danbiilayaashu waxay dhibanaha ku hayaan hanjabaado dil, daroogeyn, iyo weeraro iyagoo isku dayaya inay gacanta ku dhigaan hantida boorsadiisa crypto.
Koox ka kooban todobo nin oo British ah ayaa xabsiga loo taxaabay wadar ahaan 76 sano xukun ah ayana ku dhacay kadib markii ay afduubteen oo ay jirdil u geysteen nin iyagoo isku dayaya inay helaan boqolaal kun oo doolar oo ah hantida loo yaqaan ‘crypto assets’ ah.
Sida laga soo xigtay warbixinta booliska maxalliga ah, dhibbanaha aan la baahin xogtiisa ayaa laga afduubtay gurigiisa oo ku yaal Irlam, Greater Manchester bishii Diseembar, ka hor inta aan lagu tuurin gaari xamuul ah oo si xoog lah loogu qaaday. Bacmadow wayne madaxa looga xirtey.
Kadibna dhibbanaha ayaa lageysay guriwaxeyna ku dul xirxireen sariir ayagoo raggaasi ay ku garaaceen hub, waxana laga helay nabarro iyo astaamo gubasho ah. Booliska ayaa markii dambe goobta ka qabtay qori shaqeynaya, seddex xabadood, bastoolad rasaas leh, mindiyo, qalabka hilibka lagu gooyo, baaldi bir ah iyo dubbe ama buris bir ah.
Booliska ayaa helay wicitaan qarsoodi ah oo ka warbixinaya walaac ku saabsan afduunkan ku saleysan dhac hanti, markay yimaadeen goobta, boolisku waxay arkeen nin ka cararaya gurigii- markii dambe loo aqoonsaday Karl Johnson.
Kooxdan burcada ah ayaa la sheegay inay booqdeen dhibbanaha marar badan sanadka 2023 oo dhan si ay ugu hanjabaan inuu u wareejiyo boorsadiisa weyn ee loo yaqaan ‘crypto portfolio’, oo lagu qiyaasay boqolaal kun oo doolar, iyaga.
Waxayna weerarada bilaabmeen Janaayo 2023, shan dhacdo oo isku xigxigayna waxay u geysteen dhibbanaha oo lagu xiray qol, iyagoo siyey daroogada morphine,loo yaqaan iyo mindiyo, laguna hanjabay lagu dilayo. Dhibbanaha ayaa horay u siiyay dambiilayaasha in ka badan $124,250 (£100,000) inta aysan dhicin dhacdadii ugu dambeysay.
Baadhitaan lagu sameeyay qoriga iyo rasaasta ay boolisku ka heleen goobtii ugu danbeysay ee afduubka ayaa lagu ogaaday in ninkaasi lagu magacaabo Jonathan Newns. Waxaa lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah iyo laba jeer oo isku day dhac ah, laba jeer oo xabsi isku handed ah, afduub, iyo haysashada qoryaha mamnuuca ah.
Nin kale oo lagu magacaabo David Povey, waxaa lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah dhac, afduub, xabsi ah, iyo isku day dhac. Shanta nin ee kale waxaa lagu xukumay labo ilaa 14 sano oo xarig ah.
Warbixinta booliiska ma sheegin sida dambiilayaashu ay ku ogaadeen lahaanshaha crypto ee dhibbanaha.
sanadihii ugu danbeeyay, waxaa jiray tiro kiisaska burcada sameynsa weeraro xoog leh oo la beegsanayo hantiilayaasha lacagaha qarsoon, gudaha iyo dibada UK
Bishii Maarso 2020, nin Scottish ah ayaa lagu hanjabay mindi gurigiisa ku yaal magaalada Blantyre, oo u dhow Glasgow, koox isku dayday inay ku qasbaan inuu wareejiyo hantidiisa crypto.
Dhacdo ceynkan oo kale ahne gudaha somaliya gar ahan magalada muqdisho ayaa koox burcad horey ugu digey ganacsade soomali ah oo ka shaqeysan jiray lacagaha crypto. Marka hadii aad la dhaqanto lacagaha kiribto ogow in burbacduna kugu daba joogto una bahantahay
Comments (No)