Xermadii (block)gii Ugu Danbayey Ka Hore Kala Barida Bitcoin Oo Fariin Xusuus Leh lagu Lifaaqay

Wax yar ka hore inta uusan dhiicin block’gii ugu danbeyay ee bitcoin kala baristiisii sedexaad taas oo qotayasha miners’ka bitcoin ay helayeen 12.5btc looga dhigayey 6.25tbc ayaa qotayasha miners’ka bitcoin waxay ku dhax dabaceen fariin ku socotay dhamaan dadka bitcoin mudada dheer haysanaya ama looyaqaan gudaha kiribto (HODlers)

 

F2pool, qotayaasha ku midoobay ama sida wadajir ah uwada qodanayey bitcoin oo isticmaalayay shabakada F2pool ayaa nasiib u yeeshay in ay helaan block,629.999 kuna daabacay qoraal jariirada,NEW YORK TIMES, ciwaankeeda hore ku soo baxay ee ahaa

fariin xusus mudan bitcoin

(NYTimes 09/Apr/2020 With $2.3T Injection, Fed’s Plan Far Exceeds 2008 Rescue)

Taas oo tilmameysa sida dowlada mareykanku suuqa ugu soo qufeyso lacagta dolarka si looga badbaado dhaawacyada dhaqaalo xumida dunida in $2.3 tirilyan la soo galsho suuqya taas oo xusuusin u ah dhacdadii 2008 oo ahayd maalintii bitcoin kii ugu horeyay la qotay ama minersku block’giisii kowaad soo sareen, sida ad aragtane xusustan jariirada THE TIMES  

darishad ka sarkii bankiyada

Fariintan raacsan block’ga ama xirmadan tariikhiga ah ayaa noqoneysa mid lagu barbar dhigayey, siduu u egyahay dhaqala xumida maanta dunida ka tagan iyo kii 2008, iyo sida gudiga uqaabilsan dhaqalaha, wadanka mareykanku u doonayo in uu uxaliyo, ood moodo, in markan ay qadayaan isla jidkii hore, balse aan waxba ka qadeyn, dhacawa dhaqalaalo xumi ee dunidu wajaheyso

Go,aankan hada dowlada mareykanku qaadatay ee ah lacagta intaa la eg in lagu ilaalsho dhaqaalo xumida, iyo in ay ka sii darto oo shirkado, badan lagu kala tago, waxay dunida ku reebaysaa, sameeyn ay adagtahay, in la qiyaaso, balse bulshada kiribto kuwa mudada dheer, haysta bitcoin (HODLers’)ka wax badan ayey ka qiyas qadan doonan.

Dhanka kale bulshada kiribto, ayaa tani u tahay taarikh dib u milicsasho ah, marka eebe intii nool gaarsiiyo 2024 oo la qiyaasayo kala barka 4aad ee bitcoin, in uu dhacayo, taas oo dadku booqan karayan, F2pool wajigeeda, hore kuna arki karayaan dhac dadii maanta

Maxay kula tahay  aragtidada noo reeb mahadsanid

Comments (No)

Leave a Reply