Kardano ama ADA oo Darajo Wanaagsan ka Galay warbixintii weiss ratings,

Kardaano. oo ay u aqoonsaday Weiss Ratings in uu ka mid yahay blockchainada ugu sareeya teknoolojiyaddan, lacagaha kiribtada weiss ratings oo ah hay,ad qimeysa arrimaha dhaqalaha gaar ahaan  shirkadaha kiribtada

Kardano waxaa lagu qiimeeyay darajada koynanka ugu fiican wuxuuna heley fiicanan weiss rating sida ay sheegtay Dhanka kale koynan kala duwan sida  Tezos (XTZ), Cosmos (ATOM), iyo Fantom (FTM) ayaa lagu qiimeeyay inay aad ugu wanaagsan yihiin dhinaca teknoolojiyadda

Waxaa xusid mudan in Tezos, Cardano, iyo Cosmos ay dhammaantood yihiin ah koynann kushaqeya ‘Proof-of-Stake (PoS)’. Algorithmkan qaaska ah waxaa loo tixgeliyaa inuu yahay xulasho cagaar badan macnaha mahan koynan ubbahan in koronto iyo computero cumlus ay wax xaqiijiaan marka la barbar dhigo bitcoin Proof-of-Work (PoW) madaama loo isticmaalo computero kooronto aad uxoogan ku baxayso

Si kastaba ha noqotee, in kasta oo Cardano iyo Tezos si heer sare ah loogu qiimeeyay fasalka tikniyoolajiyadda, labadan lacag ee kiribtada ah  waxay si xun u sameeyeen qeybaha kale. Tusaale ahaan, Cardano waxaa lagu qiimeyay  D- halista  / abaalmarinta halka Tezos uu lagu qiimeeyay D +.

Halka , Bitcoin (BTC), waxaa loo qiimeeyay inay tahay “waxooga cabsi ah” qaybta tikniyoolajiyada, halka ethereum (ETH) lagu qiimeeyay “wanaagsan”. Si kastaba ha noqotee, labadan mashruuc waxay qaadanayaan xagga kala sarida caqliga  iyadoo Weiss Ratings uu mid kastaa siiyay darajada A.

Kardano ama (ADA) koynka ayan  10% kor usoo kacay marka lafiiriyo darajadan

Weiss Ratings ayana moodaa in ay si aad ah u amaantay karadano. Dhawaan, shirkaddan qiimeynteeda waxay xaqiijisay in kardano uu leeyahay mid ka mid ah buundooyinka ugu sarreeya tikniyoolajiyada shirkadaha  kiribto  maaddaama kardano hay,ada gacanta ku haysa ay qaadday jidka duwan jidadka shirkadaha kale ee kiribto

Dhawaan  kardano waxay soo bandhigtay casriyeyn maalmihii ugu dambeeyay. Maanta, shirkada  ayaa ku guuleysatay inay soo saarto boorsadooda dhijitaalka ah ee Daedalus 1.0.0 ee muddada dheer la sugayay. talabada xiga ee Cardano waxay u muuqtaa xilliga Shelley updatkiisa la soo daynayo kaasoo ballan qaadaya baahin xukun baahsan, is-dhexgal, iyo isu-dheellitirnaan bulshada isticmaasha kardano iyo ganacsida ku dhex xeeranba,

Intaas waxaa sii dheer, qiimaha koynka kardano ama ADA ayaa maanta, kor usoo kacay 10.17% sarifka xagiisa $ 0.043436 wuxuuna koynku hada ilaa shanayaa safka booska 13aad ee qiimeynta CoinMarketCap. Dhanka kale, bitcoin ayaa kor u kacday 1.23% isla waqtigaas.

Marka la eego dhammaan rajo-wanaagga ku xeeran horumarka tikniyoolajiyadeed ee kardano, waxay umuuqataa inay tahay wax uun waqti uu ubahan yahay in suuqa laga dareemo guulahan dhanka sarrifka,

Comments (No)

Leave a Reply