiimeysa lacagaha kiribto ayana Litecoin ku qiimeysay darajada listiga B taas oo u ah boos wanaagsan marka koynka loo fiirsho

Dhanka kale Litecoin ayaa ku mashquulsan sidii uu koynku unoqon lahaa mid birifisi(privacy) ah waxayna doonayan in ay isticmaalaan teknolojiyada loogu magac daro MIMBLEWIMBLE(MW) ayana jiraan guula la taban karo oo koynka ka garay tijaabooyin ay sameyeen

XRPgarafka xrp

XRP wuxuu sanadkan 2020 ugu bilowday koynka qimahan iyadoo lakala siisanayo $0.192 halka xiligan koynka uu marayo $0.221 taas oo ka macno ah xrp wuxuu saro usoo kacay sanadkan oo qura 15.10%

30 april shirkada Ripple waxay daabacday warbixin suuqeedkeeda Q1ka sanadkan 2020 kor ukaca iyo hoos udhaca labada dhinacba iyo xogo aan lakala reebin oo bulshada iyo suuqa XRP lala wadaagay iyo hor umarka dhinaca hay,adaha dowliga ah iyo kuwa kalaba xogohooda  iyo inta koyn oo shirkadu ku gaday suuqa OTCga la dhaho si howlaha kale ee horu marka xrp looga sii shaqeeyo

Marka la eego inta Q12020 ee xrp ah ee shirkadu suuqa OTCga ku gaday waa $1.17milyan halka sanadkii tagay Q42019 ahaa $13.08milyan taas oo muujineysa hakadsanadkan halka sanadkii hore  gadida culus ee shirjadu ku haysay koynka

Tezos

tezosgaraf

Tezos oo ah koynka 10 ee suuqa lacagaha kiribto ayuu sanadkan ugu bilowday qimo ahan iyadoo koynka lakala siisanayo $1.34 halka xiligan koynka lakala siisnayo $2.78 taas oo ka macno ah in koynku si saa id ah uu kor ugu qaliyo bay 106.83% sanadkan 2020

Sida lagu so waramayey 30 april ayuu tezos sheegay in uu ku soo biiray koynanka chainlink qaybtiisa oracleka ayna isticmaalayan wana blockchainkii ugu dabeyay ee arintaas ku dhawaqa

Dadka ka shaqeeya dhinaca farsamada chainlink iyo tezos ayaa iska ka shanaaya sidii smart contractsyada tezos iyo chainlinki oraclekiisa iskugu xirmilahayeen

Chainlink

link garaf

Chainlink waa mataleha 12 suuqa lagaha kiribto wuxuuna sanadkan 2020 ugu bilowday qiimo ahan $1.76 waxana hada la kala siisanayaa $3.76 taasoo ka macno ah in chainlink sanadkan uu si aad ah kor ugu soo kacay  ilaa 113.69%

29 april ayey ahayd markii shirkada bancor sheegtay in bancor protocolkooda qaybtisa kowad mid ah mid bancorv2 waxyabaha ku duldhisan lagu soo daray suuq sameeye  isrog roga oo xawara sara leh lana ficil galaya dhamaan xog soo u ruriyayaasha chainlink dhinaca qiima suuqa si toos ah taas  oo mesha ka sareysa halisyo  fara badan

Maxay kula tahay  aragtidada noo reeb mahadsanid

Comments (No)

Leave a Reply