Qaabka loo sameeyo lacagta bitcoinka cusub waxay la mid tahay sida dhulka looga soo saaro macdanta qaaliga ah. Sababtaas awgeed, waxaa loo yaqaanay macdan qodista bitcoin.
Sida ku cad qoraalka war qada cad ee Bitcoin
Ku darista joogtada ah ee qaddarka yar ee joogto ah oo qadaadiic cusub ah waxay la mid tahay macdan qodayaasha dahabka ah oo markiisa hore si yar yar laisugu soo uruursho ilaa uu ka garo cabir waxtar uleh qotayasha macdanta dahabka. Balse Xaaladeena, waay ka duwan tahay waxana quwad u isticmaaleynaa ka shaqeynta xisaabaha anagoo isticmaaleyno komputerkena CPU’giisa iyo koronto ku baxeysa shaqada culus ee dhinaca xisaabta ka shaqeynteda noga imaneysa.

Macluumaad guud oo fudud oo ku saabsan qodashada Bitcoin waxan idinkula wadaageynaa halkan.
Dadku waxay ku tartamaan inay helaan abaalmarinta bitcoin iyagoo adeegsanaya awoodda xisaabinta habka loo yaqaan ‘Caddaynta Shaqada PoW. Geedi socodka waxaa loogu magac daray sidaas sababtoo ah. kaliya ka qaybgalayaasha macdan qodayaasha cadeeyay in ay usoo go’ay khayraadka ku filan macnaha in ay shaqadii ku guleysteen. waxay fursad u heli doonaan inay ku guuleystaan abaalmarinta oo bitcoin ahaan loo siinayo.
Qiyaastii 10kii daqiiqoba mar, ayaa abaalmarintu noqotaa In uu helo hal qof oo guuleystaha ah.
Abaal marinta waa labo qaybood oo sidan kala ah 1. Abaal marinta blockka ama xirmada, oo ah bitcoin cusub oo la sameeyay. Waqtigan qorista maqaalkan waa, 3.14 bitcoins ah tan kalena waa 2. Kharashaadka la xidhiidha dhammaan macaamil ganacsiyada ku jira ama dadka wax isku dhax dhaafsanaya netwoga bitcoin ama isu diraya. Isticmaalayaashan ayana dhamantood waxay bixiyaan khidmad macaamil ganacsi oo la soo jeediyay, si ay ugu dhiirigeliyaan macdan qodayaasha inay ku daraan qaybta xigta ee shaqadooda ayey qidmad laaga qadaa.
Maxay tahay sababta loogu baahan yahay in la qoto Bitcoin?
Macdanta Bitcoin waa qeyb muhiim ah oo ka mid ah habka shabakada si loo gaaro is afgarad ku saabsan xaaladda hadda jirta ee diwanka galeysa. Sidoo kale waa u muhiim in la adkeeyo amaanka shabakada lagana hortago weerarada. Si kale hadaan u dhigo, macdanta Bitcoin waxay udub dhexaad u tahay awood u siinta dadka in ay si amaan ah ku sameeyaan macaamil ganacsi oo Bitcoin ah. Si aan u fahano sababta, aan si faahfaahsan u eegno sida Bitcoin u shaqeyso.
Shabakada Bitcoin waa buug weyn oo caalami ah kaas oo ka kooban liis weyn oo waxwalba oo la isu diray waqti lagu la shaaciyay. Tusaale ahaan, hal diwan galin oo cali udiray 1.bitcoin anas ayaa dhacday sacadu markey ku beegneyd 10am malintii axadii. Diiwaanka waxaa la cusbooneysiiyaa qiyaastii 10 daqiiqo mar iyadoo lagu darayo ‘xuddunta’ oo ay ku jiraan liiska macaamilka ganacsiyada cusub. Jiritaanka diwaankan, kaas oo ay si iskaa wax u qabso ah, ay u kaydiyaan kumanaan ka qaybgalayaal ah. Oo dunida dacaladeeda kaal jooga loona yaqaan nowdes. ayaa u oggolaanaya qof walba inuu arko xaaladda hadda jirta iyo taariikhda buuxda ee lahaanshaha Bitcoin.
