Sahal software oo ah qalin furatada ugu wayn soomaalida qarnigan

Sahalsoftware waa shabakad ka shaqeysa waxa looyaqan mlmka.oon ognahay waxa diinta islaamka ay ka qabto ayaa hadane waxay shabakadan dhalinyarada soomaaliyeed ku soo xero galisaa in ay yihiin goob ay ka baran karaan wax yaabo kala duwan oo ay ka mid tahay isticmalka computerka iyo appka lagu isticmaalo qaarkood iyo kuwa aad ku baraneysid sidey u shaqeeyaan calamadaha garafyada suuqyada dunida gaar ahan suuqa forex

 

 

 Maxamed jamac sahal oo ah hormuudka shabakadan qalin furantada ah ee dhalinyarada soomaaliyeed kusoo xera gashhata waxaan nahay goob si online ah wax looga barto balse Meesha waxa dhabta ah ee la isbaro waa ku dadaalista mowduuca suuq geynta qalin furatada mlmka ku shaqeysta, dood cilmiyeed ay qabtay shabakada kiribto somali media barta clubhouse ayane dhalinyaro faradan ku soo bandhigeen dhaawaca shabakadan ku hayso waxana jira dhalinyaro kale oo youtubers ah oon waxba ka aqoon dhaqanka scamers.ka ama qalin furatada onlineka iyo shabakadahooda hadafkooduna yahay oo qura in ay ku helaan dad muqaalkooda fura .balse aanan arag halista bulshada soomaaliyeed ay ugeysanayaan.

 

 

Sahal software waxaa ku xiran bulsho badan oo soomaali ah balse maalin walba lagu haligo xoolahooda qalin furatada onlineka, iyagoo marka hore uga sheekeynaya waxan soo helnay barnaamij cusub ood si fudud lacag uga sameyn kareysid, taas oo kalifeysa laabla kac ku dhaca dhalinyarada groupyada kala duwan lagu kala xareeyay, waxana intaa dheer in groupyadaas aysan soo ag mari kareyn qof suaal ka keeni karayn waxa Meesha ka jira.

Balse xaalku intaa waa dhaafay oo hada sahal software waxay qalin furada onlineka ee soomaaliyeed mlmkedii u rartay, in ay bulshada gaar ahan dhalinyarada fanka ka shaqeysta iyo kuwa baraha bulshada dad farabadan kula hadla ay tar’gad ka dhigtaan oo ay u isticmalan qorshahooda suuq geyn ee qalin furatada onlineka, iyagoo xooga saaraya in riferalka linkigoodu sii xoogeysto waxana taas ay ka liftay in maxamed jamac sahal uu gaaray darajada qofka 7.aad ee qalinfuratada cjcjonstyle.intaa kuma eka ee waxaa jira dhowr app. oo kale oo isla scamers ah hadane dadka ku jira groupyada loo sii rarayo oo marwalba la oranayo kan ayaa cusub ee ku soo yaaca

kiribto somali media waxay dabagal ku haysaa warbixino kale oo ku aadan isla mowduucan hada ay ku shaqeystaan qalin furatada iska hel shabakadahan is huwan ee soomaalida qalin furtada ah ama scamerska onlineka.ku shaqeysto iyo siyaabaha kala duwan oo dhalinyarada ay ugu soo bandhigaan dhaca hantidooda loo geysto.

Maxay kula tahay  aragtidada noo reeb mahadsanid

Comments (No)

Leave a Reply