Hayaanka Bitcoin Waxa Aan ka Dhax heli Kareyno Iyo Hiig siga halka Uu Ku Jiheysan Yahay Qiimihiisa

Bitcoin oo ah kiribtadii ugu horeeysay ee daaha laga rogo waxaa u dhamaaday 10-kii sano ee ugu horeeysay jiritaankeeda iyo isticmaalka aadunahu la macaamilaan.marka la eego hal abuurka ganacsiga  iyo technologiyada dadka qaar waxay ku tilmaamaan in qaan gaarnimada shayga ama ganacsiga  la soo saaray lagu qiimeeyo tobanlay  taasoo macnaheedu tahay in 10 kii sano ee jiritaanka shayga loo aqoonsanayo in uu qaan gaar yahay lana eegayo guulaha iyo hormarada uu gaaray .

 

Hadaba hadii shirkada ama hal abuur cusub oo dunida ku soo kordhay uu 10 sano jiro hadana dunida aan laga arag saamaynta uu  leeyahay taa waxay muujinaysaa in hal abuurkaa uusan ahayn mid sidii laga filyay ah waxa uuna u baahan doonaa in juhdi dheeri ah la geliyo waxna laga bedelo qaabkii uu u shaqaynayay 10 kaa sano. Hadaba adiga aqrinaya qoraalkaan ma kula tahay in BTC ay qaangaar tahay inkastoo hada 12.sano jirsatay mise xaqiijisay filashadii laga qabay mise wali waxbaa u dhiman ayaad is leedahay oo guula la taaban karo maysan gaarin.

 

Hadii aan intaas uga gudbo hordhaca yar, waxaan in yar is dul taagi doonaa habdhaqanka bitcoin marka laga eego xaga garaafka.

Bitcoin inta aan arkay platformayada garaafka laga aqriyo badankood waxaa la soo geliyay 2017 dhamaadkeedi meela yaroo koobana waxaa laga heli karaa taariikha ka horeeya waqtigaas .

Hadaba BTC waxii ka horeeyay February 2019 waxay ku jirtay qaab dhaqaaq isla eeg ( consolidation)  sida inta badan ka dhacda suuqyada bilow ah. marka laga reebo bilihi dambe ee 2017 oo dhaqaaq wanaagsan ay samaysay kaa soo muda sedax bilood ah ay kor u kacday in ka badan 16k(3500-19500) lakin nasiib daro dhaqaaq ma noqon kii bar bilowga u noqon lahaa hayaanka bitcoin waxaana meesha ka saaray arinkaas hoos dhac xoogan (correction) oo socday muda sanad iyo dheeraad ah (18dec-2017-1feb-2019).

 

Bitcoin garaf

xogta tradingview

Laga bilaabo 1/02/2019 BTC waxa u bilowday hayaanka kala sarayn garaafka iyo in garaafkeeda uu ku socday nidaamka lagu qiimeeyo garaafyada  dhaqaale ee muujiya hormarka dhaqaalaha halkaas oo uu ka bilowday degree 1aad ee btc .dhamaadka bisha  june 2019 waxaa soo dhamaaday dhaqaaqi 1aad waxaana xigay hoos dhac xoogan oo qaatay 9 bilood  waxaana 16march 2020 bilowday mar kale ahayaanka BTC kaas oo ahaa dhaqaaqi labaad oo si wanaagsan u xaqiijiyay nidaamka kobaca dhaqaalaha.

 

Dhaqaaqi 2aad waxa uu soo dhamaaday  isbuucii ugu  horeeyay ee January 2021 waxaana xigay hoos dhac yar oo qaatay kaliya 2 isbuuc iyo  bar .arintani waxay ahayd mid la sii saadaalinayay sababtoo ah meerta kasta ee suuqaan uu sameeyo  waxay leedahay sedax dhaqaaq iyo laba hoos u dhac sidaa darted hadii hoos u dhaca hore uu noqdo mid aad u xoogan waxa badi dhacda in hoos dhaca labaad uu noqdo mid yar oo aan waqti badana qaadan aadna qiimaha aan hoos ugu ridin waana sida dhacday bilowgi sanadka 2021.

bitcoin garaf mowjadaha

xogta tradingview

Dhamaadka bishii janaay(25) 2021 waxaa bilowday dhaqaaqii 3-aad ee BTC waxa uuna soo gebageoobay isbuucii labaad ee bishii April 2021.

 

Hadaba BTC waxay dhameeysatay cycle-kii ugu horeeyay ee abid ay samaysato waxaana xigay hoos dhac xoogan waana mid dabiici ah hadii suuqa uu dhamaysto meerta nuucaas ah in hoos dhac xoogan uu dhaco waxaana xigi doonta InshA ALLAH meerto tan ka dheer oo aad looga faa iidi doono.

Dhan kale hadii aan eegno hoos u dhaca iminka socda waxa ay u muuqataa inuu soo dhamaanayo hadii labada cisho ee bishaan Juun ka harsan uu suuqu ku dhamaysto inuu kor u sii socdo hadiise ay dhacdo hoos dhac xoogan waxaa loo baqaa in bila kale oo hoos u dhac ah uu sii taagnaado, lakiinse kastaba waxaa la hubaa in mar uun aad arki doonto ayadoo haygii hore laga talaabay.

Maxay kula tahay  aragtidada noo reeb mahadsanid

Comments (No)

Leave a Reply