Qaab dhismeed ahaan, ma jirto awood dhexe oo go’aamisa macaamilka ganacsiyada lagu daro baloogyada cusub. Taa bedelkeed, xaaladda buugga loo yaqaanno ‘xaqiiqda’ waxaa lagu gaaraa si wada jir ah iyo isuduwidda dhinacyada iyadoo la raacayo borotokoolka Bitcoin. Feejignaantaasi waa waxa keena in Bitcoin yeelato sifooyinka ugu xiisaha badan—waana kuwan la dhaho, -diidmo la’aan. ruqsad la’aan. Adkeysi.
Inta badan nowdeska waxay kaydiyaan taariikhda buuga ama diwaanka, waxay xaqiijiyaan sax ahaanshaha macaamilka ganacsi cusub si waafaqsan xeerarka iyo nidaamka, waxayna u gudbiyaan qaybaha cusub ee macaamilka ganacsi qodobada kale. Qaabkaan, xaalada shabakada ayaa aduunka oo dhan kusoo wareegeysa ilaa dhamaan nowdis-yada ay helaan macluumaad isku mid ah. Halkaa marka ay marayso, waxaa soo baxaya “xaqiiqo” cusub oo ku saabsan qofka leh waxa.

Muhiimad ahaan, koox yar oo nowdes ah, oo la yiraahdo macdan qodeyaal, ayaa ku tartama inay noqdaan kuwa abuura xermada kasta. Xaqiiqada la cusbooneysiiyay ee ku saabsan qofka leh waxa ay ku bilaabmaysaa hal macdan qode oo ku guuleystay xuquuqda abuurista balooga cusub. Ku guuleysiga xuquuqda abuurista baloog cusub waxaa lagu go’aamiyaa tartan loo yaqaan Caddaynta Shaqada.
Waa maxay caddeynta shaqada iyo sababta loogu baahan yahay?
Qodista ama caddeynta shaqada (PoW) waa qaab lagu cadeeyo xisaab ahaan in ka qayb galaha shabakada uu leeyahay qayb shaqada ku jirta. Waxay ku shaqaysaa iyadoo ku qasbeysa ka qayb galayaasha inay caddeeyaan inay dhammaystireen xisaabta xaddidan ee u isticmaalay tamarta shaqada. baahida loo qabo in la isticmaalo tamarta waa muhiim, sababtoo ah waxay ka dhigeysaa mid aad u kharash badan in la isticmaalo, hadii aad rabto in aad ku biirto. Si kale haddii loo dhigo, waxay xaqiijineysaa in weerarka Bitcoin uu yahay mid luminaya lacag aad qaali u ah, taas oo ka dhigaysa mid aan macquul aheyn in ay dhacdo.
Marka laga eego aragtida caddeynta shaqada ama, PoW waxay bixisaa dhowr faa’iidooyin.
Waxay dhiirrigelisaa daacadnimada Macdan qodayaasha waxaa lagu dhiirrigeliyaa inay raacaan xeerarka oo ay si sax ah u xaqiijiyaan macaamilka ganacsi. Haddii ay isku dayaan in ay khiyaameeyaan nidaamka, waxay halis ugu jiraan in ay lumiyaan abaalmarinta block’ga ama xirmadas iyo tamartii ama enerjigii ay maalgashiga qodosha uga baxay.
Iyadoo la adeegsanayo kharashka energija iyo Dadaalka shaqada xisaabinta ee loo baahan yahay in lagu daro baloog ayaa ka dhigeysa blockchain’ka inay ka badbaado weerarada. Isku day kasta oo lagu beddelayo macaamilkii hore tusaale, fulinta weerar 51% ah. waxay u baahan tahay awood xisaabeed aad u weyn, sidaas darteed weerarrada noocan oo kale ah, ayaa qaali ah oo aan la taaban karin.
