Indho’indheeye Ka Tirsan Bloomberg Oo Tilmaamay In Bitcoin Qiimihiisu Ku Wajahan Yahay $13.000

Bitcoin qiimihiisan markan eegno waxan aragnaa xiligaan in uusan wali jirin hidi, diilo sara ukac ah, waxay ahayd un asbuucan markuu bitcoin isku dayay, in qiimihiisa uu saro ukac sameeyo, taas oo keentay in darbiga $ 9.700 kala kulmo darbi adag

 

Hormuudka lacagaha kiribto, bitcoin ayaa mudooyin kan darbi adag kala kulmay, dhaafida $ 10.000 balse, indho’indheeye ka tirsan shabakada wayn ee arimaha dhaqaalaha falanqeysa ee Bloomberg, Mike McGlone, ayaa sheegaya in bitcoin uu ka filaayo in qiimihiisa gaaro $ 13.000, mudada dhow, wuxuuna sabab uga dhigay labo arimood, in ay muujinayaan in uu ka helay, kalsoonida qiimahan ah, taas oo kala ah, in hoos udhac uu ku yimid garafka lagu cabiro, isbad badalka, qiimaha ee marna kor aada marna hoos aada, iyo garafyo kale oo tilmamaya, in suuqa bitcoin galay xili hiyi fiican uu heysto,

 

Bitcoin ayaa ku wajahan in uu kor uqaaliyoobo ilaa $ 13.000

Bitcoin qiimihiisa ayaa hada darbi wacan ka helay eeriyada $ 9.000 kadib isku daygii asbuucan uu isku dayey, in uu kor udhaafo $9.700 balse aan dhaboobin xiligan aan warbixintaan qoreyno, bitcoin waxaa la kala siisanayaa $ 9.210, wuxuuna hoos udhacay 24kii saac ee ugu danbeyay 1%,

Mike McGlone ayaana bartiisa, twitterka maanta soo dhigay, garafyo muujinaya sababta uu umaaninsanyahay in bitcoin galay xiligii qiimihiisu cir isku shareerka gali lahaa, iyo arinta kale ee ah isbadalka ku yimaada qiimaha bitcoin, hoos iyo kor taas oo iyo ku xirnansho tilmamaya, cabir ku wajahan dahabka dhijitaalka ah.

sadaal bitcoin

Dhanka kale bitcoin ayaa hada lagu kala sarifanayaa eeriyada looyaqaan “symmetrical wedge” kana ag dhaweyn 30 malmood oo iyane isbadalka qiimaha 200 oo maalmood, lagu cabiro garafka loo yaqaan SMA, marka garaf malmeedka la dul dhigo, tani waxay inta badan bitcoin marka ay dhacdo, uu  sameeyaa in qiimihiisu isbadalo, hadey dhaqdhaqaqa qiimaha 200 malmood iyo 30ka malmood isbadal ka hoos iyo kor qiimaha is dhafaan.

sadaal bitcoin

Mahan mike kaliya qofka aaminsan isbadal ka qiimaha bitcoin ee la sugayo ee waxaa jira indho’indheeyayaal kale oo iyane, garaf kale u fiirinaya isbadal ku yimaada qiimaha bitcoin la kala siisto, MMcrypto ayaa isna sheegaya marka loo eego bitcoin, garafka, looyaqaan MVRV, laga jaro  365- 60 MVRV,ga uu ku xigo in bitcoin qiimihiisa uu kor u qaaliyoobo, garafkan ayan maanta galay goobtii laga sugayey.

 

Waxaan arki doonaa in garafyadan noqdaan kuwa hirgala siiba kan inkastoo suuqu mar walba sameeyo wax yaabihii hore looga bartay garafyaduna tilmamaan.

Maxay kula tahay  aragtidada noo reeb mahadsanid

Comments (No)

Leave a Reply