Guddiga Amniga iyo suuqyada isweydaarsiga ee Thailand (SEC) ayaa horumar weyn ka sameeyay suuqa loo yaqaan ‘cryptocurrency’ isagoo ku dhawaaqay soo saarista suuq isweydaarsiga dhijitaalka ah oo caalami ah kuna saleysan blockchain.
Mashruucan cusub wuxuu fududeyn doonaa ganacsiga suuqa koowaad iyo kan labaad, isagoo sare u qaadaya guud ahaan hantida la isku weydaarsado. Iyada oo la adeegsanayo isku xirnaanta silsiladaha badan, waxaa loogu talagalay in lagu daboolo noocyo badan oo koynan kala duwan ah, taas oo soo jiidanaysa kana dhigeysa saldhig maalgashadayaasha ballaaran isugu imaan karaan
. Waxaa intaa dheer, barnaamijku wuxuu fududeyn doonaa hababka muhiimka ah oo ay ka mid yihiin dejinta, diiwaangelinta maalgashadayaasha, iyo bixinta. Waqtigan xaadirka ah,
SECtiga waxay oggolaatay afar mashruuc oo dhijitaal ah halka laba kale ay ku jiraan codsiga nidaamka oggolaanshaha. Hindisahaani wuxuu ka tarjumayaa ballanqaadka Thailand ee ku aaddan kobcinta jawi aamin ah oo hufan oo loogu talagalay suuqa loo yaqaan ‘cryptocurrency’, taasoo u dhigeysa in thailand tartan kula jirto dowlado badan oo doonaya in suuqan udajiyaan sharciyad soo jiidasho uleh ganacsatada la dhaqanta
Comments (No)