Ethereum waa hanti sharci ah sidaa waxaa xukuntay maxkamada wadan ka china

Maxkamad dagmeed ku taal wadanka china ayaa laga soo warinayaa in Ethereum koyn oo ka mid ah lacagaha kiribto yahay hanti sharci ah oo leh qiima dadku kala siisto

Sharcigan cusub ayaa noqonaya mid kasoo yara hor jeeda marka loo eego sharicyan in guud ahan wadnka china lacagaha kiribto oo xitaa bitcoin uu kujiro loo aqoonsaneyn lacag sharciyan dadku iswaydaarsan karaan sida lacag oo kale balse dadku ay shaqsiyan isu dirikaraan

 Maxkamadan ayaa tiri Ethereum waa hanti sharci ah gudaha china

Maxkamada Shenzhen Futian ee dagmada gobolka Guangdong China oo ah maxkamad dadka ee gobolkan ayaana tiri eth waa hanti sharci ah oo shuruucda guud ee wadanka china uu ilaalinaayo asbucii lasoo dhafay ayey warbaahinta gudaha soo tabiyeen warbixintaan

tani waxay tilmaameysaa in gudaha wadanka china  lacagaha kiribto yihiin kuwo qofku haysan karo ama qofkale kula macaamilikaro ama isu diri ka rayaan

Dhanka kale shirkad ladhaho 8btc ayaa intaa ku dartay in marka loo eego sharcigan cusub ee maxkamada

Koynka Ethereum hanti ahaan iyo qiimo dadku kala siistaan ayuu leeyahay taas oo dadku wax ku kala sarifan karaan

Mahan markii ugu horeysay oo maxkamad ku taal wadanka china ay xukunto in lacagaha kiribto yihiin hanti 2018 Shenzhen Court of International ayaa qaaday dacwad laba qof oo isku haystay bitcoin iyo bitcoincash labadan koyn oo markii hore hal ahaa balse mid ka danbe uu xiligii 2017 ka soo go ay bitcoin oo macnaha ah qofkii hore uhaystay bitcoin xiligaas uu helayay inta bitcoin ee uu heystay in la ego koynka cusub ee bitcoincash

Isla sanadkaas ayey maxkamada dagmada Shanghai Hongkou ayaa tiri eth  waa hanti sida hantida caadiga ahne sharciga wadanku ilaalinaayo

Inkastoo sharciga wadanka china xiligas ogoleyn in hanti loo aqoon sado lacagaha kiribto sida bitcoin iyo Ethereum maxkamadan ayana sharciyan tilmaantay xiligaas in aan laga indho daboolan xuquuqda hantiyeed ee muwaadininta guud

Comments (No)

Leave a Reply