Xaalka Dhinaca Sarifka Ethereum Oo Laga Cabsi Qabo In uu Tago $240 Sida..

Sida aan la socono baryahan oo dhan ayuu Ethereum, la daala dhacay isku dayga kor ukac qiimaha dhinaca sarifka ee Ethereum la kala siisto,

 

inkastoo  waxba iska  badalin balse, taasi ma dhicin, madaama bitcoin,ba uu sidaas oo kale ula daala dhacay is badal dhinaca suuqa ah.

Ethereum ayaana qiimihiisu ahaa mid udhaxeeya $340 ilaa $360 oo uu malmahan dhax noq, noqonayey, halka bitcoin laga dareemayay qiimo isbad badal culus ah, oo xiliyada qaar hoos udhac xoogan uu la kulmayay.

Indho’indheeyayaal ayaana hada tilmamaya in, Ethereum qaab suuqeedkiisu muujinyo, in koynka hoos udhac galaayo, lagana yaabo in hoos udhacaas gaaro ilaa $240 mudada dhaw,

 

Waxaan la soconaa in Ethereum todobaadyadii, la soo dhaafay qiimihiisu, ahaa mid sarifley badan, aad ugu hadaqayeen qiimihuna uu ukala dhaxeeyay $315 ilaa $380, oo gatayaasha iyo iska gadayaashuba, ku dhax ilaalinayeen isbadalka dhinaca bitcoin qiimihiisa ku xisaaban,

Dhanka kale Ethereum, ayaa hada culeys dhinaca bitcoin uga imaan karayaa, madama bitcoin markale uu qiimihiisii $10.700 ilaashanayo halka isbadaladaas uu isna ETH, ka faa’iideysan oo udhaxeeyo $340 ilaa $350.

Hadii u Ethereum qimahan hoos uga soo dhaco, waxaa jiro darbiyo laga yaabo in uu ku sii hakado, kuwaas oo kala ah, inta udhaxeysa $325 ilaa $315, oo ah, goobo asbuucyadii aan soo dhafnay uu tagay.

ethereum price

Xogta TradingView

Marka laga hadlaayo aragtida mudada dhaw, Ethereum wuxuu u muuqdaa sida garafka aad ka aragtaanba, in hadii kiribto gasho hoos udhac dhiinaca suuqa ah, eth lagu arki karaayo qiimaha $240 mudada dhow ah, balse wan arki donaa haduu garafku noqdo mid dhabooba iyo inkalaba.

Maxay kula tahay  aragtidada noo reeb mahadsanid

Comments (No)

Leave a Reply