Waxaan Ku Bilaabeynaa  Bitcoin

Faalooyinkan qeybta hoose yaal Ayaan idinkula wadaageynaa waxana hada ka bilaabeynaa Bitcoin, oo bilowga safarkaaga dunida lacagaha cryptocurrency. Wax kasta oo aad taqaan, falooyinkan waxay kaa caawin karaan inaad ogaatid waxyaabaha aad xiiseyneyso.

Waa maxay Bitcoin?

Bitcoin waa hanti dijital ah oon la kala lahayn ama baahsann warbixintan ayan ku falanqeyneynaa

Bitcoin waxay udhigantaa ama ku dul koobmeysaa hanti badan, sida lacag caddaan ah iyo dahab. Tusaale ahaan, waxaad u isticmaali kartaa sida lacagta oo kale ama sida in aan u keydsato hanti ahaan.

Qodobka kale ee Bitcoin ka dhigaya mid aan caadi aheyn waa qaabkeeda an lakala laheyn ama baahsan iyo aaminaad la’aanta. Taas macnaheedu waa in cid saddexaad oo lagu kalsoon yahay masuul ka ahayn sida (xarun dhexe oo laga maamulo.sida bangiyada) tasoo lagama maarmaan u ahayn Bitcoin. Qaybaha sadexaad waxay u dhaqmaan sidii dhexdhexaadiyeyaal, waxaana inta badan loo yaqaannaa dhexdhexaadiyeyaal ama gacan sedexaad.

Dhaqaalaha caadiga ah marwalba waxaa jira ganacsi gacmo kale (sida caadiga ah wax kabadan hal) oo inta udhaxeysa dadka wax kala gadanaya ama ganacsi sameynaya.

Waxay umuuqataa in uu yahay hal dhexdhexaadiye balse inta badan waa kuwo badan. Tusaale ahaan suuqa isdhaafsiga saamiyada. Inta udhaxeysa adiga iyo qofka wax iibinaya waxaa jiri kara illaa iyo toban qof, mid walbana lacag ayuu kaa qaadaa adeegyadiisa!

Waxaa intaa dheer, si ka duwan dhammaan macaamillada maaliyadeed ee casriga ah sida danabeysan udhaca ama elektaroonigga ah, lacagta caddaanka ah iyo Bitcoin waxay la mid yihiin in si toos ah loogu macaamil karo, iyada oo aan cid saddexaad loo baahnayn, iyo iyada oo aan la weydiisan ogolaansho in la abuuro koonto ama la furto.

Isweydaarsiga tooska ah ee lacagta caddaanka ah uma baahna dhexdhexaadiyeyaal ama gacan sedexaad, laakiin abuurista lacagta caddaanka ah waxay ku xiran tahay oo keliya dhinac saddexaad oo lagu kalsoon yahay, sida bangiga dhexe. Abuuritaanka Bitcoin cusub, taas bedelkeeda, waxay ku imadaa barnaamij ahaan waxayna ku kooban tahay 21 milyan oo unug.

Maxaa qiimo uyeela Bitcoin?

Qiimaha Bitcoin wuxuu ka yimaadaa labo dhinac oo isku xiran taasoo is taageerto iskana xoojiyo.

Waxyaabaha ku jira

Saamaynta shabakadda

Markii shabakadu ama netwoga korto, faa’iidadiisu way kortaa. Tusaale ahaan shabakada telefoonka. Marka ay shabakada ku jiraan dad yar, wax qiimo ah ma leh. laakiin hadaad wici kartid qof walbo, shabakadas ama netwogas ayaa ah mid qiimo badan. Sidaas oo kale ayaa loo sameeyaa shabakadaha lacagta.

Taariikh ahaan, dadku waxay lacag u isticmaali jireen wax kasta, laga bilaabo dhagxaanta badan qar ilaa maqaarka cusbada iyo waxyabo kale, laakiin sida muuqata lacagta ugu adag waa dahabka. Maxaa sababay?

dadku waxay ku tiirsanaayeen dahabka sababo sadex ah dartood. dhif iyo naadirnimo, adkeysi, iyo kala qaybsanaan. Tilmaamahan ayaa dahabka ka dhigaya mid waxtar u leh kaydinta iyo waxku  badalasho qiimahaan. Sababtoo ah dahabku wuxuu faa’iido u leeyahay arrintan, ‘shabakadii ama netwogii’ dahabku wuxuu noqdey mid waqtiga kadib, dahabku uu noqday mid guud ahaan la aqbalo inuu qiimo leeyahay. Boqolaal sano, dahabku waxa uu ahaa hantidii ugu weyneyd aduunka intiisa badan. Dhawaanahan, doolarka Mareykanka wuxuu badanaa badalay dahabka, inkasta oo dahabku uu sii wato inuu qiimo leeyahay.

