Cardano ama (ADA) Oo Isbadal Dhinaca Qiimaha Laga Filan Karaayo iyo Coinbase Oo Lagu Soo Dari…

Todobaadkii ugu danbeyay cardano (ADA) waxuu ahaa mid si wayn bulshada lacagaha kiribto aad u hadal hayeen, isbadaladiisa iyo hor’umarada dhinacyada kala duwan ah, shirkada IOHK ayana bilowday, soo deynta Upgrade’kii sanaddo badan, la sugayey ee Shelley, oo ah upgrade ka dhigaya caradano mid aan la kala lahayn.

 

7 Juunyo wixii ka danbeeya qof walba oo heysta ADA ayaa awood u yeelan karaaya, in uu sameyn karo waxa looyaqan Staking, ama dhigasho koynanka, uu heysto uu dhihi karo, waxay ka qeyb qadanayaan qodashada iyo kala gudbinta, waxa dhaxmaraya, netwooga guud ee cardano, taas oo keeneysa in uu helo koynan cusub, waxayna dadku taas ku sameyn karaan boorsadooda cardano ay ku haystaan.

 

Koynanka lagu helo qaabkan staking,ka ah ayaana dadku helayaan bisha Agoosto 18’keeda oo ah xiliga ugu danbeysa ee Shelley bananka wada imaanayo,

shelleyafsomali

Dhanka kale suuqa wayn ee lagu kala sarifto lacagaha kiribto ee Coinbase ayaa macaamiishiisa dowliga ha u sameyn doona stakin,ka cardano bilowga 4bileed ee ugu sanbeysa sanadkan 2020, kulan waynihii alada la iska arko lagu qabtay maalinimadii jimcaha ahayd ayey shirkada IOHK ku sheegtay, in bilowga 4 bileed uugu danbeysa sanadkan 2020 macaashiisa waa wayn ee shirkada coinbase, boorsadooda dhijitaalka ah ee adag, dadku awoodi, karayaan in ay staking, ku sameyn karayaan.

 

Tan ayaa imaaneysa iyadoo wali suuqa sarifka ee coinbase, uusan wali cardano ku soo darin suuqooda lagu kala sarifto lacagaha kiribto, balse, arintan jimcihii la shaaciyey waxay rajo wayn usameyneysaa in koynka cardano lagu soo daro suuqa coinbase, oo hore cardano ilaa 2018 kii rajo wayn ka la ha in maalin uu suuqaas lagu soo daro.

Cardano marka aan ka eegno dhinaca qiimaha waxaad mooda, sidii hore warbixinadii kiribto somali tv ka baxay, aan idinkula wadaagnay in uu darbi kala kulmayo $ 0.10 si uu ugaaro ilaa $ 0.11 dhinaca kore ah, marka dhinaca dollarka loo eego cardano 50 malmood iyo 100 malmood ilaa 200 malmood, wuxuu heystaa, wali koynku heysto rajo qiimihiisu kor ugu kacaayo, dhinaca volumeka marka loo eego MACD’ga waa cagaar rajo wacan ah, halka MFI isne maalin marka loo eego eeriyo wanaagsan joogo 86.

cardanoafsomali

Isku soo wada duub cardano waxaa moodaa wali kor aadistiisu sii soconkareyso, ilaa lagu soo darayo coinbase iyo dhameystirka shelley, waxana qiimo ahaan jiri karaya isbadalo ilaa mudooyinka dhaxdooda ah, melaha hoose ee hadii suuqu isbadalo aad ka soo gali karto, waxa ka mid ah $ 0.08 ama $ 0.07 dhinaca korane waxaad ilaa shan kareysaa sida aan garafka kore ka arki kareyno.

Maxay kula tahay  aragtidada noo reeb mahadsanid

Comments (No)

Leave a Reply