Ripple Labs Ayaa Dhowaan 700 Milyan Oo Koynka XRP Ah Ka Saartey Suuqa Si Wax Looga

Tallaabadan istiraatiijiyadeed waxay ku soo beegmaysaa hoos u dhac ku yimaada suuqa ballaaran ee loo yaqaan ‘cryptocurrency market’, taasoo muujineysa dadaallada Ripple ee lagu xasiliyanayo qiimaha XRP inta lagu jiro xilliyada qalalaasaha suuqu ku jiro.

taariikh ahaan, dhaqdhaqaaqyadan oo kale waxey horseedaan soo kabasho qiimahed oo ku aadan koynka  XRP, taasoo xoojineysa kalsoonida suuqa.

Ripple Labs waxay xireen ama suuqa ka saarteen 700 milyan oo XRP ah oo ku jira kaydkooda iyada oo ay jirto walwal suuqa oo hoos u dhacaya, iyadoo la doonayo in la xasiliyo qiimaha XRP, halka ganacsatadu ay wajahayaan cabsi qiimo xumo.

2-dii Febraayo, Whale Alert oo ah nidaam la socdo talaabooyinka ganacsi sida oo isticmalaya alada loo yaqaano blockchainka ayaa soo bandhigay dhaqdhaqaaq ganacsi oo muhiim ah oo Ripple Labs ay ku wareejisay 700 milyan oo XRP ah. Tani waxay ka dhigan tahay in koynankas si ku meel gaar ah loo xiro oo aan loo heli karin ganacsiga ama suuqa lagu gadi kareyn, taas oo door muhiim ah ka ciyaari karta saameyna ku yeelaneysa dhaqanka suuqa.

Maaddaama suuqa guud ee loo yaqaan ‘cryptocurrency’ uu wajahayo hoos u dhac dhinaca qiima ah, suuqan loo yaqan ‘escrow’ ee Ripple waxay umuuqataa inay tahay hab lagu xasilinayo qiimaha. Iyada oo la xiray koynankas lagu gadayey suuqan, Ripple waxay ujeedkoodu u yahay inuu yareeyo cadaadiska iibinta ee suurtagalka ah ee ka dhalan kara xaaladaha xun ee suuqa.

Taariikh ahaan, in suuqan loo yaqaan ‘escrow’ hadii koynanka la gu gadayo yaradaan waxey muujineysaa natiijooyin wanaagsan inta lagu jiro hoos u dhaca suuqa.

Laga soo bilaabo xogtii ugu dambeysay ee suuqa, XRP waxaa lagu kala iibsanayey qiyaastii $ 2.90 iyada oo laga dareemaayey hoos u dhac 3.60% qiimaha 24-kii saac ee la soo dhaafay. In kasta oo isbeddelka hoos u dhaca, hadane mugga ganacsiga ee XRP ayaa kor u kacay 65%, taasoo muujineysa in xiisaha maalgashadayaashu uu weli yahay mid xoog leh.

Marka la eego isbeddelada qiimaha ee dhowaan dhacay, maalgashadayaasha muddada dheer waxay u muuqdaan inay ka faa’iideysanayaan fursadda ay ku urursanayaan XRP maadaama qiimihiisu hoos u dhacay.

Balse Haddii xaaladaha suuqa ay sidan ku sii socoto iyadoon la hagaajin ama qiimaha XRP uu hoos ugu dhaco calaamadda $ 2.791, illaa $ 55.10 milyan.oo ista gaditan ah ayuu wajihi karayaa Dhanka kale, kor u kaca $2.963 waxay kicin kartaa baabi’inta ku dhowaad $35 milyan oo ah dadka sheegaya in koynku kor ukici kareyn, taasoo hoosta ka xariiqaysa isku dheelitirka aan xasilloonayn ee jawiga ganacsi ee hadda jira.

Marka la eego falanqaynta farsamada ee XRP hadda waxay ku taagan tahay heer taageero muhiim ah oo ah $ 2.88, halkaas oo dhaqdhaqaaqa suuqa uu u muuqdo inuu sii yaraanayo iska gadi taanka koynku la kulmayo. Muhiimada heerkan lama dhayalsan karo, maadaama haddii aan la gaarin heer ka sareeya uu furmayo suurtagalnimada hoos u dhac weyn oo qiimaha ah. In uu la kulmo koynku.

Iyadoo la tixgelinayo isbeddelka hadda jira ee XRP, ku guuldareysiga in la ilaaliyo $ 2.88 waxay u turjumi kartaa 10% hoos u dhac, oo laga yaabo inay hoos u dhigto qiimaha $ 2.55. Taa bedelkeeda, booska XRP ee ka sarreeya 200 Exponential Moving Average (EMA) ee jaanska maalin laha ah. wuxuu soo jeedinayaa isbeddel kor u kaca ah oo laga yaabo inuu ciyaarayo, isagoo ilaalinaya rajooyinka maalgashadayaasha. Marka la soo koobo, go’aanka istiraatiijiyadeed ee Ripple ee ah in 700 milyan oo XRP ah laga xito suuqa loo yaqaan ‘escrow’ ayaa ka dhigan dadaal la xisaabiyay si loo xasiliyo culeyska iska gadida ah iyada oo ay jirto qalalaasaha suuqa. In kasta oo xaaladaha ganacsi ee hadda jira ay weli caqabad ku yihiin, isku soo ururinta muuqata ee kor u kaca iyo tilmaamayaasha farsamada ayaa soo jeedinaya aragti taxaddar leh laakiin rajo leh oo ku saabsan XRP mustaqbalka dhow. Maalgashadayaashu waa inay si dhow ula socdaan heerarka taageerada muhiimka ah iyo dareenka suuqa oo hora u socda

Comments (No)

Leave a Reply