Boorsada loo yaqaan crypto wallet. waa boorsada jeebka oo dhijitaalka ah isla markaana aad xakameyn buuxda uleedahay lacagahaaga loo yaqaan cryptocurrencies iyo hantida kale ee dhijitaalka ah, sida Bitcoin, Ether, iyo dhamaan koynanka kala duwan sida aan la socono hey’adaha dhaqaalaha iyo baananka oo kale ah ayaa kaa masuul ah, haynta iyo masuuliyada hantidada waxay kaa rabaan inaad ku kalsoonaato ineysan ku khaldamin hantidaada

Boorsada laguu hayo iyo tan aad haysto maxey ku kala duwan yihiin?
Nidaamka Maalgelinta casriga ah, waa wax iska caadi ah in shirkadaha lacagaha bixiya sida bangiyada ay heystaan hantidaada. Tan macnaheedu waxay tahay, tusaale ahaan, marka aad rabto in aad lacag ka qaadatid xisaabtaada bangiga, xittaa haddii aad xaq u leedahay in aad qaadato lacagtaas, xaqiiqadu waxay tahay inaad ruqsad ka codsaneyso bangigaaga.
Bangiyada way diidi karaan ogolaanshahaas, mararka qaarna way diidaan, sababaha ay u diidaan had iyo jeer kuma xirna danaha ugu wanaagsan ee macaamiishooda shaqsiyan. Intaas waxaa sii dheer, xitaa marka shirkaduhu ay si daacad ah u ilaaliyaan xuquuqda ay macaamiishooda u leeyihiin inay lacagtooda isticmaali karaan, waxa jira arrimo aanay iyagu wax ka qaban karin ayaa ku qasbi kara inay kuu diidaan inaad lacagtaada hesho.
Tusaale ahaan, dowladu waxay ku qasbi kartaa bangiyada inay xaddido lacag bixinta si ay isugu dayaan inay joojiyaan sicir bararka, sida ka dhacday Giriiga sanadkii 2015. Tusaale kale, oo laga yaabo inuu ka khiyaano badan yahay, waa Howlgalka Choke Point, halkaas oo dowladda Mareykanka ay ku cadaadisay bangiyada inay diidaan adeegga dadka ku lugta leh noocyo kala duwan oo warshado sharciyeysan ah oo ay u aqoonsatay inay yihiin musuqmaasuq dad lagu tuhunsan yahay.
Markii ay soo ifbaxeen nidaamyada baahsan ama aan lakala lahayn ee loo yaqaan blockchain. Bitcoin oo ah tusaalaha ugu weyn, waxaa suurtagal noqotay, markii ugu horeysay, in la bixiyo adeegyo maaliyadeed oo iskood loo maamulo oo baaxad weyn leh. Qaabka is-ilaalinta, macaamilku wuxuu ilaaliyaa ilaalinta buuxda, hantidiisa markasta, isaga oo adeegsanaya bixiyaha adeeggan oo kaliya oo loogu talagalay maaraynta hantidiisa si habboon.
Markaad isticmaaleysid boorsada aad adiga ka masuuulka tahay, marka ugu horeysa, uma baahnid inaad weydiisato ogolaansho isticmaalka adeeggan. Ma jirto hab lagu xaqiijin karo akoonkaaga taasoo macnaheedu yahay qof kasta oo aduunka jooga ayaa soo degsan kara apka isla markaana bilaabi kara isticmaalkiisa. Tan labaad, waxaad tahay qofka kaliya ee heli kara lacagtaada. Tani waxay ka dhigeysaa wax aan macquul aheyn in bixiyaha adeegga, dowlada, ama qof kaleba si uu kaaga hor istaago isticmaalka lacagtaada sida aad rabto adigoo u isticmalaya.
