Bankigii Ugu Horeyay Dunida Oo Macaamiishiisa u Ogolaanaya In Ay XRP Oo Kiribo Ah Bankigooda,,,

Bankigii ugu horeyay dunida oo macaamiishiisa u ogolaanaya in ay XRP oo kiribo ah bankigooda dhigan karan

Banki lagu magacaabo sygnum bank ayaa noqonaya bankigii ugu horayay ee sharci ka hela hayda lagu magacaabo FINMA oo ah hay,ad qaabilsan dhinaca dhaqalaha wadanka Switzerland 30 kii April ayuu bankigu ku dhawaaqay

Macaamiisha bankiga ayaa hada awoda in ay lacag dhigtaan bankiga kuna sarifankaraan koynka listiga lacagaha kiribto kaalinta 3aad kaga jira ee loogu yeero XRP

Bankigan oo xaruntiisu tahay wadanka Switzerland ayaa macaamiishiisa ubalan qaadaya in toos ay umaal gashan karaan koynka XRP iyo howlaha kale ee dhinaca maalgashiga uu bankigu qabto

Macaamiisha sygnum bank waxay dhigan karan lacgaha kala ah swiss franc Euro Singapore dolar iyo US Dolar intaas oo lacagne waxay awoodaan in ay ku gadan karan XRP koynka ladhaho oo shirkadda Ripple protocol isticmaalaa isla shirkaduna kadanbeyso koynka

Maamulaha bankiga sygnum ayana sheegay in ay aad usoo dhawaynayan talabadan ay qaadeen

Waxan aad ugu faraxsanahay in aan kamid noqono kobaca shirkada Ripple oo macaamiisheeda dunidu dhinaca bankida ay gaarayan ilaa 300 iyo kabadan iyagoo isticmalaya netwoga RippleNet.oo ah mid ku duldhisan koynka XRP kaas oy isticmaalan bankiyo badan si ay wax ugu kala xawilaan iyadoo dhaqalaha xawilada lacaga dunidu kor usii dhaafayo $700 bilyan waxay tani abuuraysaa in si raqiis ah wax lo kala xawilo dhaqaalo farabadane uu meeshaas ka soo baxo xawilada lacagtane xawaaro sare noqoto

Bankiga ayaa hoosta ka xariiqay in isticmaaalka Ripple protocol usaamaxayo in lacagta diristeedu waqti yar qaadaneyso qiimaha kubaxayana uu raqiis yahay marka loo eego qaab xawiladedka kale ee hada la istcimaalo oo qali ah waqti badane qaata

Waxaa soo kordhaya bankiyada doonaya in ay isticmalan Ripple protocol hore waxaa shirkada la midoobay bankiyo iyo shirkado ka shaqeysta suuqa lacaga kala xawilo

10 april Siam banki oo ah banki ganacsi oo laga leeyahay Thailand ayaa sheegay in lacagaha xawilada uu isticmaalayo RippleNet

MoneyGram waxay bishii February sheegtay in ay lacag ka heshay shirkada Ripple labs oo lagu xoojinayo lacagaha shirkadu xawilaad ahanta u isticmasho waxan ognahay in MoneyGram ay sheer ka leedahay shirkada wayn ee Ripple oo koynku uu hada intiisa badan hoostago

Maxay kula tahay  aragtidada noo reeb mahadsanid

Comment (1)

  1. Abdiaziz Apr 30, 2020

Leave a Reply