Lacagta Guud Ee Ku Jirta Lacagaha Kiribto Oo Mar Kii Ugu Horey Say Gaartay Hal.Tiriilyan…

Waa markii ugu horeysay taariikhda oo lacagta guud ee ku jirta lacagaha kiribto gaarto Hal tiriilyan iyadoo bitcoina uu tagay meshii ugu sareysay tariikhda $37.000

 

Hal tiriilyan bitcoin

Qiyaasta lacagta guud ee kujirta lacagahan dhijitaalka ah ee kiribto ayaa bilihii ugu danbeyay cirka isku soo shareerayey, waxana sigaar ah cir isku shareerka hogaaminayey, bitcoin.  oo meeshii ugu sareysay tagay 6 bishan, iyo Ethereum. oo isna darbigiisa $1.100 mudo sedaxsano ah kadib ka soo dulmaray, labadan koyn ayaana hada ah labada koyn ee lacagta ugu badani ku jirto gudaha lacagaha kiribto.

 

Bitcoin iyo Ethereum oo ah labada hogaamineysa sara ukaca lacagaha kiribto, ayaa hadane dhamaan lacagaha kiribto sodobaadkan dhamantood, soo wada qaaliyoobeen.

 

Gaarista Hal Tiriilyan. mahan mid ciyaar ah waa guul suuqa lacagaha kiribto usoo hoyday, 2017/2018 xiligii kiribto dunida ay ku soo waa barisatay, sara ukicii caanka baxay, waxay lacagta guud ee kiribto ku jirto tagtay $830 bilyan.

830 bilyan kiribto

Hada waxaa nagu soo food leh, mowjado ka soo butaacaya, lacagaha yar yar, ee gudaha kiribto looga yaqaan, altcoinsyada. kuwaas oo marka sidaan oo kale bitcoin kor isii socashadiisu noqoto, iyagane lacagi ku soo qufmato, inkastoo lacagtaas ka imaan karto lacagaha hada kusii qufmaaya dhinaca bitcoin iyo Ethereum.

 

Waxayna tani nasoo xusuusineysaa, xiliyadii hore oo kale balse bulshada kiribto, ayaa tagan waxaa dhici karta in maalgashtayaasha, lacagaha altcoinada, aysan helin waqti ay ugu diyaar garooban guulaha laga filan karo lacagahan.

 

Maxay kula tahay  aragtidada noo reeb mahadsanid

Comments (No)

Leave a Reply