Qiimaha Ethereum Kor Ukac Wadadii Ahayd Wajahay Iyo Falanqeeyayaasha Oo Shaaci…

Ethereum weli wuxuu muujinayaa calaamado kor u kac ah hadaad taqaano meesha aad ka fiirineyso. Altcoins-ka ayaa hadda ku jira marxalad sara ukac, iyadoo falanqeeyayaashu ay saadaalinayaan in qiimahoodu uu ka gudbi karo darbiyo  muhiimka ah toddobaadyada soo socda. Sida laga soo xigtay falanqeeyaha crypto Ted Pillows, Ethereum wuxuu galay marxalad xoogan oo kor u kaca ah wuxuuna ku dhow yahay in uu wajaho in loo riixo $ 4,000 muddada gaaban iyo filashada qiimo sarreeya waqtiga bisha Maarso.

Kororka kor u kaca ah wuxuu dhigayaa in u ugari karayo Ethereum $ 4,500 bisha Febraayo

Sida laga soo xigtay Ted, Ethereum wuxuu u wareegay marxaladdiisa dib usoo laabashada kadib markii uu dhammeystirtey laba marxaladood oo dadku qiimo raqiis ah hoosta uga soo gadanayeen. Ilaa bishii an soo dhafnay ee Janaayo.

Marxaladda lacagaha sida hoose uga soo galeen  waxaa laga dareemaya Ethereum oo la kala siisanayey inta u dhexeysa $ 3,520 iyo $ 3,185, Kadib marxaladdan lacag uruurinta, Ethereum wuxuu galay marxalad gaaban oo isbedel ah intii u dhaxeysay Janaayo 27 iyo Janaayo 29 ka hor inta uusan ugu dambeyn dib ugu soo laaban calaamadda $ 3,000.

Bishii Janaayo 30, Ethereum wuxuu si rasmi ah uga baxay marxaladdan, isagoo calaamadeynaya bilowga xaalad sara ukac la filayo. Ted wuxuu aaminsan yahay in noqnoqodka qiimuhu hada yahay mid muhiim ah, maadaama ay calaamad u tahay bilowga kor u kac xoog leh. Iyadoo la tixgelinayo calamada kor ukaca ah, falanqeeyaha crypto Ted wuxuu saadaaliyay in qiimaha Ethereum uu kor u kici doono ugu yaraan $ 4,500 bishii Febraayo ka hor inta uusan diiradda saarin heer cusub oo taariikhi ah bisha Maarso.

Wuxuna falanqeeyaha  aragtidisa ku salaysan yahay isku dar ah madax qadka qiimo mid farsamo iyo dareenka suuqa, oo uu xusay in Ethereum’s qiimeyn la aantii suuqa hadda ka soo baxay helayna  iftiinka.

ETH’s mar haduu ka sara maro $4,000 qiimihiisa

Falanqayn kale oo  farsamo oo gooni ah, Ted wuxuu iftiimiyay in Ethereum uu ka baxayo qaabka  hoos u dhaca ee jadwalka maalinlaha ah ee garafka. Iyada oo lagu saleynayo qaabkan, wuxuu saadaaliyay in ETH ay gaari karto $ 4,000 sideeda ilaa toban maalmood gudahood ka dib marka si buuxda loo xaqiijiyo. Saadaalintiisu waxay ku saleysan tahay dhaqdhaqaaqyada qiimaha taariikhiga ah ee Ethereum, gaar ahaan tixraacidda labo xigasho oo ah 2021 iyo 2024, oo labaduba horseeday koror 40% isla waqtigaas.

Comments (No)

Leave a Reply