Caddaalad. Suurtagalnimada qodista iyo helitaanka abaalmarintu waxay u dhigantaa xaddiga kheyraadka xisaabinta ee macdan qodista. Tani waxay bixisaa hab cadaalad ah oo loo qaybiyo qadaadiicda cusub iyo sidoo kale qoon daynta awoodda go’aan qaadashada ku darista baloogyo cusub.
Ku sumadeysan iska cabin. Caddeynta shaqada waxay ka dhigeysaa weerarada dhaca tusale in hay’ad ama qolo abuureyso aqoonsiyo badan oo been abuur ah si ay saameyn ugu yeeshan shabakadda. wax aan macquul aheyn sababtoo ah qiimaha sare ee la xiriira qodashada aqoonsi kasta.
Sidee bay u shaqaysaa qodashada Bitcoin
Nidaamkan waxaa lagu soo koobay buugga cad ee Bitcoin.
1. Heshiisyada cusub waxaa logu soo gudbiyaa dhamaan nowd.yada.
2. Isku xirka kastaana wuxuu isku xiraa macaamil ganacsi oo cusub.
3. Isku xirka kastaa wuxuu ka shaqeeyaa sidii loo heli lahaa Caddaynta Shaqada adag ee blockiga ama xirmadiisa.
4. Marka nowdku helo caddeynta shaqada, wuxuu u gudbinaynaa dhamaan nowdedka kale.
5. Nowdedka ayaa aqbalaya block’ga oo kaliya haddii dhamaan xawilaadaha ama isdhaafsiga ku jira ay sax yihiin oo aan horay loo isticmaalin.
6. Nowdadku waxay muujiyaan aqbalaadooda block’ga iyagoo ka shaqeynaya abuurista block’ga xiga ee silsiladda, iyagoo isticmaalaya hashka block’ga la aqbalay sida hashkii hore.
Aan u kala qaadno si faahfaahsan.
Anku bilawno, macdan qodayaashu waa kuwa soo jeedinaya cusbooneysiinta buugga oo kaliya. macdan qodayaasha si guul leh u dhammaystiray Caddaynta Shaqada PoW, ayaa loo oggol yahay inay ku daraan baloog cusub. Tan waxaa lagu xirey nidaamka Bitcoin.
Kuwa macdanta qodaya waxay xor u yihiin inay doortaan macaamil ganacsi oo sax ah oo ka mid ah macaamilka ganacsiyada suurtagalka ah ee dhaxyaal polka. shabakadda nowdedka. Xawilaadaha noocan oo kale ah waxaa lagu ururiyaa goobta ladhaho mempool. macdan qodayaasha macquulka ah oo daacadane ah ayaa dooranaya macaamilka ganacsi ayagoo ka dhax xulanaya mempool balse waxey ku xulanayaan qidmada lagu soo lifaaqay macaamilkas ama wax isdhaafsigaas. Tani waxay dhalisaa koru kac dhixa qidmada wax isdhaafsiga, taas oo gacan ka geysanaya hubinta in booska xaddidan loo isticmaalo si caddaalad ah oo hufan.
Qofka ugu horeeya ee dhamaystira caddeynta shaqada PoW, wuxuu u diraa bloga cusub ee uu soo jeediyay shabakada ballaaran ee nowdesyada, kuwaas oo markaa hubiya si loo hubiyo in bloga uu raacayo xeerarka borotokoolka. Xeerarka muhiimka ah ee halkan waa 1. dhammaan macaamillada ku jira block waa ansax ma jiraan kharashyo lab jer isticmal ah, iyo 2. Block’ga cusub in si sax ah u tixraaco block’gii hore waxaana lagu tiriyaa sida block xiga ee silsiladda block’ga cusubna ka dhigaya block’gii ugu dambeeyay ee silsiladda ugu dheer. Haddii ay dhacdo, unugyadu ama nowdesku waxay u direen unugyada kale ee dhamaystiran isla howshaan. Qaabkaan, block’ga cusub wuxuu ku faafayaa shabakada ilaa si ballaaran loo aqbalayo in uu yahay kan runta ah.
