Neptune Digital Oo Shirkad Laga Leeyahay Kanada Oo Gadaneysa Bitcoin Iyo DOGE

Shirkadda Neptune Digital Assets Corp., oo ah shirkad Canadian ah oo hormuud u ah shirkadaha la qadhaqma blockchainka, ayaa ku dhawaaqday inay iibsatay 20 Bitcoin oo dheeri ah iyo 1 milyan oo Dogecoin ah.

Iibsiga Bitcoin waxay ku gateen qiimo celcelis ahaan $ 99,833 halkii BTC, oo wadar ahaan gaaraya qiyaastii $ 2 milyan oo doolarka Mareykanka ah. gadashaadan, oo la sameeyay intii u dhaxeysay 26 Janaayo iyo 3 Febraayo 2025, waxay kordhisay wadarta hantida Bitcoin ee Neptune ilaa 376 BTC ah.

Marka lagu daro ballaarinta kaydkooda Bitcoin, Neptune waxay sii balaarisay faylalka cryptocurrencysiga iyagoo  iibsadey 1,000,000 DOGE Dogecoin ah

Qababkii  Dogecoin  loo maray iibsashadiisa ayaa ahayed mid istiraatiijiyadeed kana soo bilaabantay 27 Diseembar 2024, celcelis ahaan qiimahan ayuuna ugu fadhiyaa hada $ 0.37 USD halkii DOGE.

Cale Moodie, oo ah madaxa shirkadda Neptune, ayaa hoosta ka xariiqay istaraatiijiyadda muddada-dheer ee shirkadda:

Iyada oo xoogga la saarayo BTC, iibsiyada bilowga ah waxay muujinayaan sida ay Neptune uga go’an tahay istiraatiijiyadeeda kobaca. iyadoo si taxaddar leh u maareynaysa halista dheelitirka iyo heerarka deynmanka shirkada.

Tallaabadani waxay la jaanqaadeysaa dadaallada socda ee Neptune ee lagu kordhinayo hantideeda Bitcoin iyada oo loo marayo iibsi toos ah, ganacsiga suuqan loo yaqaan derivatives, ayaa maacashiimiisha looga dhigaa beddelashada abaalmarinta saamiga Bitcoin, qotayaasha Bitcoin.

Marka laga reebo aruurinta hantida dhijitaalka ah, shirkaddu waxay la shaqaysaa oo maal gashataa mashaariicda tikniyoolajiyadda ugu horumarsan, oo ka kooban dhinacyo ay ka mid yihiin hantida dhijitaalka ah, fintech, iyo sahaminta hawada sare shirkadaha ka shaqeeya.

Neptune Digital Assets Corp. waa mid ka mid ah shirkadihii ugu horreeyay ee Kanada ee ganacsiyada dadweynaha oo gaar loo leeyahay hadane ah hogaamiyaha suuqa ee hantida dijitaalka ah.

Iibsashadani waxay la mid tahay sida  shirkado kale, oo ay ka mid tahay Microstrategy iyo Genius Group, kuwaas oo ku guuleystay booska loo yaqaan ‘crypto space’ iyagoo iibsanaya Bitcoin oo qayb ka ah istiraatiijiyadooda maaliyadeed.

Comments (No)

Leave a Reply