Bitcoin waxaa badanaa la barbar dhigaa dahabka sababtoo ah waxay leedahay astaamo la mid ah. Waa kuwaan.

Waxay leedahay tiro kooban.

Waxaa jiri doona oo kaliya 21 milyan oo Bitcoin ah, taasoo micnaheedu yahay in Bitcoin ay yartahay marka la barbar dhigo walxaha kale ee u adeegi jiray sida lacagta sida dhagxanta badda, milixda ama cusbada, iyo lacagta caddaanka ah.

Marka waxyaabaha aysan dhif aheyn, qiimahoodu hoos ayuu u dhacaa waqti ka dib. Hadii tan loo isticmaalo lacag ahaan, waxay keenaysaa in la yareeyo awooda wax iibsiga, taas oo ah tirada badeecadaha iyo adeegyada la iibsan karo iyadoo la isticmaalayo cadad go’an oo lacag ah.

Way fududahay in la qaybiyo.

Waxaad u qeybin kartaa hal bitcoin 100 milyan oo gogo.  (100 milyan oo sats) halka hal doolarka Maraykanka loo qeybin karo 100 gogo.  (100 cents) Taas macnaheedu waa dunida waligeed “kama dhammaanayo” Bitcoin. Mar walbo waa la qeybin karaa oo qaybo yaryar ayuu noqonayaa.

Waa mid waara.

Internetku waa mid waara sababtoo ah wuxuu ka kooban yahay shabakad caalami ah oo kumbuyuutarro ah. Sidoo kale, shabakad balaadhan oo caalami ah. oo kumbiyuutarada ku shaqeeya si madax banana ah ayaa daba socota lahaanshaha Bitcoin. Tani waxay xaqiijineysaa in uusan lumin Bitcoin.

taas ka sokow, Bitcoin waxay leedahay dhowr sifo oo kale oo muhiim ah taasoo kor u qaadaysa sifooyinka lacagta kana duwan tan dahabka. Waana kuwan.

Waa wax la qaadi karo

Lacag kasta oo Bitcoin ah oo aad u dirto qof kasta oo aduunka ku nool, waxay ku imaan kartaa daqiiqado gudahood.

Way fududahay in la xaqiijiyo

Way fududahay in la xaqiijiyo xaqiiqada Bitcoin. Xaqiiqdii, waa wax aan macquul aheyn in Bitcoin been abuur ah la kala iibsado, taas oo ka duwan dahabka, sida loo kala iibsado dahabka been abuurka ah. Farsamooyin badan oo dahabka lagu xaqiijiyo ayaa taas caddayn u ah.

Wuxuu leedahay saamayn xoog leh oo shabakadeed oo netwogisa ah

Inkastoo Bitcoin, la bilaabay 2009, oo uu ka yar yahay da’ahaan dahabka, saameynta shabakada Bitcoin waxay ka faa’iideysataa baaxada iyo xawaaraha internetka. Sababtu waxay tahay Bitcoin waa hanti dijitaal ah taaso dadka isticmaalo ay yihiin kuwa asal ahaan dijitaalka ah. Hadase tirada dadka haysta Bitcoin way korortay laga soo bilaabo eber 2009 ilaa in ka badan 100 milyan oo isticmaal maanta, tirada dadka haysta dahabka ayaa istaagay isla waqtigaas. Ma cadda sida ay shabakada Bitcoin u weynaan doonto, laakin hadii ay gaarto sicirka suuqa la mid ah kan dahabka, halkii Bitcoin waxay noqonaysaa mid qiimaheedu dhan yahay $500,000.

Sidee bay Bitcoin u shaqaysaa?

Aynu marka hore eegno sida ay lacagtu uga soo muuqato bangiga. Lacagta bangiga ku jirta waxay kusoo baxdaa liis gareynta ama diwaanka.

Heshiisyada sida mushaarka iyo kirada waxaa loo diiwaangeliyaa sida dhigaalka iyo ka bixitaanka lacagta oo wax ka beddelaya wadarta guud ee diwaanka kugu jirtay.

Waa in aad ku kalsoonaataa in bangiga uu xisaabiyo dhammaan lacagaha wax lagu kala iibsaday iyo inta hartay. Sidaas ayuuna, bangigu ku yahay qofka saddexaad oo la aamini karo, ama gacan seddexaad. Nasiib darro, bangiyada waxay sameeyaan khaladaad badanaa ku filan si ay u caddeeyaan jiritaanka diwaanka waxey sameysteen heshiis loogu magac daray dib u u eegida bangiga oo ay adeegsadaan shirkadaha iyo shakhsiyaadka si ay u qabtaan khaladaadka bangiga.

