Ma Dhabaa In Satoshi Nakamoto Yahay Qofka 50 Bitcoin Ee Laqotay 2009 Mel Kale Udiray?

Mid ka mid ah qotayashii ama minerskii xili hore, ahaa ayaa manta dhaqajiyey 50 bitcoin oo ka mid ahaa abaalmarinta qotayasha bishii febarayo 9 2009

 

Balse bulshada kiribto dhaxdeeda, ayaa dadka qaar moodeen in uu leeyahay asasihi bitcoin ama as’asayaashii bitcoin Satoshi Nakamoto,

Hase yeeshee tani waxay rumoobi wayday, markii dib loo baaray xogta bitcoin blockchain.

50kan, bitcoin ayaa la qotay febarayo 9 2009kii, kadib markii kooxdii la magac baxday Satoshi Nakamoto, udubyada u tageen netwooga Bitcoin,

Hase yeshee baraha bulshada ee kiribto, ayaa hada la isla dhax marayaa waxaa  soo laabtay Satoshi Nakamoto madaama 11sano bitcoin aan la dhaqaajin, maanta la diray oo boorso kale loo diray

50 bitcoin

Waxan ognahay, in kooxda ama qoladan lagu magacaabo Satoshi Nakamoto ku heystaan boorsadooda bitcoin gaaraya ilaa 1milyan oo bitcoin ah, balse mid ka mid ah dadkii xili hore ka mid ahaa qotayasha bitcoin ama minerska ayaa hada boorsadiisa bitcoin uu xiligaas qotay, ka diray oo kaliya

Sideen ku xaqiijin karnaa arintan, waxan aadeynaa xogta bitcoin blockchain, gaar ahan xogta loogu yero “Patoshi pattern”

50kan bitcoin ee la qotay, kadib baahintii netwooga bitcoin, waxay keentay in dadka qaar aaminan, in la dhaho bitcoinkan, waxaa leh kooxdii, Satoshi Nakamoto, sababtoo ah bitcoinkan wuxuu ka mid yahay bitcoinadii, ugu horeyay ee la qoto,

Tani waxay raad la galeysaa, bilowgii bitcoin baahintiisa, waxaa jiray xeriir ka dhaxeyay, kooxo la oran jiray, “cryptographic mailing list”kuwaas oo softwareka bitcoin iyo hor umarkiisaba isku dhaafsan jiray, qaabkan cryptographic mailing listi’ga ha, tani waxay cadeyn unoqoneysaa in ay jireen dad badan, oo qotayaal ah oo netwooga bitcoin Satoshi kala shaqeyn jiray,

Xogtan loogu yeero “Patoshi Pattern” ayuu ninkan la yiraahdo, Sergio Demain Lerner, noogu siinaya sawir qotayaashii xiliga hore bitcoin, qodan jiray, iyo siduu netwoogu ahaa, xogta ayana gudaha ugaleysa, sida block,yada ama xirmooyinku qotayashu, isugu xirayeen iyagoo qiyaasaya waxa looyaqaan, “Nonces”oo ah, cryptographic hash,keenaya xirmadii ugu danbeysay in tan hada laga shaqeynayo la isku xiro si block’gu u noqdo, mid sax ah, ama blockyadii,uu Satoshi qotay, ugu xirnaado, madama Satoshi ahaa Qofkii ugu horeyey, ee qotay, Blockgii koowaad.

 

Patoshi, blocks, waxay leeyihiin qaabkale oo NONCes’ka usamey nayeen, madama iyagu heystaan “code” kii hore ee bitcoin raacayaane, sharciga halkaas ku qornaa, halka qotasha kalane ka duwanayeen xirmooyinkooda,

 

Baare kale oo lagu magacaabo Nic Carter ayana bartiisa Twitterka  nagula wadaagaya, qaabka iyo xog, tilmameysa in bitcoin kan uusan ka imaan block,yadii Satoshi, ama Patoshi Pattern.

patoshi pattern

Isku soo celcelinta koynanka Satoshi waa arin tijaabo adag qadata sida dad badan filayaan. dad badan ayaa aaminsan, in 1boorso, ama wallet, oo ku cad kooxda, ama qolada Satoshi, ku jirto, 1milyan oo bitcoin, taas oo ah cadad aad ufara badan oo bitcoin ah, qotayasha qotayne la sheego in qoladaas yihiin,

Si kastaba hanoqotee,  xeel xeerayaasha ayaa ku raacay, ninkan la dhaho Sergio Demain Lerner, baritaankisan, la yiraahdo Patoshi, oo koynanka qotayaasha bilowkii ahaa, kala saraya, balse suaasha ayaa ah block’ga ay hada ka imaadane bitcoinkan, kama mid aha block’yadii ay qotayasha, la aaminsanyahay in ay ahayeen kooxdii Satoshi.

Dhanka kale Carter,ayaa isna intaa ku daray in ay jireen, dad fara badan oo miners ahaa, oo netwooga bitcoin kalin ka qadanayey xiligaas.

Milkiilaha shirkada Blockstream, Gregory Maxwell, qoraal uu soo dhigay, shakabada reddit, ku sheegay in qotahan, ama minerkan uu bitcoinkan ka soo dirsaday,Bitcoin Core wallet, uusan in muda ah tabanin,

arintan oo kale waxay dhacday, sanadkii 2017, bishii agoosto, sidaa daradeed bitcoin muda hore ah, kaliya noqon meyso, in la dhaho Satoshi, waye qofka wax diray.

Isku soo wada duub, Patoshi Pattern, waxaa dhaxyaal 1milyan oo bitcoin ah, oo isku wada xiran dhamantiis, hadii Satoshi run ahaantii, rabo in uu bitcoinkiisas, dhaqaajiyo in kabadan 50 bitcoin, ayuu meshaas ka ka xeyn lahaa.

Maxay kula tahay  aragtidada noo reeb mahadsanid

Comments (No)

Leave a Reply