Sariflayaasha Suuqa Bitcoin Aya manta oo qamiis ah la arkayey iga oo kala siisanaya bitcoin meshii ugu sareysay mudo labo bil ha, kadib markuu ka soo dul tilaabay bitcoin qiimaha $9.500,
Dhab ahaan tii marka loo eego bitcoin qiimahiisu in uu ka dul tilaabo $9.500 waxay tani u tahay in sariflayasha doonayaan in suuqu sare u kac sameeyo, rajo wanaagsan ayeyna ka qabaan sariflayaashu hadafkoodan,
Bitcoin ayaa garacaya albabka hore ee eriyada $10.000
Marka la eego xogaha laga helayo shabakada coinmarketcapka, hadii dib uraacis lagu sameeyo qiimaha BTC/USD, waxaad arkaysaa in uu kor u dhaafay calamadii darbig ahayd ee $9.500, taas oo ahay meeshii ugu sareysay ee ilaa bishii febarayo 24dii,
Kadib markii uu mudo asbuucyo ah uu bitcoin ku noq noqonayey $8.000, ayaa mar qura la arkay isagoo si xawaaro leh ku tagay $9.000, kadib na waxay ba hada noqotay in mudo dhowr bila ah meshii ugu sareysay uu tago oo ah $9.630,maanta lagu kala gatay.
Asbuuc ahana faaiidada maal gashtayasha bitcoin, marka aan eegno waxan arkeynaa faaiido gaareysa ilaa 9.2%, halka marka la eego sanad ahana xitaa dahabka uu ka faaiido wanagsanyahay, iyo dhamaan suuuqyada kale ee dunida sanad ahaan ilaa 34%.
Sidan warbixinadi kiribto somali tv, aan idinkula wadaagaynay bitcoin waxa uu kujiraa xili tijaabo kala bax u socota, marka loo eego suuqyada dunida inkastoo hadane ay jiran talaabooyin mararka qaar nooga dul xirma suuqyadaas,
Balse $9.500 waxay ahayd barbi adag mudane la taagnaa mala tagi doonaa, Inkastoo hada la dul maray, macna heedu waa rajo wanaag laga qabo, in hoos u dhicii bilooyinka fara badan jiray gaba gabadiisii la joogo, ka hor kala barka bitcoin, waa macquul in bitcoin lagu arko $10.000
Maxay kula tahay aragtidada noo reeb mahadsanid
Comments (No)