El Salvador Oo Kordhineysa Ibsiga Bitcoin Sanadkan

Qaadashada Bitcoin sida hanti istaraatiijiyadeed loo isticmaalo waxey dowladaha yaryar waxay noqon kartaa udub dhexaad wadamada waa weyn ay raacaan.

El Salvador ayaa iibsatay laba Bitcoin oo dheeraad ah Febraayo 1geda. Dalku wuxuu caadi ahaan helaa hal Bitcoin maalin kasta oo qayb ka ah hindisaha kaydka istiraatiijiyadeed ee Bitcoin laakiin wuxuu ku iibsanayay BTC qiimo qali ah ku fadhiya.

Sida laga soo xigtay raadraaca Bitcoin ee dowladda, El Salvador waxay hadda haysataa wadar ahaan 6,055 BTC, oo lagu qiimeeyay in ka badan $ 612 milyan, oo dollar waxayna soo iibsadeen in ka badan 50 BTC 30-kii maalmood ee la soo dhaafay oo keliya.

Wadanka ayaa dhawaan laalay sharcigiisa ah in ganacsiyada aqbalaan BTC si ay isaga bixiyaan amaahda Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF).

Warka ku saabsan heshiiskan ayaa la kulmay falcelin kala duwan oo ka timid bulshada loo yaqaan ‘crypto’. Si kastaba ha noqotee, in kasta oo heshiiskii ugu dambeeyay ee IMF, El Salvador waxey sii wadeysaa  urursiga Bitcoin ee kaydkeeda qaranka.

El Salvador waxay ku dhegan tahay istiraatiijiyadda kaydka qaranka ee Bitcoin

Iyadoo lagu darayo $ 1.4 bilyan oo heshiis IMF ah, El Salvador waxay ahayd inay sameyso lacag bixinta BTC si ikhtiyaari ah, iyo ka qaybgalka qaybta dadweynaha ee warshadaha Bitcoin, iyo in la hor mariyo shirkada boorsada Chivo.oo ah shirkada si shaqsi ah ganacsato uleedahay

Dalku wuxuu helay 11 BTC, oo qiimihiisu ka badan yahay $ 1 milyan, hal maalin kadib markii uu heshiiska la saxiixday IMF.

Qoraal uu soo dhigay 19-kii Diseembar, agaasimaha Xafiiska Qaranka ee Bitcoin ee El Salvador, Stacy Herbert, ayaa sheegay in El Salvador laga yaabo inay bilaabaan inay ku urursadaan BTC sida ugu dhaqsiyaha badan lana dedejiyey.

Xafiiska Qaranka ee Bitcoin wuxuu helay 12 BTC oo dheeri ah Janaayo. 19. Iibsiga ka dib, afhayeenka hay’adda dowladda ayaa u sheegay warbaahinta in Xafiiska uu damacsan yahay inuu kordhiyo iibsiyada sanadkan 2025.

“Waxaan ku guuleysanay kaliya dib u habeynta ugu weyn taariikhda, laakiin waxaan hadda nahay daraasad kiiska bitcoin oo dhab ah  loogunu yeero istiraatiijiyad waddan oo guuleystay”, ayuu yiri afhayeenka.

Istaraatiijiyadda khasnadda Bitcoin ee qaran. El Salvador waxay ku heshay ammaan ka timid Bitcoin maximalists iyo dareenka shirkadaha loo yaqaan ‘crypto firms’ oo ay ku jiraan Fidelity Digital Assets.

Warbixinta shirkadda hantida dhijitaalka ah ee Janaayo 2025 oo cinwaankeedu yahay 2025 Eeg Mustaqbalka ayaa si gaar ah u xustay istiraatiijiyadda khasnadda qaran ee El Salvador inay tahay mid horseedi karta ballaarinta qaadashada bitcoin dawlado badan hanti qaran u qataan.

Falanqeeyayaasha ka socda Fidelity Digital Assets ayaa ku dooday in dalalka waaweyn ay qaataan Bitcoin maadaama halistay  in aan laheysan Bitcoin ay sii kordhineyso cabsida laga qabo in la seego ka hor inta lagu soo wadamadu kusoo xoomin.

Comments (No)

Leave a Reply