BNB Chain Oo Isbadalo Lagu Sameynayo Sanadkan 2025..

BNB Chain wuxuu soo bandhigay taxane casriyeyn ah oo la doonayo 2025,  in lagu samayo chainkooda iyada oo ujeedku yahay in la xoojiyo xawaaraha  chainka, lana yareeyo qiimaha wax isdhaafsiga dadu ku baxshaan, noqdana mid la jaanqadaya AI-da.ku shaqeynteeda.

Hagaajinta waxaa ka mid ah waaxa loo yaqaan block- sub-second, macaamiishu lacag la’aanta gaas ah isticmaali karayaan ama qarash laan, iyo habka amniga ee horumarsan ee loogu talagalay in lagu hagaajiyo waxtarka blockchainka iyo baaxadiisa.

Ka dib markii lagu dhawaaqay, warbixintaan Binance Coin (BNB) ayaa kor u kacay in ka badan 8.1% ilaa $ 697, isaga oo ka sara marey Solana (SOL) noqdeyna cryptocurrency’ga shanaad ee ugu weyn ee suuqa. Maamulihii hore ee Binance. Changpeng Zhao (CZ) wuxuu xaqiijiyay cusbooneysiinta qoraalkii Febraayo 12 ee X, isagoo hoosta ka xariiqay himilada BNB Chain ee ah in ilaa 100 milyan oo macaamil ganacsi maalintii wax isku dhaafsan karayaan lagaaro.

BNB Chain sidoo kale wuxuu soo bandhigeyaa boorsada casriga ah oo AI-ku shaqeeyneysa ee loogu talagalay in lagu hagaajiyo isticmaalka lagana dhigo mid ismaalumeysan noqon kartana in si xawaro ku jiro wax isaga gado una soo gadan karta booqada oo la howl galeysa aqliyada macmal ka ah iyada oo loo marayo nidaamka lacag bixinta, taas oo fududeynaysa isdhexgalka codsiyada baahsan. Ganacsiga ka sokow, BNB Chain waxay sahamineysaa codsiyada AI ee maamulka baahsan, isdhexgalka suuqa loo yaqaan DataDAOs, deegaannada fulinta la isku halleyn karo (TEEs), iyo soo celinta suuqa loo yaqan(RAG) si loo xoojiyo amniga xogta loona abuuro fursado cusub oo lacag loogu sameeyo dadka isticmaala.

Mid ka mid ah horumarka muhiimka ah waa hoos u dhigistay block latency’ga saddexda ilbiriqsi ilaa sub-laab xawaaraha ah, hubinta xaqiijinta wax isdhafsiga dhaqso ah oo aan wax u dhimin gudbinta shabakadda amaankeeda. Waxaa kaloo Isbeddel kale oo weyn ah ballaarinta macaamilka lacag la’aanta gaaska ah, oo horey loogu xaddiday wareejinta lacagta xasilloon ee loo maro MegaFuel. Cusboonaysiinta soo socota waxay u oggolaan doontaa dhammaan macaamilka ganacsi in la fuliyo iyada oo aan la bixin khidmadaha gaaska ee caadiga ah, iyadoo la adeegsanayo BEP-20 ama stablecoins iyada oo loo marayo nidaamka lacag bixinta ee ku saleysan EIP-7702. Oo ah isbadalka cusub ee hada wajahayo BNB chain sanadkan.

Amniga ayaa ah diiradda kale ee muhiimka ah ee hiigsiga BNB Chain’s 2025 roadmap, gaar ahaan wax ka qabashada weerarada xun ee looyaqaan Maximal Extractable Value (MEV). Sanadkii 2024, ku dhowaad 40% BNB Chain blocks ayaa saameeyay dhacdooyin la xiriira MEV, taasoo keentay kharashyo aad ubadan ku lumaan isticmaalka BNB Chainka dad aad ubadane ka niyad ka jab isticmaalkiisa. Si loola dagaallamo tan, shabakadu waxay qorsheyneysaa inay soo bandhigto qaab cusub oo isku-duwidda xaqiijinta dhinaca BNB CHAIN ah, hababka codbixinta ama xaqiijinta loo maro oo la hagaajiyay, iyo hoos u dhigista soo-gaadhista xubnaha u codeynaya , xoojinta  iswaydaarsi ka dhax dhaca blockchain. Iyadoo la adkeynayo amaanka guud ee wax dhaafsiyada.

In kasta oo hiigsiga BNB Chain ay muujinayo mustaqbal rajo leh, amnigiisa ayaa weli ah walaac. Dhawaan, wabsite’ka lagu sameyso ‘meme coin’ ee loo yaqaan ‘Four.Meme’, oo lagu dhisay BNB Chain, ayaa la kulmay xadgudub amni oo sababay luminta qiyaastii $ 183,000’kun oo hanti dijitaal ah. Dhacdadan ayaa daba socotay kor u kaca iyo hoos u dhaca degdegga ah oo calaamadda Tijaabada (TST), oo ku dhufatay qiimaha ugu sarreeya ee suuqa $ 489 milyan ka hor inta aysan hoos u dhicin 50% ilaa $ 215 milyan. Calaamadda ayaa heshay dareen kadib markii si kooban loogu arkay fiidiyowga barashada ee BNB Chain, taasoo dhalisay mala-awaal in kasta oo CZ uu cadeyey in fiidiyowgu uusan ahayn oggolaansho.

Comments (No)

Leave a Reply