dirida Bitcoin waa u fududahay waxana ubaahantahay oo kaliya in aad go’aan sato cadadka aad rabo in aad dirto kadibna aad ogaato Habka saxda ah ee aad u sameyneyso dirista waxay ku xirnaan doontaa nooca boorsada ama walletka Bitcoin ee aad isticmaaleyso, laakiin waxa ugu muhiimsan ee aad u baahan tahay inaad ogaato waa cinwaanka qofka aad udireyso.
Waa maxay cinwaanka Bitcoin?
Cinwaanka Bitcoin waa sida akkownkaada ama aqoonsi dijitaal ah oo u adeega sida goobta loo dirayo Bitcoin’ka. wuxuuna u egyahay Xisaab bangi oo ku jirta shabakada Bitcoin, Cinwaanada Bitcoin waxaa sameeya softiweero kala duwan oo shabakada Bitcoin’ka la ficil gala.
Waa kan sida caadiga ah cinwaanka ee Bitcoin u egyahay
bc1q2sx7eq7mhj7827uaje3ff8sycsplfye3lk0tez
Sida loo diro Bitcoin
Qaabka kaliya eed ku dirikarto Bitcoin waa in aad cinwaanka Bitcoin’ka ee qofka aad lacagta udireyso galisid ciwaankiisa ama akkownkiisa qaybta, appka boorsada Bitcoin ee aad isticmaaleyso adigoo isticmalaya qaybta dirista. Cinwaanada Bitcoin waxaa sidoo kale lagu soo bandhigi karaa qaabka QR code’ah hadii aad bitcoin ka dirto moobilkaaga ama appka walletyada ah waxaad isticmaali kartaa kamirada telefoonkaaga si aad u cabirto QR code-ka cinwaanka aad rabto inaad u dirto Tani waxay si otomaatig ah u buuxineysaa cinwaanka. Waxadna awoodaa in aad lacagtada aad direyso qaab dollar ahaan ah aad u cabiri kareyso.
Waa imisa qiimaha shabakada Bitcoin?
Markaad dirto Bitcoin, waa in aad lacag siisaa shabakada Bitcoin’ka. Waxeyna ka go’aysaa kaydka Bitcoin’kada oo si otomaatig ah kuugu xisaabinayaa lacagta. Boorsooyinka kuwooda ugu fiican waxay kuu ogolaanayaa inaad adigu go’aansato inta lacag ee aad rabto in aad bixiso khidmad ahaan.
Sideen ku ogaan karaa khidmad shabakada Bitcoin?
Waxay ku xiran tahay tirada boorsadada. Qaar kamid ah shirkadaha dhisa boorsooyinka qaarkood ma ku siinayaan wax xakameyn ah oo ku saabsan khidmada shabakadda. Taas bedelkeed, waxay leeyihiin khidmad horay loo sii go’aamiyay oo had iyo jeer ka sarreysa khidmadaha ay bixinayaan. Hadii sikale aan udhigno, waxay ka faa’iideystaan marka macaamiishoodu diraan Bitcoin. Tani waa istiraatiijiyad dakhli-abuur oo caadi ah oo loogu yaqaan suuqyada sarifka cryptocurrency’ga.
Inta badan barnaamijyada ama boorsooyinka shaqsiyaded ee adigu furayashooda aad maamusho waxay kuu ogolaanayaan inaad adigu iskaa u habeysid lacagta aad ku dirto macaamilkaaga Bitcoin. Waxana jira qaabab kala duwan oo app’ka gaar ka ah ee bitcoin boorsooyinkisa ah ay sedex.qaab kugu soo bandhigayaan marka aad rabto in aad adigu go aan sato qiimaha khidmada aad wax ku direyso mida kowaad waa in aad dhahdo khimad yar Ayaan bixinayaa wana sugu karayaa in mudo ah ilaa hal.saac ku dhawaad ama tan labaad oo ah khidmad dhax dhaxaada ayan wax ku dirayaa oo ilaa sodon daqiiqo ayan sugi karayaa iyo mida sedexaad oo ah waxooga satoshi ah ayan dheri u bixinaya a dhowr iyo tobad daqiiqo gudahoodna waa in aan helaa ogow marka netwoga guud ee bitcoin buuxo qotashu qofba qofka uu ka yara khidmad sareyo way hormariyanayan howshisa,waxaadse kaloo ogataa in aad ogaan kartid hadba khidmada mesha ay mareyso adigoo isticmalaya websitekan la dhaho Bitcoinfees si aad u hubiso in aad dooranayso lacag ku haboon marka la eego xaaladda hadda ka jirta shabakada.
