SEE LAGU OGAADAA KIRIBTOOYINKA XAARAANTA KU SHAQAYSTA IYO NOOCYADA GANACSI EE XAARAANTA AH.

Ka dhax ka shaqeysashada suuqa lacagaha kiribto waa mow jad ubaahan talaabo walba ood qaadeysid in aad xog ka heyso madama ay jiraan matalayaal badan oo ujeed ka loo aas aasay ay tahay  shaqaysashada khamaarka

 

waxaana ka mida magacyaday isticmaalaan GAMBLE, BETTING, CASINO LOTTERY oo wada ah ereyo khamaar ah iyo kuwo kale. kuwa DRUGS ama daroogooyinka loo sameeyey ayaa iyana jira CANABIS COINS, DOPECOIN, POTCOIN, MARIJUANA iyo kuwo kale. kuwa RIBADA loo sameeyey lama xisaabi karo magacyo badan oon la fahmi karin bay leeyihiin.  magacyadaasna waxaa ka mid ah

 

DeFi, STAKING, REWARDS, INTEREST, YEILD FARMING, YEILD GENERATING, LIQUIDITY GENERATING, HARVESTING,  APY, LOAN, LENDING, SAVING, BARROWING, LEVERAGE, iyo kuwo kale. sidoo kale suuqyada kiribtooyinka sarifa sida binance iyo kuwa kaleba waxaad ku arkaysaa magacyadaan: DERIVATIVE, FUTURE TRADING, FORWARD TRADING, OPTIONS, SWAB, UP, DOWN, MARGIN. LEVERAGED TOKENS, PERPETUAL, iyo magacyo kale. dhamaan waa magacyo ka tarjumaya QAAB GANACSI XAARAAN AH ee ha isku galin. STAKING ka isagu waa 2 nooc midna waa ribo midna maha.

kan aan ribada ahayn waa kan kiribtadaada meel ku xiraysid si ay uga qayb qaadato MINING ka coin ka waxaana lagu magacaabaa PROOF OF STAKING. markaa VOTE na waad ku samaynaysaa oo kiribtadaas barmaamijkay wadato ayaad ka mid noqonaysa dadka jiheeya oo hadana MINING gareeya, oo CODAYna ku leh.

 

nooca staking ka ribada ah waa kan lagu oranayo hadaad kiribtadaada lock garaysid ama parking garaysid- yacni hadaad kiribtadaada meeshaan ugu talo galnay aad ku haysatid- bil walba kiribto kalay kuu dhalaysaa.

 

gabogabadii: ereyga DeFi hadaad ku aragtid kiribtada ka shaki kadibna baarid ku samee waayo coins ka DeFi intooda ugu badan RIBO ayay ku dul wareegayaan. waxaad ka ogaanaysa wax walba inaad tagtid website kooda oo aad akhrisid iyo inaad sidoo kale coinmarketcap ka ka akhrisid waxay ka qoraan. waxaad kaloo kaalmaysan kartaa labadaan telegram iyo website kooda.

 

https://t.me/islamcrypto

https://t.me/islamcrypto

 

IFG Crypto Group

https://t.me/ifgcrypto

Maxay kula tahay  aragtidada noo reeb mahadsanid

Comments (No)

Leave a Reply