Jawaabta oo sahlan waa, haa, wax ka yar hal bitcoin ayaad iibsan kartaa, dhamaan lacagaha kiribto oo dhan ayana awooda in aad isku ibsan karto bitcoin balse bitcoin waa kayara gar oo qimahiisa ayaa ku kaco wax ka badan 80kun oo doolar.
Waa fikrad khaldan in aadan iibsan karin wax ka yar hal bitcoin. Dad badan, markii ay ogaadeen in hal Bitcoin uu ka qaalisan yahay gawaarida caadiga ah kuwo badan oo kamid ah, waxay joojiyeen isticmaalka waxayna u wareegeen koynanka qadaadiic ahaan qiimahoodu hooseeyo. Tani waa nasiib xumo, maadaama Bitcoin ay tahay lacagaha ugu macquulsan ee la isku halayn karo,
ku haboon in dadka hada bilaabaya isticmalka kiribto ku bilaaban. Waxaa taas ka sii daran, dadka waxaa soo jiita koynanka qadaadiic ahan qiimahoodu aad u hooseeyo, koynankaas ayana khataro badan lagala kulmaa
Balse Xaqiiqadu waxay tahay, hadii aad heysato 1 Bitcoin, ama 15 Bitcoin, ama 0.01 Bitcoin, Bitcoin adiga aad milkisay ayaad heysataa, waxaadna la mid tahay bulshada heysata btc lana qaybsanaya dhibatooyinka iyo hoos u dhacyada iyo kor ukaca labadaba. Wax macno ah ma samaynayso inta aad leedahay.
Waxa muhiim ah waa in ay jiraan 21 milyan oo keliya oo Bitcoin ah, adiguna waxaad leedahay qayb yar oo ka mid ah lacagtaas kooban.
Marka laga soo tago fikradahaas qaldan ee kor ku xusan, waxaa jira awood kale oo ka shaqeya.
Qeexitaanka halbeegga
cilmu-nafsiga ayaa door muhiim ah ka ciyaara dhamaan qeybaha dhaqaalaha keyneesian tartanka quruxda waa tusaale weyn, iyo cryptocurrencies ma kala duwan yihiin. Qeyb muhiim ah oo cilmi nafsiga ku saabsan ayaa ah is xakameynta dhaqaalaha ama halbeeg fiican, maxaa yeelay xakameynta dhaqaalaha waxay badanaa keentaa in dadku sameeyaan xulasho dhaqaale oo liidata. Cryptocurrencies ayaa keentay naqshad cusub ee dhaqaalaha, naqshadeynta unugyada ama awooda in qayb aad heli karto. Halbeegyadan waxay ku yimaadaan qaabab kale,
laakiin crypto waxay ka dhigan tahay in dadku doorbidayaan lahaanshaha unug dhameystiran cryptocurrency ah halkii ay ka heli lahaayeen qaybo ka mid ah.
Waxaa jira laba fikradood oo qaldan oo ku lug leh kala fogaanshahan.
In aad hesho lacagta oo dhan waa ka wanaagsan tahay in aad hesho qayb kamid ah.
In aad lacago badan haysato ayaa ka fiican in aad hal lacag haysato.
Bini’aadamka waxay jecelyihiin in ay wax walbo jeclaadaan. Ma jeceshahay in aad heshid in yar oo 10 doolar ah, ama in daraf yar oo 10 doolar ah Sidee ayaad dareemi laheyd hadii qof kuu keeno weel cabitaan ah adigoo buuxinaya sadex meelood meel, adigoo aan sida caadiga aheyn u keenin weelka dushiisa ama aanan buuxu weelkii, waa muhiim in la ogaado sida dadku ugu qanacsanayn Waa run in aad aragtoo boorsadada kiribto oo 2.0 ETH ku jirto laga yaabee inaad ku qanacsan tahay aragtidas balse 0.400515 BTC, in kastoo qadaadiicdan bitcoin ah uu aad uga qiimo badan yahay marka loo eego dollarka. Aadan jecleysaneyn aad sida ETH’ka kula muqan.
Qodobka labaad wuxuu ku salaysan yahay kan hore. Haddii laba shay isku ekaadaan, lahaanshaha wax badan oo ka mid ah ayaa ka qiimo badan haysashada wax yar oo ka mid ah. Dunida dijitaalka ah, dareenkeena ku saleysan ee maskaxiyanka ah, si fudud ayaa looga faa’iideysan karaa. Mashruucyo badan oo lacagaha oonleenka ah ayaa waxa ay abuuraan koynan ku dhow trillions taasina waa sababta. Lacag yar oo doolar ah ayaa lagu iibsan karaa malaayiin qadaadiic ah.
Marka waa ay fududahay in dadku ay ku dhacaan go’aan sidan ah, Haddii lacagtaasi ay noqoto 50 senti, waxaan heli doonaa hal milyan oo doolar! qaab kale tani waxay umuuqataa mid macquul ahaan ka badan 0.400515 BTC oo natiijo isku mid ah leh.
