Ethereum, XRP, LINK, Waa Sidee Xaalkooda Dhinaca Qiimaha Juunyo 21 Iyo Goobaha Aan Ka Filan Kareyno..

Todobaadkii la soo dhafay dhamaan lacagaha kiribto, ma ahayn todobaad u waanagsan oo is badal dhinaca qiimaha, laga dareemay, lacagaha loo yaqaan Altcoin ayana qiimahoodu siwayn isbadal looga dareemin, bitcoin ayana isbadal ka qiimihisu noqon mid aan dhaafin darbiga, $ 9.500 xiligan aan warbixintan qoreyno bitcoin waxaa, la kala siisanayaa, $ 9.361, wuxuna 24’kii saac ee ugu danbeyay soo qaliyoobay ilaa 1%.

 

Isbadalka dhinaca qiimaha ee hoos udhaca ah ayaana  lacagaha kiribto, laga dareemaa  sida Ethereum iyo xrp, inkastoo chainlink asbuucan sara ukac dhinaca qiimaha ah laga dareemayay ilaa 5%,

 

Ethereum

ethereumprice

Xogta TradingView

Maalmihii ugu danbeyay waxan arkeynay in ethereum qimaha la kala siisto inta badan uu darbi adag ka dhistay eeriyada hada uu maraayo ee $ 230, eth, ayana hoos udhac dhinaca qiimaha ah laga ar kayey 24kii saac ee ugu danbeysay ilaa 3%  waxana jiro darbiyo eth wajahayo hadii uu qiimihiisu kor ukac in uu sameeyo noqoto, waxana ka mid ah darbiga $ 235, halka hadii uu hoos udhac dareemana uu helayo darbiga $ 223,

 

Garafka looyaqaan RSI,ga ayaana tilmamaya in ethereum wali uu heli karo sara ukac ku yimaada dhinaca qiimaha, halka garafka looyaqaan Bollinger Bands isna timaamayo, in koynku helikaraayo qiimo fadhiya, oo dhinaca sara ukaca ah, Ethereum ayaa hada waxaa ku soo wajahan updatekii’ugu waynaa ee netwooga uu sameeyo, oo ah in koynku uguuraayo ETH 2.0, oo ah in dadku ku sameynayaan koynka, waxa loogu yeero Staking, oo  95% dad fara badan u diyaar garobayaan.

 

XRP

xrpafsomali

Xogta TradingView

XRP Ayaan wax badan oo isbadal dhinaca qiimaha ah isna aan asbuucan laga daremin, waxana uu koynku hoos udhac dhinaca hoose ah la kulmay 24kii saac ee ugu danbeyay 6% xiligan Xrp waxaa la kala siisanayaa $ 0.182, hadii uu jaro darbigan waxaa laga yaabaa in koynku tagi karaayo, ilaa $ 0.19, balse hadii hoos udhac dhinaca qiimaha yimaado, waxaa jira darbi hoose oo koynka uu tagi karo $ 183.

Hadii labada garaf ee loo kala yaqaan MACD iyo RSI,ga, loo eego waxan arki kareynaa, in koynku heyso macquul gal in qiimihiisu sara ukac ka helo, sababtoo ah isdhaafka MACD halka RSI,gane ku wajahan yahay qiyaas qaadka qaliyoogayga ah.

 

Chainlink

chainlinkafsomali

Xogta TradingView

Marka loo eego koynankii kale, ee warbixinta ku soo qadanay, chainlink waxaad mooda in uu ka yara duwanaa dhinaca qiimaha, asbuucane uu sara ukac ilaa 5% dhinaca kore u soo kacay, waxa xiligan aan warbixinta qoreyno la kala siisanayaa chainlink $ 4.18 hadii uu sidan ku sii socda dhinaca kore, koynku wuxuu kor kala kulmayaa darbiga adag dhinaca qiimaha $ 4.40, balse hadii uu hoos u soo dhac la kulmo waxaa jiro darbi adag oo dhinaca hoose ah laguna gadi karo $ 4.02.

 

Ema ribbon, garafkan loo yaqaan, ayana xiligan dultagan qiimaha koynka hada la kala siisanayo, kaas oo tagero siin kara, garafka loo yaqaan MACD,oo kor udhacafaya mujinayana isbadal dhinaca qiimaha ah, in uu soo socdo, chainlink ayaa helay fursado aad u wanaagsan, ka dib shir waynihii World Economic Forum, oo sheegtay in koynku yahay teknolojiyada dunida wax wayn ku soo kor dhinaceysa, isla markaana sanadkan teknolojiyada dunida ugu wanaagsan uu kamid yahay 2020.

Maxay kula tahay  aragtidada noo reeb mahadsanid

Comments (No)

Leave a Reply