Qof $107,000,000 Mataha Kaftanka Ah Ama Memecoin Ee Uu Taageeray Madaxweynaha Arjentina Ka Saartey.

Qof $ 107,000,000 Mataha Kaftanka ah ama Memecoin ee uu taageeray Madaxweynaha Arjentina Ka Saartey.

Qofkan La socday xigah hoose ayaa marqura bilaanay In uu ka saarto $ 100 milyan. Koynka kaftanka ah ee uu Madaxweynaha Arjentina Javier Milei uu taageeray soo saaristisa memecoinkan oo loo malaynayo in loogu talagalay in lagu taageero koritaanka dalka.

Qoraal uu bartiisa x soo dhigey ayana  la tirtiray, Milei wuxuu ku dhawaaqay daahfurka LIBRA, iyadoo uu ahaa calaamad loogu talagalay in lagu dhiirrigeliyo kobaca dhaqaalaha Argentina,

Qiimaha suuqa ee LIBRA wuxuu gaaray $ 4 bilyan saacado yar ka hor inta uusan qiimahaas hoos u dhicin, Milei wuxuu ka laabtay taageeradiisa lacagta.

Madaxwaynaha ayana baahiyey qoraal kale, Saacado yar kahor waxaan soo daabacay fariin twitter ah, sida aan marar badan oo kale sameeyay, taageerada shirkad gaar loo leeyahay oo sida muuqata aanan wax xiriir ah laheyn. Ayuu qoraalka madaxwaynaha ka mid ahaa

Ma aanan ogeyn faahfaahinta mashruuca ka dib markii aan ogaaday waxaan go’aansaday in aanan sii wadin faafinta xogo hooda taasi waa sababta aan u tirtiray tweet-kii an ku taagerayay howsha aywadeen.

Baryahana suuqa kaftanka waxaa ku soo kordhay koynan siyaasiyiin iyo madaxwaynayaal gadaal ka ariixayaan hadane dhaqankii siyaasiyiinta lagu yaqaney oo kale uun ula dhaqmaya bulshada dad badan ayana hanti farabadan kuwayey koynankan hore bulshada crypto waxey la dhac iyo hanti dhunta kala kulmeen koynankii kaftan ee fananin iyo dad can ah balse in markaan madaxwaynayashii ku dhacaan hantidooda kaftan koyn ah waa mid ubaahan in bulshada kiribto isku garab istagto sidii looga hortagi lahaa.

Sida laga soo xigtay shirkadda raadraaca ‘blockchain tracking firm’ ee loo yaqaan ‘Lookonchain’, dadka ka dambeeya bilaabilowgii ‘LIBRA’ waxay ka faa’iideysteen in ka badan $ 107 milyan oo ah USDC iyo SOL iyagoo ka gadey dadka Deeganka rer arjentina si tafaariikh ahaan ah.

Siddeed boorso oo la xiriirta kooxda LIBRA waxay heleen 57.6 milyan USDC iyo 249,671 SOL $ 49.7 milyan iyagoo ku daray hanti kale ama lacagta isdhafsiga oo marka hore iga ay kenen balse markii danbe ay dib ula baxeen.

LIBRA ayaa hadda 92% hoos uga dhacay marka la eego heerkii ugu sareeyay abid.

Comments (No)

Leave a Reply