Maalgashadayaasha suuqa Bitwise ayaana loo ogolaaday in ay gadan karayaan bitcoin iyo ether, oo ah labada koyn ee hada suuqa lacagaha crypto ugu badan ku jirto.
Gudiga Securities and Exchange Commission ayaa ansixiyay Bitcoin iyo Ether oo ah sanduuq ganacsi oo wadajir ah loona yaqaan (ETF) Khamiistii, taas oo u oggolaaneysa maalgashadayaasha inay helaan labada hanti ee dhijitaalka halka suuqan uu leeyhay gudi maaliyadeed oo la nidaamiyey.
SEC.tiga waxay ku dhawaaqday inay ogolaansho degdeg ah siisay Bitwise’s Bitcoin iyo Ethereum ETF, wax yar bil ka dib markii la ansixiyay suuqyo la mid ah oo ay soo gudbiyeen Hashdex iyo Franklin Templeton. Hashdex’s Crypto Index ETF. Dhamaan suuqyadan waxey maalgashadayaasha siinayaan fursad ay ku helaan hanti kala duwan oo loo yaqaan ‘cryptocurrencies’, halka shirkada Franklin Templeton uu sheegay inuu soo saari doono badeecadiisa waqti ka mid ah Janaayo.
Suuqa Bitwise, oo lagu bilaabay New York Stock Exchange, waxay siinaysaa maalgashadayaasha soo-helitaanka labadaban bitcoin (BTC) iyo ethereum (ETH), oo lagu miisaamay raasumaalka suuqa. NYSE Arca waxay foomka 19b-4 u gudbisay SEC bishii November ee la soo dhaafay.
Shirkadaha maareynta hantida ayaa soo gudbiyay qaab tixraac ah oo la xiriira crypto-ka ETF maalmihii la soo dhaafay, iyagoo raadinaya inay ka faa’iideystaan US Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa ballanqaaday in uu si khafiif ah u taaban doono arrimaha sharciyeynta.
Shirkaduhu waxay dalbadeen ETFsyo si ay ula socdaan qiimaha memecoins sida Dogecoin (DOGE) iyo cryptocurrencies sida Solana (SOL).
Comments (No)