Maalinta Jacaylka ma aysan buuxin jacaylka suuqa Bitcoin ETF’ska maadaama xogta cusub ay soo bandhigeyso natiijo la yaab leh. Febraayo 14, lacagaha la isku dhaxdhaafsado sarrifka ayaa soo sheegay qulqulka 1,765 BTC, taas oo u dhiganta qiyaastii $ 171.06 milyan, sida laga soo xigtay Lookonchain.
Fidelity, oo ah mid ka mid ah shirkadaha ugu caansan suuqa, ayaa la arkayey iyadoo 982 BTC ah uu kabaxayo suuqooda Bitcoin ETF’ka oo lagu qiimeeyay qiyaastii $ 95.21 milyan. In kastoo shirkaddu ay weli haysato 207,542 BTC ah oo aad u tiro badan oo qiimihiisu yahay $ 20.11 bilyan – haddana qulqulkii manta wuxuu keenayaa su’aalo. Ah Miyay tani tahay mid ku soo fool leh suuqa mise wax ka sii daran ayaa meesha ka jira oo imaan karaya?

Tani waa maalintii afaraad oo isku xigta taas oo, tan iyo Febraayo 10,kedii. qiyaastii $ 650.76 milyan ay ka baxeen Bitcoin suqiisa la dhaho Spot ETFs. Sida ay wax u socdaan, wadarta dakhliga soo gala waa 40.05 bilyan oo doolar, wadarta hantida saafiga ahna waa 112.49 bilyan oo doolar oo Bitcoin ah oo suuqan si gaar ah.
Lama oga waxa ay u egtahay. Suuqa ayaa isku dheelitiraya wararka wanaagsan sida warbixinta Coinbase oo leh $ 2.27 bilyan oo dakhli ah iyo 179% kororka rubuc-rubuca ee shirkadu daqli ahaan u hesho, dhamaan arimahan waxay tilmaamayaan kororka suuqa cryptocurrency iyo qulqulka raasumaalka cusub. Dhanka kale, inkastoo an la kulmeyno sicir barar CPI-ga oo sareeya iyo “dagaal cashuureedka dunidu wajaheyso”
Ethereum ETF’s, waxaa laga dareemayaa culuska ah in ay ka baxdey lacag gareysa 5,514 ETH, ama qiyaastii $ 14.89 milyan, sida la diiwaan geliyey, iyadoo Grayscale’s ETHE ayana ahayd qolada dhaawaca ugu weyn, qasara uu soo garay garaya 11,375 ETH. Sida ay hadda tahay, Grayscale waxay haysaa 1,304,767 ETH, oo lagu qiimeeyay $ 3.52 bilyan.
Comments (No)