Kala barida bitcoin oo garafka looyan saamid socodku tilmamayo in qiimaha uu kor ukici doono

Bitcoin kala baridiisu miyuu suuqu qiimeeyay waa mid dood adag ka dhax tagan tahay oo dad fara badan kukala feker duwan yihiin midka mid ah dadka caanka ka dhax ah suqan ee la yiraahdo (PLANB) ayaa la yimid garaf xisaabeebka looyu yeero saami codka lagu yiqaaso hantida helisteedu adagtahay sida dahabka iyo qalinka

Hadaba muxuu ka macno yahay garafkan sami codka

qiimaha hada socodkiisa

Aragtida guud

Sami socodka qiyaas cabirta  sida dahabka iyo qalinka oo kale taasoo inta suuqyada ka taal iyo kuwa cusub ee dadka soo qota keenayan lagu cabro

Bitcoin ahaan qaabkan waxaa loo isticmaalayaa in lagu saadaaliyo kala barka sedexaad ee bitcoin malmaha soo socda uu wajahayo

Qaabkaan ayaa dadka asxaabul bitcoinka ah ay tagan yihiin waa qaab xisaabeed cadeynaya in bitcoin qiimihiisu kor ukacayo balse qaar kale ayaa tagan bitcoin sidan ayuuba ku galay qiimeynta kala barka oo macneedu yahay ma sii qaaliyoobayo si aad ah

Garafkan sami socodka ee hareyay hareeraha bitcoin ayaa kala barka bitcoin marka dadka qota bitcoin waxay 10 daqiiqaba heli doonan 6.25btc ah taas oo intii hore ay u helijireen ee 12.5btc kala baraysa noqoneysaa inta suuqa uu heli karaayo bitcoin cusub oo iib ah yareyneysa korna usii qaadaysa dhibta uu leeyahay helista bitcoin waxay sami socodka ku kordhineysaa aragtidii hore ee lacagahan kiribto oo aas aasay oo ah in lacagtu noqoto wax aan sifuduud loo helikareyn xadid guudna leh

Indho indheeye (PLANB) waxuu saadaalshay isagoo isticmaalaya garafkan in bitcoin cirka isku shareeri doono qiima ahaane gaari karaayo $288.000 sanadka 2024

Dooda adag ayaa hal

Bitcoin wuxuu ku tagan yahay qaab xisaabeed adag oo inta guud ee bitcoin jiri doonta mustaqbalka tahay oo kaliya 21 milyan qaabkan ayaa wuxuu kalifayaa in sicir bararka mustaqbalka la qiyaasi karo halka dhinaca qodashada dadka sameynayane uu jiro qaab usaamayaxa in marwalba dhibta helista koynanka cusub isa saxdo oo shabakada bitcoin marwalba ka cabirqaadato inta quwad ah ee ku baxaysa

Dadka udooda qaabkan Sami socodka ayaa tilmamaya in kala baritaanadii hore ee bitcoin soo marey ee labada ahaa marka la eego mid walba u kalifayey in bitcoin uu cirka isku shareeri jiray macnaha si xad dhaaf ah u qaaliyoobi jiray labadaas jeerba

Qaab xisaabeedka u udhaco sami socodka garafkan ayuu (PLANB) xisabta ka soo qatay inta bitcoin ee bishii qotayasha  bitcoin helaan iyo qiimaha ugu macquulsan karkaas qiyaastuna sidan ayuu u dul dhigay garafkan

Bitcoin inta manta suuqa taal ama laqotay guud ahaan 17.5milyan iyo helista O.7b/sanad=sami socodka 25 sida uu sheegay (PLANB)qaabkan ayaa  waxay qota yaasha ku kalifeysaa in hada inta bitcoin ee cusub oo kale ay helaan  in ay qaadato mudo 25 sano ah taasoo suuqa ka dhigeysa mid koynku ku yaraado

garafka samo socodka bitcoin iyo dahabka

Marka uu dhaco kalu barida bitcoin sami socodka wuxuu kor uraaci qiyaasta sicir bararka dahabka oo hoos uga dageysa dahabka ilaa (1.3% dhanka kale 1.6%)(PLANB) wuxuu sheegayaa markaas in sami socodka bitcoin laba ji baarmi doonto 25 ila 50 marka inta bitcoin ee suuqa timaado ama cusub lakala baro taasina suuqa ku kalifeysa in qiimuhu meeshiisan si wayn uga kaco

Saadaalintan hadii ay dhacayso iyo in kalaba eebe ayaa garanay balse wax walba waxay no kal cadaan doonan marka 12may lagaaro  oo kala barku ku aadan yahay iyo suuqa Meesha uu u jiheysmo

Adiga maxay kula tahayne marka aad eego dhinacyadan oo dhan  

Comments (No)

Leave a Reply