Banki Laga leeyahay Kuuriyada Koonfureen Oo Suuq Lagu Kala Sarifto Bitcoin Ka Hirgalinaya Wadankaas

NH Nonghyup bank oo xaruntiisu tahay kuuriyada koonfureed ayaa heshiis is afgarad ah lagalay shirkada ka shaqeysa arimaha hor umarinta teknolojiyada blockchain taas oo bankiga ka saacideysa sameynta iyo dhidibo u taaga suuq sarif oo lacagaha kiribto lagu kala sarifto.

 

Talaabadan NH Nonghyup u qaaday dhinaca bulshada lacagaha kiribto isticmaasha ee ku nool kuuriyada konfureed ayaa noqoneysa mid si wayn uga duwan talaabooyinkii wadanka china uu qaatay sanadkii 2017, ka dib markii china sheegay in dhamaan suuqyada sarifka lacagaha kiribto la dhaqma la xiro, waxana ka soo guuray china, shirkado aad u fara badan oo dhinaca sarifka iyo adeegyo kale oo kiribto la xiriira qaban jiray, balse hada kuuriyada koonfureed waxay noqoneysaa goob ku wanagsan la dhaqanka iyo ka ganacsiga lacagaha kiribto marka ay noqoto, in loo eego wadanka china.

heshiiskii bankiga

xogta

La midoobida bankigu la modoobayo shirkadan Hexlant, oo ah shirkad gudaha wadankaas ka shaqeysa arimaha blockchainka, ayaa sheegtay, in iyaga iyo bankiga ay iska kashanayaan, dhisida nidaam ka hor tagaya waxa loo yaqaan (A.M.L.ka) iyo sidey u fududaan lahayd in dadka sharciyada uhaysta maal’gashiga, kiribto ula macaamili, lahayeen.

Waxan isticmaaleynaa blochain qaas ah sida (consortium) si aan marwalba u ilaalino shuruucdaan sidaa waxaa yiri, Seung-Hyun Jang oo ah ku xigeenka madaxa bankiga, NH Nonghyup, waxan kaloo dhisaynaa ganacsi cusub oo carsiga dunida dhijitaalka ah, iyo in aan shirkado kale aan kala shaqeyno arimahaan,

 

Kuuriyada koonfureed waxay hada u muuqataa meel si wayn looga soo dhaweynayo teknolojiyada blockchain iyo shirkadaha ka howl galaba, waxana hada wadankaas, ka howl gala, shirkada Samsung bitcoin and Ethereum wallet.

Waa markii ugu horeysay oo la maqlo in banki ku dhawaaqo in uu diyaar u yahay in uu suuq sarif oo lacagaha kiribto la isku dhaafsado sameysto tas oo ah talaabo aad uwaanagsan marka loo eego dhibaatooyinka suuqyada sarifku kala kulmaan bankiyada ay la dhaqmaan.

Maxay kula tahay  aragtidada noo reeb mahadsanid

Comments (No)

Leave a Reply