Inkastoo tani ay u muuqato mid aan la aqbali karin xaqiiqadu waxay tahay in tirada lacagta aad haysato, ha noqoto malaayiin ama hal dhibic, aysan waxba ka jirin. Muhiim ma ahan sababtoo ah qaabka lacagta loo tiriyo, ama loo qiimeeyo, waa la bedeli karaa. 0.400515 BTC ee aad haysato waxaa lagu qiimeyn karaa qaab kaa dhigaya in aad dareentid inbadan, oo aad u weyn.
sideen ugu badalan karnaa 0.400515 BTC

Halbeegga ugu yar ee Bitcoin ma aha 1 BTC, sida halbeegga ugu yar ee doolar uusan u ahayn 1 dollar. Lacagta ugu yar ee doolarka ah waa 1 senti. Qaddarka ugu yar ee Bitcoin waa 1 satoshi oo badanaa loo soo gaabiyo 1 sat. Waxaa loo yaqaanaa Satoshi ama Sat, si loogu sharfo hal abuurihii Bitcoin, Satoshi Nakamoto. Imisa ayey ku kacaysaa satoshi Aynu isbarbardhigno dollarka.
Hal senti waa boqolkiiba hal doolar. Qaab kale, waxay ku qaadanee 100 senti in la sameeyo 1 dollar.
100 senti == 1 doolar
1 satoshi waa mid aad u yar marka la barbar dhigo 1 BTC waa boqol milyan oo ka mid ah bitcoin. Marka, si kale haddaan u dhigo, waxay qaadanee 100 milyan oo satoshi in la sameeyo 1 BTC.
100,000,000 oo Sats == 1 BTC
Xaddiga bitcoin ee adag ee kor ku xusan 0.400515 BTC. wuxuu noqon doonaa qiyaastii 40 milyan satoshi. si aan u qoro, marka la qorayo qoraalkan, 2.243 bilyan satoshi waa qiyaastii 1 milyan oo doolar.
Maalmihii ugu horeeyay ee Bitcoin, markii uu qiimihiisu ka yaraa hal dollar halkii BTC, fikradda ah in sideed meelood oo tobanle ah loo baahan yahay si loo helo faahfaahin waxay ahayd wax lagu qoslo. Hadaba maadaama Bitcoin ay ku kacday tobanaan kun oo doolar baahida loo qabo satoshi ayaa bilaabeysa in ay macquul noqoto.
Halkii bitcoin uu noqon lahaa mid qiima badan, isticmaalka bitcoins oo dhan wuxuu noqonayaa mid aan faa’iido badan u laheyn isticmaalka walxaha nolosha caadiga ah. Bitcoin qiimihiisu yahay 40,000 oo doolar waa mid aan la isku halleyn karin qiimaha koob kafee ah waqtiga qoraalkan, qiyaastii 0.00009000 BTC. Xaaladdan oo kale, Satoshi waa wax aad loogu akhrisan karo aadanaha. Sidaa darteed, kafee wuxuu noqonayaa sagaal kun oo satoshi.
Marka sicirka Bitcoin kor u kaco, Satoshi wuxuu noqonayaa mid la aqrin karo. Waxaa macquul ah in laga tago ka hadalka Bitcoin oo loo badalo Satoshi, ugu yaraan waxyaabaha maalinlaha ah. Alaabada tikidhada waaweyn waxay u qalmaan inay ku kala baxaan Bitcoin, Guriga cusub ee iibka ah wuxuu ku kacayaa 2.5 Bitcoins.
Waxa muhiimka ah inaad xasuusato waa hadii aad isticmaashid Bitcoin ama Sats, labaduba waxay ka dhigan yihiin isku mid.
Xisaabinta faa’iidada iyo khasaaraha
Habka caadiga ah ee dadka cusub suuqa loo yaqaan crypto waa in ay xisaabaan faa’iidada ama khasaaraha ka imaanaya koynka ay heystaan. Dadka qaar way ku adagtahay in ay fahmaan sida loo xisaabiyo faa’iido ama khasaaro haddii ay haystaan wax ka yar hal qadaadiic ama wax ka yar koyn.
Haddii BTC uu qiimihiisu yahay $10,000 oo sicirka kor ugu kaco $1,000 ilaa $11,000, laakiin aad haysato 0.1 BTC, ma sameyneysid $1,000 oo faa’iido ah, sababtoo ah ma haysatid hal bitcoin oo dhan.
Haddii aad haysatid Bitcoin dhan, markaa markii sicirka Bitcoin uu kordho $1,000 waxaad kasbatay $1,000. laakin hadaad haysatid 0.1 BTC, waxad sameysay kaliya xoogaa yar.
Haddii aad haysato 1 Bitcoin, faa iidadaadu waa $1,000.
Haddii aad haysato 0.5 bitcoin, faa’idadaadu waa $500.
Haddii aad haysato 0.1 Bitcoin, faa iidadaadu waa $100.
Qaab kale oo loo isticmaalo cabbiraada ayaa ah boqolkiiba isbedelka lacagaha loo yaqaan ‘cryptocurrency’. Qaabkaas, waxaad si fudud u qaadan kartaa inta aad ku bixisay lacagahaasi oonleenka ah waxaadna ku dhufan kartaa boqolkiiba inta lacagahaasi isbedeleen.
Tusaale ahaan. Waxaad iibsatay $200 oo Bitcoin ah oo qiimihiisu yahay $10,000. Bitcoin hadda waxay ku kacaysaa $20,000, waa isbadal dhan 100% Lacagtaadii 200 dollar waxay noqotay 400 dollar.
Comments (No)