Guusha Ripple Way Dhowdahay Madaama SECt’igu Ku Dhawaaqay In Dagaalkii Uu Dhamaaday

Hay’adda SECt’iga ee la xiriirta qaybteeda crypto qawaaniinta usameysa  ayaa hoos u dhacday, iyadoo sarkaal hore uu saadaaliyay in hay’addu ay dhawaan joojin doonto racfaanka Ripple iyo in ay joojin doonto dhammaan kiisaska la xiriira crypto.

John Reed Stark, oo ahaa madaxii hore ee ciidamada Maraykanka Xafiiska fulinta internetka ee Komishanka Amniga iyo Sarrifka SEC, ayaa ku baahiyey bartisa warbaahinta bulshada ee X Febaraayo 17 in dadaallada gudiga fulinta crypto ee SEC ay si wax ku ool ah u burbureen.

Stark, oo in ka badan labaatan sano ku qaatay SECt’iga oo uu ahaa sarkalka kaliya ee siweyn u dhaleeceyey dhibta lagu hayey shirkadaha ka shaqeysta suuqa cryptocurrency, wuxuuna tilmaamay dhaqdhaqaaqyada sharciga ah ee wakaaladda, iyo kiisaska ka dhanka ah Coinbase iyo Binance inay yihiin calaamado cad oo dib u dhac ballaaran ukeenaya hor umarka suuqan. Wuxuu saadaaliyay in dagaalka sharci ee ka dhaxtaagnaa shirkada Ripple iyo SECt’igu uu la kulmi doono masiir isku mid ah. Madaxii hore ee hay’ada SECt’iga ayana qoray,

Waxaan filayaa in SECt’igu ay si la mid ah u joojin doonto rafcaanka Ripple dhawaan. Qoraalku wuxu hada ku qoranyahay derbiga: SECt’iga- xeer hoosaadka sirta ah oo si rasmi ah ayuu u dhacay.

Diiwaangelinta sharciga ah ee SECt’iga ee dhowaan la sameeyay waxay ka tarjumaysaa isbedelkan istiraatiijiyadeed. Jimcihii, hay’addu waxay u sheegtay Wareegga Labaad in Kooxdeeda Crypto Task Force ee dhowaan la aasaasay ay fududeyn karaan xallinta kiiskeeda ka dhanka ah Coinbase, taasoo keentay dib u dhac kooban oo ka jawaab celinta codsigii racfaanka ee Coinbase. Stark wuxuu iska fogeeyey tallaabadan isagoo ku tilmaamay inay tahay tanaasul aamusnaan ah oo ay sameysay SEC, isagoo qoray, Ku xirmeesha kiiska SEC ee ka dhanka ah Coinbase, waa lana dhaxdey arintaan  Sidoo kale, usbuucii la soo dhaafay, SEC iyo Binance waxay si wada jir ah u codsadeen laba bilood oo hakad ah kiiskooda fulinta ee socda, iyagoo tixraacaya isbeddel ku yimid habka sharciyeynta.

Stark wuxuu sidoo kale tilmaamay dib u habeynta gudaha ee SECt’iga, isagoo xusay in qareenka maxkamadda ee mas’uulka ka ah guulaha waaweyn ee gudiga fulinta crypto si lama filaan ah dib loogu magacaabay, Maalin maalmaha ka mid ah waxa uu ahaa madaxa ciidanka qaranka ee qareenada maxkamada SECt’iga, Maalinkii ku xigayna waxaa loo diray si uu u hagaajiyo dadkii la shaqeyn lahaa gudiga cusub. Waxa kale oo uu iftiimiyay in  kiisaska loo yaqaan ‘crypto-cases’ ay hadda hoggaaminayaan koox sharci ah oo ka socota xarunta dhexe ee SECt’iga ee Washington, DC, halkaas oo shaki la’aan ay hadda taageerayaan Guddoomiyaha SECt’iga ee xilka haya.

Stark wuxuu soo bandhigay waxyaabaha uu ka filayo talaabooyinka xiga ee SEC, isagoo saadaalinaya in la joojin doono dhammaan dadaallada kale ee fulinta crypto. Wuxuu faahfaahin ka bixiyay.

Baaritaano la xiriira qaan sheegad kaa oo ay wado Hay’adda SECt’iga. Waxaan filayaa in baaritaanada dhan ee aan rasmiga ahayn iyo kuwa rasmiga ah ee la xidhiidha qaan sheegashada ee SEC ay si lama filaan ah u soo afjari doonaan dhawaan. Waxa kale oo uu saadaaliyay in isbeddelada SECt’iga ee dacwadaha la xiriira crypto, isagoo leh Waxaan filaynaa in SECt’igu ay isbadal laimaneyso ah in maxkamadaha socda la hakiyo dhammaan iyo dacwadaha la xiriira crypto ama, si kale, si loo xaliyo ama loo tuuro dhammaan kiisaska la xiriira crypto ee SEC si dhakhso leh shuruuc aad u wanaagsan shirkadha crypto ka shaqeyso ku qan caan.

Comments (No)

Leave a Reply