11,Ka Mid Ah Lacaga Kiribto Ayaa Ka Wanaagsan Bitcoin Sidaa Waxaa Tagan Dowlada China..

War bixin ay daabacday hay’ada China Center For Information Industry Development(CCID) oo dhowrkii bilba , lagu sheego lacagaha kirbto kuwooda ugu wanaagsan, ayey bitcoin ku qiimeeyeen nambarka 12’aad, ee lacagaha kiribto, oon ognahay bitcoin in uu hormuud ka yahay dhamaan guda lacagaha kiribto.

 

Xulitaanka iyo listiga ay soo sareen hay’adan (CCID) ayaa ah mid 2dii bilba, wax laga badalo, waxayna wax ku qeeymentooda ku sheegan, in ay ku cabiraan, teknolojiyada koynka, quwadiisa, applikeeshinadiisa, amaankiisa, wax soo saarkiisa, iyo sida aan loo kala lahayn,

Waxayna listigaan ku soo xuleen 37 koyn oo kala duwan.

Sida ku xusan warbixinta, waxaa listiga ugu horeeya koynka EOS, oo ay ku siyeen 156.1 dhibcood. Waxaana ku xiga TRON 138.43 dhibcood, Ethereum 136.4 dhibcood, IOST 130.3 dhibcood LSK 119.3, dhibcood,

BTC oo listigan ka galay 12 ayaa isna waxay siiyeen 106.3 dhibcood, dhanka kale XRP oo ah koynka lacagaha kiribto kaga jira safka 3aad, ayaa isna soo galin 10ka koyn, ee ugu horeeyay listigan, waxana uu galay 14aad, waxana la siiyay XRP 105 dhibcood,

 

chinabitcoinafsomali

Xogta CCID/WeChat

Inkastoo bitcoin uusan listiga (CCID) kaga jirin safka hore ayey hadane, aamin sanyihiin in bitcoin yahay, teknolojiyadiisa mid aad usareyso, marka loo fiiriyo dhamaan lacagha dhijitaalka ah,

Ethereum ayaa isna ah mid safka hore koynanka ku jira, dhanaca teknolojiyada lagu dul dhiso, applikeeshinada, halka IOST, hogaaminayo, dhamaan inta kale ee lacagaha kiribto marka loo eego asaaska teknolojiyada,

Maxay kula tahay  aragtidada noo reeb mahadsanid

Comments (No)

Leave a Reply