Dhinaca ficil ahaanta, boorsada Bitcoin waa qalab ama barnaamij loo isticmaalo in lagu diro isla markana haya bitcoinka. Ereyga wallet. waxa uu noqon karaa mid lagu wareersan marka dadka ku cusub Bitcoin iyo Crypto. Ay maqlaan xarafyadan, Boorsada dhabta ah waxaa loo isticmaalaa in lagu keydiyo lacagaha dhabta ah, si kastaba ha noqotee boorsada Bitcoin ma ku kaydiso bitcoin’s gudaheeda.

Sidee tani u shaqayn kartaa. Wana suasha la iswaydiiyo marwalba oo laga hadlo boorsada dhijitaalka ah.
Hagaag, dadka badankiisa waxa ay leeyihiin wax lamid ah lacagahaas dhijitaalka ah oo ay isticmaalaan hada: kaararka bangiga. Kaarka lacagahaaga ee boorsada kugu jira ma ahan lacag, laakin waxuu kuu ogolaaneyaa inaad lacagtaada heli karto.
Tani waxay la mid tahay sida ay u shaqeyso boorsada Bitcoin, iyadoo farqiga ugu weyn uu yahay in halka. kaarka deynta ay xakameeyan hay’ad dhexe. sida bangi, qof ama hay’ad ma xakameyso Bitcoin. Farqiga u dhaxeeya macnaheedu waa in boorsada Bitcoin ay u shaqeyso si ka duwan xisaabaadka bangiga.
Sida ay u shaqeeyaan boorsooyinka Bitcoin
Hadii aan sii wadno isbarbardhiga kaararka deynta ee kor ku xusan, boorsada Bitcoin waxay haysaa ugu yaraan hal akown, ama boorso hoostimada. Waxaana u arki karnaa boorso yar sida mid lamid ah kaarka deynta. Tusaale ahaan kaararka debetka ama kuwa lacagta daynta bixiya waxaa ku jira macluumaadka sida nambarka koontada iyo lambarka sirta ah. Koonto. kasta oo Bitcoin ah oo ku jirta boorsada Bitcoin ayaa sidoo kale leh macluumaad la xiriira.
Hadafka aan hada ku jirno, Labada qaybood ee muhiimka ah waa cinwaanka guud ee Bitcoin iyo furaha gaarka ah. Cinwaanka guud wuxuu la mid yahay lambarka koontada kaarka deynta. Furaha gaarka ah, dhanka kale, wuxuu la mid yahay furaha amaanka ee kaarka deynta oo kuu oggolaanaya inaad gasho lacagta bitcoin’ka ee la xariirta cinwaanka guud ee bitcoin’ka. Furaha gaarka ah waa lambar qarsoodi ah oo 256 bit ah. wana kan oo kale.
108165236279178312660610114131826512483935470542850824183737259708197206310322
Sida aad u jeedo, nambarka qarsoodiga ahi waa kugu adag yahay. Waana Mid ka mid ah shaqooyinka muhiimka ah ee boorsada Bitcoin waa inuu maamulo furaha gaarka ah. Xaqiiqdii, furayaasha gaarka ah marnaba si toos ah uma maareeyaan dadka isticmaala, Boorsada Bitcoin waxay bixisaa hab lagu qoro furaha gaarka ah. qaabab aad u badan oo aadanuhu akhrin karo, oo loo yaqaano Erayada soo celinta, ama weedh sir ah, ama erayo abuur.
Ereyga soo kabashada waa liis ka kooban 12 ilaa 24 kelmedood, taasoo kuu sahlaysa inaad dib u dhisto boorsadadii Bitcoin-ka iyo inaad hesho lacag xataa haddii boorsadadii luntay ama burburtay.
Sababtoo ah weedha soo kabashada waxay la mid tahay furaha gaarka ah, waa inaadan waligaa cidna la wadaagin ereyadaas, ama aadan ku keydin qoraal caadiga ah kumbuyuutarkaaga ama internetka.
Noocyada boorsooyinka Bitcoin
Waxaa jira laba nooc oo waaweyn oo boorsoyin ah sida boorso qalab ah iyo boorso software ah.
Boorsada qalabka ah ee Bitcoin waa nooca ugu aaminka badan ee boorso Bitcoin ah, maxaa yeelay furayaashooda gaarka ah waxaa lagu keydiyaa qalab lataban karo oo aragti ahaan laguma heli karo kombiyuutar ama internetka. Marka qofku doonayo inuu macaamil sameeyo, wuxuu ku xiraa boorsada qalabka badanaa sida USB.ahaan Qalabka wax lagu qoro wuxuu saxiixayaa macaamilka ganacsi isagoo aan qorin furayaasha gaarka ah.
Dhibaatada ay leedahay boorsada qalabka ah. waa qiimaha iyo helitaanka qalabkan. sida Ledger iyo Trezor waa boorsooyin qalabka ah ee si fiican loo yaqaan.
Boorsooyinka Bitcoin ee software-ka ah waxay ku jiraan aaladaha kombuyuutarka, sida kombuyuutarka desktop-ka, taleefanka casriga ah, ama barowzarka internetka. Maadaama qalabka kumbuyuutarka ay ku shaqeeyaan barnaamijyo ama codsiyo badan, waxay u nugul yihiin fayrasyada, barnaamijyada xun xun, iyo qorshooyinka khiyaanooyinka,
taasoo ka dhigaysa dhammaan boorsooyinka barnaamijyada inay u nugul yihiin ilaa xad. Waana Taas sababta loo yiraahdo, dhacdooyinka jabsiga ayaa aad u dhif ah halka boorsooyinka barnaamijyada guud ahaan waxaa loo arkaa, inay amaan u yihiin isticmaalka maalinlaha ah.
Comments (No)