XRP ETF-kisii Ugu Horreeyay Oo Wadanka Barazil Laga Bilaabey Maanta

Barazil ayaa lagu wadaa inay noqoto waddankii ugu horreeyay ee soo saara XRP ETF ka dib markii jaangooyaha waddanku uu qalinka ku duugey codsigii shirkada Hashdex.

Barazil ayaa notoneysa wadankii ugu horeyay ee suuqa ETFka gaar ahan XRP oo baryahan qiimihisu isbadal dhinaca qiimaha ah ku socdey laga dareemayey mareykanka oo kaliya manoqon doont goobaha ETF’yada crypto laga heli karayo.

shirkada Hashdex Nasdaq XRP Index Fund ayaa bilaabaysa marxaladda suuqu ku bilaabanayo ka hor waxayna ku bilaabi doontaa isweydaarsiga B3 ee Barazil kadib markii jaangooyaha maalgashiga maaliyadeed ee waddanku uu siiyay ogolaanshaha ETF-ka Arbacadii. Maareeyaha hantida loo yaqaan ‘Crypto asset manager’ Hashdex weli ma cayimin taariikhda dhabta ah ee suuqa albabaada loo furayo.

Ansixinta sanduuqa ayaa imaanaysa iyada oo soo saarayaasha adduunka oo dhan ay ujeedadoodu tahay inay wax ka qabtaan baahida sii kordheysa ee maalgashiga crypto, iyada oo ay jirto jawi sharciyeed oo ku habboon badeecadahan iyo aqbalaadda ballaaran ee maalgashadayaasha suuqa  tafaariiqda iyo kan hay’adaha waawaynba.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, shirkado badan, oo ay ku jiraan shirkadaha waaweyn ee suuqa ETF’yada  Bitwise Asset Management, 21Shares, CoinShares, iyo Grayscale, ayaa soo gudbiyay codsiyo loogu talagalay lacagta XRP. XRP waa hantida saddexaad ee ugu weyn suuqa lacagaha kiribto $ 158 bilyan oo suuqisa ku jirto.

Barazil waa wadan dhaqaalahaan ugu weyn Latin America, waana dhaqaalaha saddexaad ee ugu weyn Ameerika kadib Mareykanka iyo Kanada.

Sidoo kale waa suuqa ugu weyn ee crypto ee gobolka, Barazil waxay leedahay Bitcoin ETFs in ka badan waddan kasta oo kale oo Laatiin Ameerika ah, bangiyada waaweyn ee waddanka badidoodana waxay siiyaan maalgashadayaasha nooc ka mid ah gadashada ama iska gadida hantida dijitaalka ah.

Hashdex hadda ma haysto Bitcoin ETF’ka Mareykanka, laakiin bishii Diseembar waxay oggolaansho ka heshay SEC in macaamisha shirkadu la dhaqmi karayaan  Bitcoin iyo Ethereum.

XRP waxaa sameeyay aasaasayaasha shirkada Fintech Ripple, taas oo diirada saareysa nidaamka xawilaada  oo si dhaqso ah, oo hufan u shaqeyn karaayo.

J.P. Morgan falanqeeye ushaqeya  ayaa saadaaliyay in inta u dhaxaysa $3 bilyan ilaa $6 bilyan lagu maalgelin karo lacagaha. ETF’ka Bitcoin oo faaiido ahan usoo saari karaya in kabadan $ 40 bilyan oo soo-gelinta saafiga ah tan iyo markii la bilaabay Janaayo 2024. ETF-yada ku saleysan qiimaha Ethereum waxay heleen in ka badan $ 4.5 bilyan oo qulqulka saafiga ah tan iyo markii ganacsigu bilaabmay bishii Luulyo ee la soo dhaafay.

Comments (No)

Leave a Reply