Si kastaba ha noqotee, waxay dhici kartaa in xiliyo isku mid ah ay dhacdo in ka badan hal macdan qode uu dhameystiro caddeynta shaqada PoW isla waqtigaas. isla markaana si isku mid ah ugu sii daayaan shabakadeeda cusub shabakadda. Waxaa intaa dheer iyane dib u dhaca shabakada iyo kala fogaanshaha juqraafi ahaaneed, nowdedka waxaa laga yaabaa inay helaan baloogyo cusub oo la soo jeediyay waqtiyo waxyar ka duwan.
Waxaa muhiim ah, in xiliyada qaar macdan qodista ayaa block’ cusub soo jeediyay laga yaabee in wax yar ka duwan yihiin kuwa kale! sida ku xusan kor, macdan qodayaasha waa kuwa dooranaya macaamilka ganacsi oo ay ku darayaan block’ga. Marka labo macdan qodayaal ah ay diraan blocks cusub, nooc yadoodan kala duwan ee runta kan ah u wada tartamayaan waxay bilaabaan inay ku faafaan shabakada. Shabakada ayaa ugu danbeyntii isku toosisa “sax” nooca runta ah adigoo dooranaya silsilada taasan oo sii dheereysa xawaaraha ka dhakhso badan kii kale ee la tartamayey.
Waa maxay habka loo yaqaano Bitcoin hashing
Bitcoin waxay isticmaashaa algorithm sir ah oo heer milatari ah oo la yiraahdo Secure Hash Algorithm 2 SHA2. macdan qodayaasha Bitcoin waxaa la siiyaa BTC marka ay helaan tiro aan kala sooc laheyn taasoo kaliya ayana lagu soo saari karaa. iyadoo la adeegsanayo habka loo yaqaan hashing algorithm’ka marba marka ka dambeysa. Qaabkani wuxuu la mid yahay bakhtiyoonasiibka oo iibsashada tigidhada badan ay kordhiso fursadahaaga aad ku guuleysan karto. Marka la isticmaalo awooda xisaabinta ee algorithm-ka.
Waa maxay hagaajinta dhibta ee qodoshada bitcoin iyo sababta loogu baahan yahay
Heerka dhibta ee Proof of Work algorithm si toos ah ayaa loo hagaajiyaa 2,016 blocks’kasta, ama qiyaastii 2 asbuucba. Isbedeladan waxaa loo sameeyaa si loo ilaaliyo macdanta cusub ee joogtada ah ee 10 daqiiqo halkii block’giiba.
Hagaajinta qodashada dhibta waxey udhacdaa si wadar guud ah ee awoodda xisaabinta, ama ‘hashpower’, oo lagu dabaqay algorithm-ka hashing. Marka la kordhiyo awooda xisaabinta ama qotayaal quwadleh kusoo kordhaan netwoga, dhibka ayaa kor u kacada, taas oo macdanta ka dhigeysa mid aad u adag in qof walba si fudud qote faaiido helaya noqdo. Haddii awooda xisaabinta laga saaro ama la damiyo qaar kamid ah qotayashii soo kordhiyay quwada koronto ee sarneyd netwoga dhibka ayaa hoos u dhacsameysa, taas oo ka dhigaysa qodoshada mid sahlan.
