Kor Ukicii kala barka Bitcoin Miyuu  dhintay Mise Wareega Xiliga Afarta…

Qiimaha Bitcoin ayaa si joogto ah uga sarreeyay $ 84,190 maanta, taasoo kicinaysa doodda xiisaha leh ee falanqeeyayaasha ee ku saabsan masiirka wareegga afar sano ee mar la isku halleyn jiray. Caadiyan waxaa la arki jiray in qiimaha bitcoin kor ukac uu sameeyo madama aad u yarta hay cadadka qotayaashu helaan suuquna qiimeynayo arintaas, wareeggaani wuxuu hadda wajahayaa baaritaan maadaama isbeddelka casriyeyn ah oo uu suuqu kala kulamyo,

horumarka sharciyeynta, iyo qulqulka dhaqaalaha hay’adaha waawayn  waxey  caqabad ku yihiin saadaalintiisa dhabta ah ee loo sameyn karayo marka la xisaabinayo nidaamkii xilyeedka ahaa.

Bitcoin ayaa kor ukacay kala barista qiimeynteda marka loo eego  32% in kastoo wali bitcoin xiligan lakala siisanayo $ 84,190, taas oo aad uga fog heerkiisii ugu sarreeyay ee noloshiisa uu gaaro oo ahayd $ 109,356 oo la gaadhay Janaayo 20, 2025. Ahaydne maalintii Madaxweyne Donald Trump loo dhaariyay inuu yahay Madaxweynaha 47aad ee Mareykanka. Isbedelka ayana hantida dhijitaalka ah tan iyo markaas ku bilaabmatay waxana bilowdey dood kulul oo ah Miyay tahay wareegga afarta sano ee Bitcoin mid luntay oo wadooda saadalintii xiliyeedku cabirkedii cabir aan ahayn ayaa soo kordhay,

Wareegga afarta sano ee Bitcoin wuxuu ku wareegayaa dhacdooyinka kala barka oo dhaca marwalba afartii sanaba mar, oo loo qorsheeyay inay dhacaan 210,000 oo baloog qiyaastii afar sano, taas oo yareyneysa abaalmarinta macdanta cusub ee 50% ah. Dhacdooyinkaan waxay yareeyaan heerka bixinta cusub ee Bitcoin, taariikh ahaan waxay kicinayaan kor u kaca qiimaha maadaama dalabku ka sarreeyo halka helitaanku sii yaraanayo. Wareegyada hore waxay arkeen faa’iidooyin meteoric ah, Kadib kala badhkii 2012, bitcoin wuxuu ka kacay $ 12 ilaa $ 1,000 sanadkii, kadib 2016, waxay ka booday $ 650 ilaa ku dhowaad $ 20,000. Halka kala badhkii 2020, waxay ka kacday $ 8,000 ilaa $ 69,000.

Si kastaba ha noqotee, kala barka Abriil 2024.  kaas oo gooyay abaalmarinta qotayasha illaa 3.125 BTC.  ayaa keenay koror qiimo ah oo 33.85% ah oo ka yimid $ 65,012 illaa $ 87,027.

Waxyaabaha tartanka ku ah xisaab xiliyeedkan

Waxqabadka hoose waxaa sabab u ah dhowr arrimood. Marka hore, oggolaanshaha Janaayo 2024 ee lacagaha isweydaarsiga ee Bitcoin ETFs. ayaa keenay in qiimaha bitcoin sara ukac dhinaca qiimaha balse ka soo hormarey xiligii kala barka , iyadoo qiimihiisu gaaray ku dhawaad $ 74,000 bishii Maarso 2024. Falanqeeyayaashu waxay ku doodayaan in tani ay soo jiidatay hay’ado badan balse qiimeyntii kala badhka ayaa noqotey mid hakad gashay oo aan raacin qiimahedii laga sugayey.