Dabcan, awooda weyni waxay la timaadaa masuuliyad weyn! Qaabka iskaa wax u qabso ah, maadaama aad tahay qofka kaliya ee haya lacagtaada, waxaad u baahantahay in aad si taxadar leh u maamusho boorsadada. Tan waxaa ka mid ah in aad wedh ama erayada qaska ku ah meel fiican ku xafidato sida ad sharciyada dhulka ama hantida kalaba ula dhaqan ayad ula dhaqmi kareysaa 12 ama 24 weedh ama erayada ah.
Waa maxay farqiga u dhexeeya iska u xannaaneynso iyo xannaaneysan?
Dhamaan boorsooyinka lacagaha oonleenka ah ma yihiin kuwa iskaa u xanaaneyso ah. Xaqiiqdii maya. Isweydaarsiga lacagaha loo yaqaan cryptocurrency ee suuqyada lacagaha kiribto sida Coinbase, Binance,iyo kuwa lamidka ahba waxay bixiyaan boorsooyin lacagaha loo yaqaan cryptocurrency wallets. oo mararka qaarkood loo yaqaan web wallets. Inkastoo isdhaafsiga noocan ahi uu faa’iido u leeyahay iibsashada, iibinta, iyo ka ganacsiga hantida loo yaqaan crypto, marka aad isticmaaleyso isdhaafsiga noocan ah, lacagtaada waxaa lagu aaminay isdhaafsiga.
Waa maxay khatarta la xiriirta boorsooyinka la maamulo ama suuqyada kiribto bixiyaan?
Khatartodu waa mid aad uwayn xilyada qaarna si cajiib ah u dhacda wana sida in aad lacagtaada bangiga ku heysato oo kale ama isticmaalka barnaamijka lacag bixinta sida PayPal. Khatartu waxay ka timaaddaa xaqiiqda ah, in, asal ahaan, aadan si buuxda u xakamaynayn lacagtaada marka aad isticmaaleyso boorsooyinkan. Ama akownadan.
Marka koowaad, waxaad la kulmeysaa khatarta ah in suuqii lacagtu ku talay u musalafto ama faqriyaan. Haddii taasi dhacdo, aad ayey u yartahay inaad dib u soo ceshato crypto aad ku haysatay suuqaas. Haddii aad hesho magdhowna, dib u soo celinta waxay qaadan kartaa sanado badan, ugu danbeyntii waxaad heleysaa wa xoogaa yar inta hantidaadu ku kacaysay ah. Macnaha wax aan udhigmin hantidaadii hore meshaas musalaftay talay.
Tan labaad, maadaama hanti lagu xisaabtami karo ay tahay, suuqyada sarifka lacagaha kiribtane yihiin kuwo xarumo dhexe laga maamulo waxaa dhacda in hey’adaha sharciyada kala duwan ee dunida, qolaba si ula dhaqanto taas oo keeni kareyso in marqura deganka aad joogto looga dhawaqo in la joojiyay adeegii suuqaas uqaban jiray,
Ugu danbeyntii waxaa jirta khatar ah in la jabsado xaruntii dhexe ee suqaas hadii ay sidaa dhacdo, maadaama lacagaha la isku dhaafsado aysan caymis laheyn badankoodna laga diiwaangeliyo jasiirado yar yar oo dunida galbedka, waxaa macquul ah in aad lumiyo hantidaada wayna adagtahay goobo sharci oo si cad ku hagaya si hantidaadii aad u hesho.
Sideen ku ogaadaa inaan isticmaalayo boorsada aan maamulo aniga?
Dhamaan boorsooyinka loo yaqaan crypto wallets ee aad maamusho waxay kuu oggolaanayaan adiga oo keliya, inaad lahaato furaha gaarka ah ee la xiriira cinwaankaaga dadweynaha. Sida caadiga ah, waxay ku imaan kartaa qaab fayl ah oo aad ku kaydiso qalabkaaga, ama erayo xasuus ah, oo ka kooban 12.ama 24. erey oo si aan kala sooc lahayn loo sameeyay. Haddii jeebkaaga uusan lahayn xulashadan, waa mid la ilaaliyo, taasoo la micno ah inaadan si buuxda u xakamaynayn hantidaada crypto.
Comments (No)