Bitcoin sidoo kale waxa uu leeyahay Diiwaan, laakiin waa Diiwaan aan lakala lahayn ama baahsan. Si ka duwan bangiga ama shirkada kaararka deynta bixiya, wax isdhaafsiga ama ganacsiyada ku jira Bitcoin diwaankisa waxaa xaqiijiya shabakad an lakala lahayn ama baahsan oo loo yaqaan nodes. Isku xirnaashan waa dadka ka shaqeeya diwaanka Bitcoin, qof walbana wuxuu noqon karaa isku xirayaashan oo kale, isagoon fasax weydiisan qof kale.

Bitcoin diwanakisa kaliya wuxuu ku dari karaa macaamil cusub. Ama wax isdhaafsi cusub Micnaha, xogta waa la dari karaa oo kaliya, mana badali karo ama la soo dhimi karo. Tani waa muhiim sababtoo ah waxay ka dhigeysaa wax aan macquul aheyn in la badalo taariikhda Bitcoin diwaankisa.

Heshiisyada ku lifaaqan wax isdhaafsiga waxaa la geliyaa hal xirmo. Ama xirmoyinka silsiladaha waxaa loo yaqaan blockchainkuna xiran kii hore si loo sameeyo silsilad blockchain taas oo abuureysa diiwaan aan kala go’ lahayn oo dib ugu laabashadiisu macqul noqoneyn

Hadane Isku xidhka ama dadka netwoga shabakada Bitcoin waa inay ku heshiiyaan in macaamilku sax yahay in kasta oo aysan isku aamini karin, iyo suurtagalnimada qof isku dayaya inuu been ka sheego macaamil ganacsi ay jiri kareyso sababahan ayaaa sii adkeynaya dib ulabashada iyo iyadoo qofne qofka kale aamineyn ilaa xirmadu noqoto mid la wada xaqiijiyay.

in kastoo dad aan is garanayn ay ku heshiiyaan xaqiiqada, waxkasto hadane aysan isku aamini karin waxay ahayd su’aal adag in mudo ah dunida dhaqalaha ka taagneyd waana sababta ay masuuliyinta maaliyada caalamiga ah marwalba ugu tiirsanaayeen ilo xaqiiqo oo la aamini karo sida bangiyada. Balse Bitcoin ayaa noqdey nidaam kii ugu horeysay ee xalisay dhibaatadan si hufan.

Shabakada Bitcoin waxey ku shaqaysaa xeerar. Sharciyadaasi waxay xukumaan waxyaabaha ay ka midka yihiin in la xaqiijiyo in aan la isticmaali karayn wax ka badan inta la haysto, iyo waxyaabo kale sida inta bitcoins la abuuri karo. Markasta oo la sameeyo macaamil ganacsi, nowdedka ayaa xaqiijinaya in macaamil ganacsigu uu raacayo qawaaniinta, kadibna waxay u gudbinayaan nowdadka kale ee ay ku xiran yihiin.

Nowdadka isku wada xiran ee ku jira shabakadan an lakala lahayn ama baahsan waa inay ku heshiiyaan in macaamilku sax yahay ka hor inta aan macaamilku lagu darin buugga diwaanka, habka ay ku heshiiyaan xidhiidhada waxaa loo yaqaan is afgarad. Waxaa jira habab badan oo la isku raacsan yahay oo ku saabsan hantida la isku qarin karo, laakiin midka ay adeegsato Bitcoin waxaa loo yaqaanaa caddeynta shaqada PoW.

Caddeynta shaqada ama PoW. waa qaab xisaab ahaan loo damaanad qaaday si loo gaaro is afgarad, waxayna ku shaqaysaa iyadoo ku qasbeysa ka qeyb galayaasha inay caddeeyaan inay dhameystireen qaar ka mid ah xisaabinta ikhtiyaariga ah iyagoo isticmaala tamarta korontada ah (shaqada). baahida loo qabo in la isticmaalo tamarta ama korontada waa muhiim sababtoo ah waxay ka dhigeysaa mid aad u kharash badan dadka xun inay ka qayb qaataane waa ku adagtahay madama tamartii ad isticmashay dib adan uheli kareyn qarsh ku galayna aytahay.

Kooxaha ama dadka ka qaybqaata nidaamka caddeynta shaqada ama Proof of Work ee Bitcoin waxaa loogu yeeraa qotayaal ama miners. oo ah habka ‘daabacaadda’ ama abuurista bitcoins’ka cusub, waa qayb muhiim ah oo ka mid ah nidaamka shabakadda si loo gaaro is afgarad isku raacsanaanta ‘xaqiiqda’ iyada oo aan lagu tiirsanayn hay’ad dhexe. Halka nidaamka qotayashaa ayaa sidoo kale muhiim u ah xaqiijinta amniga shabakada.

Comments (No)

Leave a Reply