Marka labaad, qaangaadhnimada suuqa ee Bitcoin ayaa keentay isbadal saameyey kala barka. Wuxuna dhumiyey aratiyadii muda soo socdey oo laga xasuusto tii 2016.  ayuu yiri Jasper De Maere oo ka tirsan Outlier Ventures, isagoo xusay in aqbalaadda hay’adaha iyo arrimaha dhaqaalaha guud ay hadda ka sarreeyaan ku xisaabtanka xiliyeedka. Marka saddexaad, wuxuu ku xirmey bitcoin nidaamka dhaqaaleed ee Mareykanka.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha mareykanka Trump ayaa bishii Maarso 2025 ku dhawaaqay in bitcoin lagu darey  keydka istiraatiijiyadeed ee Bitcoin SBR, oo aan lahayn qorsheyaal wax iibsi oo la taaban karo, ayaa niyad jabiyay maalgashadayaasha, taasoo gacan ka geysatay hoos u dhac dheeraad ah oo xagga qiimaha ah laga soo bilaabo bishii Janaayo. Xogta isbarbardhiga ah waxay xoojineysaa, Hal sano kadib kala barka, faa’iidooyinka bitcoin ayaa hoos uga dhacay 8,233% 2012, 285% 2016, iyo 525% 2020 balse hada 33.85% iyo ilaa hadda 2024/2025.

Xitaa markii ay si kooban u taabatay $ 109,356 bishii Janaayo 2025, bitcoin ayaa qiimo dhimis ku dhex sameysay hubinti la’aanta siyaasadeed iyo dabaylaha dhaqaalaha ee la xiriira gaar ahaan canshuuraha Trump. Dhanka kale, waxqabadka bitcoin ee 2024/2025 ilaa iyo hadda wuxuu calaamadeynayaa soo noqoshadiisa ugu liidatay kadib kala barkisi qimihii lagu yaqiin in lagu arko, iyadoo bisha Ogosto 2024 loo magacaabay bishii ugu xumeyd soo marta kala badh bitcoin qimihiisu in uu lumiyo.

Kala qaybsanaanta aragtida bulshada bitcoin

Taageerayaasha taabacsan xisaab xiliyeedka wareegga bitcon waxay tilmaamayaan qaabab taariikhi ah. Qaarkood waxay xuseen in qiimaha ugu sareeyo bitcoin xiliyedkiisu dhacdo caadi ahaan 12/18. bilood ka dib kala barka, taasoo soo jeedineysa kor u kaca dabayaaqada 2025 tahayne tan suuqu hada isha ku hayo. Falanqeeyayaasha qaarkood waxay saadaalinayaan $ 125,000 oo ugu sarreysa sanadka 2025 oo ay ku xigto hoos usoo dhac ilaa $ 50,000 sanadka 2026, iyadoo la waafajinayo wareegyada hore sadaalinta. Kuwa kale waxay iftiimiyeen, qiimo koror xad dhaaf ah, inta lagu guda jiro bartamaha wareeggan hadda socda, oo na soo xusuusinaya wajiyadii  kala badhyadii hore.

Aasaasaha Fundstrat iyo maamulihiisa Tom Lee wali wuxuu aaminsan yahay in BTC uu noqon doono hantida ugu waxqabadka wanaagsan 2025, xitaa ka sarreyneysa kororka weyn ee dahabka sanadkan lagu arkey. Taas bedelkeeda, dadka shakisan dhalaha dunida waxay sheegaan khataraha ka dhalan kara dhaqaalaha guud, iyo saadaasha aadka u xun waxayna ka digayaan hoos u dhaca ka hooseeya $ 20,000 haddii dalabku hoos u dhaco.

Dooda waxay ka tarjumaysaa qaan gaadhka bitcoin ee hantida yar iyo hanti dhaqaale oo weyn sida dahabka. In kasta oo kororka liita uu ka hor imanayo caadooyinka taariikhiga ah, rumaystayaal badan ayaana ka digaya in si buuxda loo tuuro wareeggan, iyagoo xusay in kororka bitcoin kadib 2024 uu kala bar dhacay.  inkasta oo uu liito – haddana wuxuu raacay waddo kor u kac ah. Dhanka kale, siyaasada Trump iyo ETFs waxay calaamad u yihiin qoto dheerida hay’adaha, oo laga yaabo inay dib u qaabeeyaan hogaamka qiimaha.

Comments (No)

Leave a Reply