Madaxa Shirkada IOHK Oo Sheegay In Ay Dhisayan Badale ERC-20 Matalasha Ah Ee Ethereum Ku Dhisan La Ficil Gala…

As’aasaha koynka cardano ama ADA, ayaa dhawaan muqaal u soo dhigay bartiisa youtube,ka, ku sheegay in ay ka shaqeynayaan dhisida software, badala Erc-20 tokenska, aan naqaan eek u dul dhisan Ethereum blockchain lana ficil gali karaan, cardano blockchain.

 

Arintaan ayan waxay noqoneysaa fursad, aad u wanaagsan, oo keeni karta in matalayaal badan oo ku dul dhisan Ethereum, usoo guri karayan blockchainka cardano, kuwa mustaqbalkana ku duldhismaya cardanane u guuri karayaan Ethereum, taas oo kalifi, kareysa fursado labada blockchain, iyo hor’umariyayasha matalayashaasba ka wada faa’iidayan, waji cuusbna u keeneysa mustaqbalka fiican ee teknolojiyada smart contract,ga.

Chales Hoskinson, muqaalkiisa uu soo dhigay bartisa youtubeka, ayuuna bulshada cardano ku siinayey updateyo kala duwan, iyo xaalka dhinaca hor’umarineed ee uu marayo cardano iyo waxa mustaqbalka ay u diyaar garoobayan, taas oo arimahan aan kor kusoo xusnay uu aad uga hadlay, wuxuna kaloo sheegay in luulyo 29,keeda, cardano blockchain galayo waxa loogu yeero Hard FORK,

Dhisida badalaha ERC-20 ayaa wuxuu sheegay, in ay shirkad sedaxaad ku siinayan, heshiis arimahan ay ku soo dhisaan, wuxuna bilabanayaa, howsha bixinta heshiiskaas bisha agoosto, waxayna howsha toos u bilaabaneysaa bisha sabtembar, oo tijabada badalaha, laga dhax arki doono, netwooga cardano iyo in uu la ficil galo kan Ethereum,

Dhanka kale hor’umariyayaasha smart contract,ga dhinaca cardano qolooyinkan, loo yaqaan Plustus Foundation, ayaa iyagane ka shaqeynaya in ay naqshadeeyan sidii hor’umariyayaasha cadiga ah ula ficil gali lahayeen, in ay dhisan smart contract,la shaqeysa cardano network,

Hoskinson ayaa sheegay in mustabalka, kalo lahansho la’ aanta netwoga guud ee cardano uu doonayo in uu noqdo sida bitcoin netwoog, oon cidina kala lahayn balse hada sugayaan soo daynta upgrade,ka shelley oo hada si tartiib ah, usocda, hor seedi doono, in la gaaro guulahan oo dhameystirin.

Maxay kula tahay  aragtidada noo reeb mahadsanid

Comments (No)

Leave a Reply