Ogsoonow in nidaamka hagaajinta dhibta ka dhigaysa qodoshada bitcoin mid ka duwan macdanta qaaliga ah. Tusaale ahaan, hadii qiimaha dahabka uu kor u kaco, macdan qodayaal badan ayaa ku soo biira suuqa. Kaalinta dheeraadka ah ee macdan qodeyaasha dahabka ah waxay si lama huraan ah u horseedi doontaa dahab badan oo la soo saaro. tasoo isbadal ku keenta sicirka dalabka iyo dalabka oo hoos u dhigi doona qiimihisa. Ee suuqa dahabka. halka Xaaladda Bitcoin, ka duwan tahay si kastaba ha noqotee, mugga bitcoin ee la soo saaro ama la daabacay waxaa horay u go’aamiyay borotokoolka Bitcoin. Taas macnaheedu tahay waa in aysan saameyn ku yeelan tirada iyo awooda macdan qodayaasha. Sidaa darteed, iyadoo aan loo eegin sida ay u badan tahay awoodda macdanta loo jiheeyo algorithm ama badnanshaha tirade qotayasha batey, mugga Bitcoin ee la soo saaray saameyn kuma yeelan doono macnaha si walba oo loo badiyo in la qoto bitcoin tirada la heleyo waa cayimantahay marwalba.
Qodista Bitcoin ma sharci baa.
Macdanta Bitcoin waa mid sharci ah wadamada badankooda, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Yurub. Gobollada badankood, macdan qodayaasha Bitcoin waxay u baahan yihiin inay ogaadaan sharciyada la xiriira isticmaalka korontada iyo kaabayaasha xogta si loo hubiyo inay u hoggaansamaan xeerarka iyo qawaaniinta maxalliga ah.
Gobollada qaarkood, nidaamiyayaasha maxalliga ah waxay soo rogeen ama u dhaqaaqeen inay soo rogaan xayiraad ku saabsan macdanta Bitcoin. Sababaha ugu badan ee la soo xigtay ayaa ah in macdanta Bitcoin ay saameyn xun ku leedahay shabakadaha korontada ee maxalliga ah ama ay saameyn xun ku leedahay deegaanka. Tusaale ahaan, Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Qiimayaasha iyo Suuqyada Yurub Erik Thedéen, ayaa sheegay bishii Nofeembar 2021 in cryptocurrencies ay halis ku tahay gaarista ujeeddooyinka isbeddelka cimilada ee Heshiiska Paris. Shiinaha ayaa si rasmi ah u mamnuucay macdanta Bitcoin iyo lacagaha kale ee loo yaqaan ‘cryptocurrencies’ bartamihii 2021, in kasta oo qayb muhiim ah oo ka mid ah Bitcoin hashrate ay sii waddo inay ka soo baxdo gudaha wadanka jayna.
Sidee bay qodashada Bitcoin u saamaysaa qiimaha lakala siisto Bitcoin.
Xiliyada qaarkood, macdan qodayaashu waxay iibiyaan qayb muhiim ah oo ka mid ah bitcoins ay kasbadeen si ay u daboolaan kharashaadka la xiriira macdan qodista. waxayna keentaa cadaadiska iska iibin ah. Isku dayga macdan qodista si loo kordhiyo faa’iidada iyadoo la haysto ama la iibinayo Bitcoin, iyadoo lagu saleynayo dhaqdhaqaaqa suuqa ayuu saameyn ku yeelan kara isbeddelka qiimaha Bitcoin. Halkaan, dooda waxay tahay in marka sicirka Bitcoin kor u kaco, macdan qodayaashu ay isku dayi karaan in ay sii hayaan rajada ah oo ay ka faa’iideysan karaan. Tani waxay keeni lahayd cadaadis iibinta oo yarada, taasoo horseedi doonta kor u kac degdeg ah dhinaca qiimaha. Marka qiimaha Bitcoin uu hoos u dhaco, si kastaba ha noqotee, macdan qodayaashu waxay u badan tahay inay iibiyaan kaydkooda oo keliya, laakiin sidoo kale bitcoin cusub oo la helay ayaa jira. Tani waxay keeneysaa hoos u dhac ku yimaada sicirka lakala siisto bitcoin xiligaas.
Comments (No)