Dhaqdhaqaaqa shabakadda Ethereum ayaa kor u kacay, iyadoo tirada cinwaanada cusub ay dhaafeen 620,000 usbuucii la soo dhaafay, taasoo calaamad u ah sara ukac xoogan tan iyo Maarso 2024, sida an ka soo xiganey IntoTheBlock.
Kor ukacan waxay calaamad u tahay kobaca ku yimid isticmaaleyaasha, suuqa DeFi, iyo xiisaha cusub ee maalgashadayaasha koynanka ku dhisan Ethereum.
Cinwaanada cusub ee Ethereum ayaa sii kordhaya, taasoo ka tarjumeysa baahida xooggan ee silsiladda Ethereum iyo koynanka ku dhax dhisan
Maxay Tahay Sababta Ethereum ciwanadiisa cusub u kordhayaan?
Kororka Ethereum ee cinwaanada cusub waxaa kicinaya dhowr arrimood:
✅ DeFi & Staking Growth ⁇ Isticmaalayaal badan suuq ayaa ka dhigaya in ETH dad csub laga dareemo isticmaalkiisa.
✅ Kobaca NFT & Waxqabadka gaymamka ⁇ Ethereum ayaa weli ah xulashada ugu sareysa ee aaladaha NFT iyo gaymamka ku dhisan blockchainka Ethereum.
✅ Isticmaalka Hay’adaha ⁇ Maalgashadayaasha waaweyn waxay si firfircoon ula falgalaan Koynanka ku dhisan Ethereum.
✅ Layer-2 Scaling Solutions ⁇ Optimism, Arbitrum, iyo zkSync waxay ka dhigayaan Ethereum mid ka jaban oo ka dhakhso badan, taasoo soo jiidashatay isticmaaleyaal badan.
Maaddaama Ethereum laga filayo in ay sii kordhaan ciwaanada cusub ee isticmaalaya, taasoo sii xoojineysa booskiisa suuqa.
Adeegsiga sii kordhaya ee Ethereum iyo ballaarinta shabakadda waxay muujinayaan in dhaqdhaqaaqa silsiladda uu sii ahaan doono mid xoog leh sanadka 2025.
Comments (No)