Maxaa dhacaya haddii aan qiimaha aad u yareeyo?
Haddii aadan degdeg kugu jirin xaqiijinta macaamil ganacsi, waxaa ku badbaadi karyaa lacag adigoo dooranaya lacag yar ayan khidmad ahan ubixinayaa. Si kastaba ha ahaatee, waxaad u baahan tahay in aad taxadar sameyso sababtoo ah haddii aad lacag aad u yar wan dhiiibaa dhahdo, macaamil kada ganacsi wuxuu qaadan karaa saacado ama maalmo. Balse Ha walwelin, wali khatar kuguma jirtid ah in aad lumiso Bitcoin’kada, waxaad ku qasbanaan doontaa inaad la sugto Bitcoin-kaaga ilaa iyo inta gorgortanka lasoo celinayo madama qotayashu wax faaiida aysan ka heleynin, ka dibna aad dib u heli karto bitcoin’kaadii oo dhameystiran.
Maxay tahay sababta ay shabakada Bitcoin u leedahay khidmad?
Kharashaadka shabakadu waxay ahaayeen markii hore hab ka hortaggaya spam.ama in netwoga ka si macno laheyn mantoodhan la haho waxban diray taas oo macnaheedu yahay,ka hortag carqaladeyta. Inkastoo isticmaalka asalka ahi sii socdo, maalmahan khidmadaha badanaa waxay u dhaqmaan sidii dhiirigelin loogu talagalay macdan qodayaasha Bitcoin inay ku daraan macaamilka ganacsiyada qaybta xigta ee xirmooyinka ay xaqiijiyaan ee Bitcoin.
Sidee ayaa lagu go’aamiyaa khidmada Bitcoin?
Kharashka Bitcoin waxaa go’aamiya awoodaha suuqa. Isu diristuna waxay ku badan yihiin Bitcoin blockchains, oo xadigiisu xadidan yahay. Macaamil ganacsi oo leh khidmad qali ah waxaa si dhakhso leh u soo qaada macdan qodayaasha, kuwaas oo marwalba hor marinaya isdhaafsiga faa’iidada ayaga u leh. Tani waxay ka dhigan tahay in macaamil ganacsi oo khidmad qali ah ay u badan tahay in lagu daro dufcaddii xigtay, ama ‘block’, ee macaamil ganacsi ee lagu daro blockchain-ka Bitcoin.
Sidee ayaa khidmada Bitcoin loo cabiraa?
Kharashaadka Bitcoin waxaa lagu cabiraa satoshis ama byte. Satoshi waa qaybta ugu yar ee la qaybin karo ee bitcoin, taas oo ah 0.00000001 BTC boqol milyan oo meelood hal meel oo bitcoin ah. isdhaafsi walbo waxa ay ka kooban tahay xog waxaana lagu qiyaasaa bytes Xirfadaha adag caadi ahaan kuwa waaweyn waxay ku lug leeyihiin xog badan sidaa darteedna waa kuwo qaali ah khidmadoodu. Guud ahaan,
tani waxay ka dhigan tahay macaamil khidmad sare leh oo ku lug leh bitcoin badan. waxay isticmaalaan xog badan, sidaas darteedna waxay u baahan yihiin khidmado macaamil ganacsi oo sareeya. Si kastaba ha ahaatee, ma fududa. Xaqiiqdii, waa macquul in la sameeyo macaamil ganacsi oo 1 BTC ah oo xog badan ku lifaaqan tahay oo markaa u baahan lacag badan marka loo eego macaamil ganacsi oo 2 BTC ah. si aan u fahano sababta waa inaan si qoto dheer u eegno sida Bitcoin dhab ahaantii u shaqeyso
Waa maxay nooca UTXO sideese u shaqaysaa?
Nidaamka loo diro loona qaato Bitcoin wuxuu ku shaqeeyaa waxa loogu yeero Unspent Transaction Output (UTXO) wax soo saar aan la isticmaalin. oo ah qaab wax ku ool ah oo kor u qaadaya asturnaanta si loo maareeyo Bitcoin diwankisa. Waana sidan qaabka ay u shaqeyso.
