Dhijitaal Euro Waxay Xoojin Doontaa Qaabka Lacag Bixineed Ee Midowga Yurub

Haweeneyda madaxda ah bankiga dhexe ee midowga yurub, Christine Lagarde, ayaa sheegtay in xogta la helayo sheegeyso, in dhaqaalaha midowga yurub qalqal kujiro soo kabsashadiisa,

 

Soo bandhigida in lacagta Euro’ga oo dhijitaal ah, waxay xoojineysaa deegyada lacag bixineed ee midowga yurub. Kulan barlamaanada wadamada faransa iyo jarmalku yesheen maalinimadii isniinta ayey ka sheegtay hadalkan.

 

Christine Lagarde, ayaana tiri, hada wadamada kuwada jira Eurosystem ayaa kawada shaqeynaya, qaabkii ay u hirgalin la hayeen lacagta euro, oo qaab dhijitaal ah, iyadoo la daraaseynaayo halista iyo faa’iidada ku jira isticmaalkeedaba, iyo tartanka lagala kulmi karaayo, waxan dhamaanteen diyaar unahay hirgalisteeda.

 

Inkastoo euro’dan dhijitaalka ah, eysan noqon doonin mid dariishada ka saareysa lacagta warqada ah iyo tan shilinka ahba, hadane waxay ahaan doontaa qaab kale, oo si qaas ah noqoneysa, halka lacagta euro’du ahaaneyso, sideedii hore oo udub dhaxaad u ah qaramada midowga yurub.

 

Tan kaliya ee hada walwalku ka jiro, ayaa ahan doonta sidii amankeeda dhinaca dhijitaal ahanta, loo xafidi lahaa, iyo ilaalinta xoga, heeda, ayey hadalkeeda sii raacisay.

 

Bankiga dhexe ee midowga yurub, ayaa dhawaan soo daabacay, lacag, gaaraysa 1.6 Tirilyan, oo Euro’ah, taas oo  loogu talo galey, in lagu kaabo dhaqaala xumida uu sababay cudurka safmarka ah ee karona, inkastoo hadane wali midawga yurub, ka walwalsanyahay, soo kabsasho la aanta dhaqaale ee jirta, iyo soo rogaal celinka safmarka karona, oo hada ah mid wali taagan.

 

lama garanayo xiliga dhabta ah ee “central bank-backed digital currencies or CBDCs” ama lacagaha bankiga dhexe ee dhijitaalka ah, ee midowga yurub, xiliga sida dhabta hawada usoo galayaan.

Maxay kula tahay  aragtidada noo reeb mahadsanid

Comments (No)

Leave a Reply