Sara U Kacii TEZOS(XTZ)Hada Ma Yahay Mid Sii Socan Kara

Hoos u dhicii 12/03/2020 Tezos (XTZ) $0.93 ilaa hada waxuu koynku kor usoo kacay si xad dhaaf ah 207% waxuuna aad ugu soo dhawaaday qiimihisii ugu sareeyay taariikhda ee koynka balse hada suaasha tagan oo qura ayaa ah yaa hor istaagi doona koynka

Marka sidan oo kale uu koynku circa isku shareero waxa la is waydiinayaa suaalo dhowr ah oo ay ka mid tahay  koynka miyaa si aad loo qiimeyay mise sicirkiisa uusan ku fadhin taas oo sarifleydu  bilaaban in ay faaiidadooda miiska ka qaataan

Wuxuuna koynku bilaabaa markaas in uu hoos usoo dhaco wana waxa hada uu tezos wajahayo wuxuu hoos usoo dhacay 5.69% meshii ugu sareysay uu bil gudaheed gaaro ee $2.90

Hadaba miyay dhamaatay kor usocodkii mise isku xirnaan ayaa bilaabaneysa

Garafka aan eego hadii kor usocod sii jiri karo iyo inkale

Intabadan kiribto waxaa lagu kala sariftaa lacagta bitcoin iyo lacagta USDT oo dolar udhigan ta lacagaha ka hooseeya bitcoin oo loogu yeero altcoins ayaa waxay intooda badan ku sarifaalaagta bitcoin hayeeshe waxay inta badan ka heystan darbi dhinaca garafka fibanojiga 61.8%

Sida ka muuqata garafka kore marka tezoz garaf maalinle ah loo eego waxaad dareemeysaa gaarista uu garey $2.85 balse ka soo dagista 61.8% fibanoji garafka iyo dhaqdhaaqiisan ah $2.58 ee sariflayaashu u riixeen ayaa wuxuu koynka tezos 25%ka kor u kac ufurikareysa in eeriyadaan uu noqnoqonkarayo

Qiimaha hada lakala siisanayo suqa ayaa ah $2.72 taas oo hadii uu ka soo hoos maro oo uu ilaashan kariwayo kusoo rideysa qiimaha $2.59 taas oo kalifeysa in sariflayaashu garafka dib ugu noqdaan oo ay eegan fibanoji garafka 50% taasoo ku qiimeyneysa $2.44 hadii uu sii lunsho darbigan ayaa markale u eegikareysaa fibanoji 50% oo uu darbi ka heli karayo $2.35

Balse dhankale RSIga garafka looyan ayaa markaas noqonkaraya mid tilmaamaya in kor usocod helikaro qiimaha koynka

Comments (No)

Leave a Reply