Bitcoin Oo Markale Xirey 3dii Bil Ee Ugu Danbeysay Faa’iido 50% Iyadoo Dhaqaalo Xumi Ba’an Dunidu Hareyneyso

Marka laga soo tago hoos udhicii aan kala kulaney, kala baridii bitcoin, wali bitcoin ayaa 3dii; bil, ee ugu danbeysay soo qaaliyoobay oo lacag fiican usoo celshay dadkii maal’gashtay wuxuuna bitcoin 3dii bil ee ugu danbeysay soo qaliyoobay 48.56%

 

Bitcoin wuxuu ka soo dul booday cabsidii 3dii bil, ee bilowga sanadkan 2020, ee safmarka  fayraska karona,

Sida ku xusan xog, ay daabacday shirkada Skew, Bitcoin wuxuu soo qaaliyoobay 3dii bil ee la soo dhafay xisab bileedka, sanadkan 48.58% marka loo fiiriyo 3dii bil,ee ka sii horeysay.

Q2 Bitcoin sawir

xogta sawirka skew

Taariikh ahan bitcoin sanadkii 2014ka marka loo fiiriyo sanadkii 2018 ayaa qasaaro ka soo noqotay xiliyadan oo kale 3diisii bile, xisaab xiliyeedkan oo kale waxana qasaarahaas lagu qiyaasaa ilaa 6.7%

Isu celcelinta bitcoin maal’gashigiisa sanadkii 2014 marka la eego xisaab biledka la dhaho Q2

 

Guusha Q2 macneedu mahan bitcoin in uu galay sara ukac qiimiha suuqa hada la kala siisto in ay tahay

Inkastoo hoos iyo kor ukaca qiimaha bitcoin bilaha, soo socda, kor u soconayaan, bitcoin oo ah, lacagta kowaad ee lacagaha kiribto, wuxuu wajahayaa darbiyo adag oo wali ka hor taagan sara ukac uu sameeyo, kana saara qiimahan hooseya ee la kala siisto.

Isku daygii jarida darbiga, $10.000, waxay noqotay asbuucii hore mid aan guul laga gaarin, waxayna keentay in koynka lagu xiro darbiga $9.700 oo sacado badan bitcoin lagu kala gadanayey,

Xiligan aan warbixintaan qoreyno, bitcoin waxaa la kala siisanayaa $9.570, waxana laga rajeynayaa sara ukac uu sameeyo taas oo darbiyo dhin cusub dhisaysa,  asbuucaan ayana laga rajeyna karaa sara ukac fican oo laga dareemo.

Tariikh ahan inta badan bitcoin laguma yaqaan faa’iido ka fiican oo ka soo labata ,xiliga looyaqaan Q3 marka laga rebo sanadkii  2017kii,

Maxay kula tahay  aragtidada noo reeb mahadsanid

Comments (No)

Leave a Reply