IsbadalKa Qiimaha Bitcoin Maanta Uu La Kulmay oo Salka Ku Haya Xariga Iyo Dacwada Suuuqa Sarifka Ee BitMex

Isbadal dhinaca qiimaha ayaa mar qura laga dareemay, qiimaha la kala siisto, Bitcoin, kadib markii ay soo baxday,

warbixin sheegaysa in dowlada mareykanka gaar ahan hay’ada  Commodities and Futures Trading Commission ama CFTC,ga looya qaan ee bixisa sharciyada hantida ama badeecooyinka mustaqbal ahanta soo kala sarifo,amartay in la soo xir xiro milkiilayaasha BitMex.

Suuqa sarifka ee looyaqan BitMex ayaa ah suuqa ugu wayn ee dadku qamaar ahan lacagha kiribto loogu kala sarifto.

 

Midka mid ah milkiilayaasha BitMex ayana xabsiga loo taxaabay Samuel Reed, ayaana gurigiisa askarta mareykanku ka kaxeysteen waxana wararku sheegayan in uu la kulmi doono xabsi ilaa mudo 5,sano. ah kadib ku xad gudbida heeska looyan Bank Secrecy Act, iyo hirgalintiisaba. Dhanka kale madaxa guud ee BitMex ayaa isna wajahaya isla ciqaabtan Arthur hayes,

 

Soo bixitaankii warkan ayaana mowjado ka dhax abuuray dhamaan lacagaha kiribto, bitcoin waxaa la kala siisanayey xiligaas $10.900 balse waxuu kalifay in suuqu hoos usoo dhaco ilaa $10.400,

Dacwadan ka dhanka ah BitMex waxay keentay in uu hoos udhaco daneyntii sarifleyda dhinaca suuqa qamaarka, keentayna in lacaga hooda kiribto kala soo baxan suuqan, taas oo horseeday iska gadid ku timid bitcoin iyo kala helista dhinaca qamaarka iyo soo dhicitaanka oo hoos usoo xoogeysatay,

 

Milkiilayasha BitMex ayey hay’ada Commodities and Futures Trading Commission,ku ku eedeysay ku xad gudbida sharciyo badan oo kala duwan, qaarka mid ah oo hey’adu soo bandhigtay xili hore maanta waxaa ka mid ah in Suuqa BitMex uu si sharci daro ah lacagaha kiribto suuqan loogu yeero derivativeska ugu kala sarifayey, iyo ku xadgudbida sharciga anti-money laundering.

Waxay kaloo CFTC,gu ku eedeysay in BitMex uu macaamiisha mareykanka u ogolaaday, in suuqa Derivatives,ka halka shirkadu ka carareyso, in sharciyad ka qaadato wadanka mareykanka,

Sariflayaasha Bitcoin ayaan aad uga walwalsan xaalka cakiran ee suuqa BitMex galaayo, dhinaca sharciyada, iyo sameynta uu ku yeelanayo qiimaha Bitcoin.

Xiligan aan warbixintan qoreyno waxaa bitcon la kala siisanayaa $10.600 wadna mooda in suuqu soo kabsasho, hada uu galay, inkastoo xiligii hore ee maanta bitcon lakala siisanayey $10.900.

 

Sida ay nala wadaagayaan SKEW,oo ah shirkada indho’indhaysa qiimaha ayaa tilmaameysa in dalabyadii daneynta ahaa, ee ka furnaa suuqa BitMex galin kii hore ee manta gaarayeen $600 milyan, halka xiligane marayaan $550 milyan, wana laga yaaba in uu hoos usii dhaco daneynta suuqan.

SKEW

Xogta SKEW

Wali kalama cada xaalka BitMex waxa uuu ku danbeyn doono, balse sarfiley badan oo suuqaas ka shaqeysta, ayaa ku mashquulsan sidii xili hore ugala bixi la hayeen hantidooda.

Maxay kula tahay  aragtidada noo reeb mahadsanid

Comments (No)

Leave a Reply