Bitcoin Oo Taagan Xili Go’aan Qadasho Mudan Cabiro Tilmamaya Jihooyin….

Falanqaynta dareenka suuqa ayaa soo jeedinaysa in Bitcoin ay u badan tahay inay ku dhowdahay barta isbeddelka iyada oo isbeddellada hoos u dhaca falina karayo.

Iyadoo dareenka suuqyadu is bedbedelayo, falanqeyn dhowaan la sameeyay waxay soo jeedineysaa in hoos u dhaca crypto ee hadda jira ay soo bandhigi karto fursad istiraatiiji ah oo iibsi.

Iyada oo Bitcoin (BTC) ay ku dhowdahay $ 100k wali muujinaya calaamadaha iska caabinta qiimaha la kordhiyay, ganacsatadu waxay dib u eegaan istiraatiijiyaddooda iyada oo ay sii kordhayaan mugga bulshada iyo isbeddellada hoos u dhaca.

Brian, oo ka tirsan Santiment Insights ayaa faallo ka bixiyay, “cabsida iyo walwalka ka dhax jira warbaahinta bulshada ayaa inta badan calaamad u ah xilliga saxda ah ee dib loogu laabanayo maalgashiga crypto.ama tahay xiliga fursadaha wacan suuqa laga heli karayo “

Falanqayntaani waxay sahamineysaa dhaqdhaqaaqyada suuqa ee dhowaan, ee Bitcoin, xogahan mugga badan ee bulshada, iyo fursadaha, hoos u dhacaan laga dareenka crypto, iyadoo diiradda la saarayo waqtiyada istiraatiijiyadeed ee iibsashada.

Xaalada hada ee suuqa lacagaha kiribto, waxay muujineysaa kala duwanaansho la yaab leh. Dhinaca kale, dareenka warbaahinta bulshada waa mid walwal mujin ah ama cabsi karjirto, taasoo taariikh ahaan keentay fursado faa’iido ah. Dhinaca kale, qiimaha lakala siisto koynanka waxay muujiyeen adkeysi iyadoo ay jirto isbedelka dhinaca dareenka cabsida. Oo kalin ka qaata iska iibinta keenay hoos u dhaca BTC ee ku wajahan $ 90.kun bishii Nofeembar waxaa lagu xasuustaa  xigay soo kabasho deg deg ah ee uu ku soo laabatay $ 100kun, taasoo muujineysa isbeddelka astaamaha xaaladaha suuqa ee hadda jira.

In kasta oo ay soo wajahday mowjado Cabsi ah keenayna hoos u dhac ku yimid  qiimaha ee la isku weydaarsanayo warbaahinta bulshada, Bitcoin ayaa hadane wali ah kan kaliya ee sii wata inay noqoto barta xiisaha ee maalgashadayaasha. Si gaar ah, xogtii ugu dambeysay waxay muujineysaa in xilliyada mugga wayn cabsida ah ka jirto baraha bulshad dhaxdeeda  ee hoos u dhaca, ay la xiriirto dib u soo kabashada qiimaha ah. Tusaale ahaan, isbeddelada qiimaha ee 3’dii Febaraayo, oo btc qiimihisu ka soo kabtay $ 92.kun gaareyne ilaa $ 102k oo uu kala kulmay diidmo sare u kucu in uu sii socdo, waxay hoosta ka xariiqday jawaab celinta dareenka suuqa.

Waxyaabaha kale ee muhiimka ah ee la tixgelinayo waa cabirka loo yaqaan Bitcoin’s Coin Days Destroyed (CDD) metric, kaas oo bixiya aragti ku saabsan dabeecadda haystaha muddada-dheer. Ama dadka mudo badan heysta bitcoinka Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee CDD waxay muujinayaan in tiro badan oo Bitcoin ah loo wareejiyay suuqa gaar ahan qaybta iibinta. Isbeddelkani wuxuu u muuqdaa mid ka soo horjeeda soo kabashada, isagoo iftiiminaya in halka isbeddelka muddada-gaaban uu jiro, balse istaraatiijiyadaha muddada-dheer ay u baahan karaan dib-u-qiimeyn ay ku sameeyaan maalgashadayaasha.

Iyadoo maalgashadayaashu ay si dhow ula socdaan isbedelka qiimaha BTC ee uu ku jira iyo kala duwanaanshaha adag, suuqa ayaa u muuqda inuu diidan yahay. In uu hoos u dhacyo kale sameeyo,

Isku soo wada duuboo, aragtida laga soo qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada, iyo  cabirrada CDD, iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee Bitcoin ayaa wadada u xaareysa fahamka suuqyada crypto. Maalgashadayaashu waxaa laga yaabaa inay ka faa’iideystaan inay u arkaan dareenka guud inuu yahay fursad halkii ay ka noqon lahaayeen dib u dhac suuqa ku yimaado in ay ufahmaan. Qaadashada habka “iibsiga xiliga cabsida” waxay si fiican u horseedi kartaa faa’iidooyin, gaar ahaan marka xogtu muujiso suuq ka soo horjeeda. Ka warqabka iyo istiraatiijiyad ku socodka hoos u dhaca waxay u horseedi kartaa ganacsatada inay helaan natiijooyin faa’iido leh.

Comments (No)

Leave a Reply