Marka ugu horeysa, qadaadiicda waxaa lagu sameeyaa habka qodashada. koynankan cusub waxay sameeyaan waxa loo yaqaano koynanka udub dhaxadkaa. Macdan qote Bitcoin ah oo ku guuleystay xuquuqda ku darista block’ka xiga ee silsiladda wuxuu heli doonaa abaalmarinta block’gan magdhow ahaan. Waqtiga qorista, abaalmarinta qotayashu waa 3.14 BTC.
Tusale macdanta qote, helay 3.14 BTC oo abaalmarin ah, ayaa wuxuu go’aansaday in uu 1 BTC oo abaalmarin ah u diro cali. Buugga diwaanka dhaxdiisa, tani waxay u muuqataa 3.14 BTC loo diray cali iyo 2.14 BTC dib loogu diray macdan qotihii guleystay, halka cali uu helay 1 BTC dheelitirkii macdan qotihiina waxay noqotay 2.14 BTC oo usoo hartay. Macdan qotaha wuxuu heystaa hada waxa loo yaqaan wax soo saar macaamil ah oo aan la isticmaalin oo ah 2.14 BTC.
Nidaamku wuxuu la mid yahay bixinta lacagta kashka ah. Tusaale. haddii qiimaha shayga uu yahay $2.50 adigana aad heysid $5 oo warqad ama kash ah Makala jareysid warqada ee waxad ku wareejin lahayd lacagta oo dhan waxaadna heleysaa 2.50 dollar, waa sidaas oo kale ficilka uu sameyay macdan qotihii helay 3.14 BTC balse cali u diray 1btc oo kalaga jarayey. Wuxuuna dib uheley baqigiisii ahaa 2.14 BTC.
Inkastoo ay la xidhiirto lacagaha loo diro bitcoin, in khidmad la bixiyo xitaa haddii qadarka bitcoin ee ku lug leh macaamilkani uu yahay mid muhiim ah, khidmadda dhammaystirka macaamilku waxay noqon doontaa mid aad u yar sababtoo ah macaamilku waa mid fudud. waana sababta, oo ah waxaa jira kaliya hal wax soo saar ama diris baxdey wana 1 BTC oo cali loo diray. waxa ay ka timaaddaa kaliya hal imansho ama ‘qormid’ 3.14 BTC macaamil ganacsi coinbase,ama abaalmarintii qotohii guleystay helay.
Hadii aan u fakarno sida waraaqaha kashka ah ay u qaadanayaan booska Bitcoin diwankisa, waxaan arki karnaa in macaamilkani uu qaadanayo booska ugu yar ee suurogalka ah bytes.
Bal hada aan u malaynno in cali uu iibsato 1 BTC. qof kale oo macdan qode ah cali markaan wuxuu heysan doonaa 2 BTC oo ku jirto boorsadiisa, laakin mid walbo wuxuu ka imaan doonaa qoraal ka duwan. Kisii hore.ama diwan ka duwan kisii hore. Taasoo macnaheedu yahay cali wuxuu leedahay labo shey oo 1 BTC ah oo ku jirta boorsadiisa. Hadii cali uu rabo in uu 2 BTC u diro anas, wuxuu diri doonaa 2daas note ama diiwan. Maadaama ay waraaqo badan tahay micnaheedu waa xog badan, xog badanna macnaheedu waa kharash badan, macaamilkani wuxuu noqonayaa mid ka qaalisan kii cali ka heley qotohii hore. Oo lamid ah in hal waraaqo ama diiwan hal soo diray.
Si kale hadaan u dhigo, macaamilku wuxuu isticmaali doonaa bytes badan, markaa cali waa inuu bixiyaa satoshis badan si ay ugu qanciyo macdan qodeyasha in ay ku daraan baloogga xiga.
Isticmaalaha caadiga ah, tani waxey uga macno tahay in aad bixinso lacag aad u badan oo macaamil ganacsi ah haddii ay ku lug leedahay wareejinta calaamado badan. tusaale ahaan, ka feker hadaad heshay 100 jer oo lacag ah oo dad kala duwan kugu soo dhiibeen mudo bilo ah, qaab bitcoin ah ilaa aad ka heshid hal bitcoin. Hada, hadii aad rabtid in aad qof kale ugu dirto hal Bitcoin, waxaad dhabtii u diraysaa 100 notes.diiwan. Tani waxay keeni doontaa kharash aad uga badan.
Waxana sababta qotihii hore aan usoo aragnay cali ugu diray hal diwan 1btc baqigisan isla diwankas ku ilaashadey isagoo ka fakaraya in diiwanku ahaado hal
Comments (No)