Qiimaha koynka Solana suuqa xiligan la kala siisanayo ayaa laga dareemayaa in gadasho badan uu helayo taas oo loo sababeynayo in baahida hay’adaha ay aswan ay dardargelinayso halka maamulaha hantida VanEck uu hagaajinayo soo jeedintiisa Solana ETF ee Mareykanka. gaar ahan gudiga Komishanka Qiimaynta suuqyada Isdhaafsiga (SEC)
Diiwaankii hore ayana dib loo eegay, waxana isbadal lagu sameyay qababakii hore codsigu uqornaa oo noqonaya isbadalkii shanaad ee VanEck, waxay hoos udhigeen khidmada ilaa 0.30%oo laga qaadayo dadka jeebwaynta ah ee doonaya in Solanahooda Staking kusameynaya sanduuqan ayana ah midka ugu hal abuurka badan uguna waxtarka badan hantida dijitaalka ah ee ETFs ilaa maanta.
Codsiga VanEck Solana ETF ee loosoo gaabiyo (VSOL) wuxuu ujeedkiisu yahay inuu la socdo waxqabadka suuqa ee qiimaha Solana isagoo abuuraya wax soo saar dheeri ah iyada oo loo marayo saami qaybsiga, qaab dhismeed ku cusub suuqa ahne kii ugu horreeya ee sanduuqyada hantida dijitaalka ah ee ka diiwan gashan Mareykanka.
ETF waxaa lagu liis garayn doontaa Suuqa ladhaho Cboe BZX waxayna u xilsaarnan doona qaybta stakingka shirkadaha kala ah Gemini iyo Coinbase Custody, kuwaas oo maamuli doona hawlgallada saamileyda iyagoo nidaamsan, lehna caymis.
VanEck’s diiwaangelintada cusub ayaa lagu sheegay in shirkadu gadaneyo 5% oo kaydinta lacagta ah si loo ilaaliyo maalgashadayaasha inta lagu jiro isbeddelka suuqa loona hubiyo
Codsiga noocan oo kale ah wuxuu soo jiidan karaa ciyaartoy iyo hay’ado raadinaya wax soo saar ku dhisan nidaamkan oo kale, iyadoo falanqeeyayaashu ugu yeeraan tallaabada “buundo muhiim ah” oo u dhexeysa maaliyadda caadiga ah iyo suuqyada aan lakalo laheyn ee xorta.
In kasta oo rajada, ansixinta SEC ay weli dib u dhacday iyada oo uu jiro nidaamka xiritaanka dowladda Mareykanka, in kastoo midka mid ah shaqalaha shahadada Bloomberg’s James Seyffart uu xusay in ETF‘yadu nowadays kuwo is hoos yimaado noqdaane Heerarkoodu diwaan Guud, taas oo macnaheedu yahay ma jiro waqti go’an oo go’aan ah.

Dhanka kale, booska tafaariiqda ayaa wali ah mid aad u sarreeya, iyadoo in ka badan 76% ganacsatada ay yihiin kuwo isha kuhaya, heer taariikhi ah oo la xiriira in qiimaha kor u kaca sameeyo
Farsamo ahaan, qiimaha Solana wuxuu isku xoojinayaa $ 210, Sidii uu uga dulmari lahaa qiimahaas isagoo dhanka kalane darbi ka helaya $ 185. Falanqeeyayaashu waxay u arkaan in tani ay qayb ka tahay marxaladda looyaqaan xiliga aruursashada koynka oo hoseeda in marqura koynku sara ukac weyn sameeyo
Marka la eego garafka looyaqaan koobka iyo gacan qabadka, wuxuu soo jeedineyna kor u kaca suurtagal ah oo kulaga dareemi doono aagga $ 300 $ 360 mar haddii heerarka iska caabinta ee $ 220 ⁇ $ 230 la nadiifiyo.
shirkada Grayscale ayana Solana ku tilmamtay
Cilmi-baaris ay sameysay shirkada Grayscale waxay ku sifeysay Solana in uu yahay nidaam ay ugu yeeren crypto’s financial bazaar”, iyadoo la tixraacayo dhaqaalaheeda silsiladda adag, khidmadaha hooseeya, iyo macaamil ganacsi oo aan la barbar dhigi karin. Shabakada hada solana waxay martigalisaa in kabadan 500 oo codsi oo firfircoon waxayna soo saartaa qiyaastii $ 5 bilyan sanadkiiba lacagaha macaamil ganacsi ahan la iskugu dhaafsanade way ka badan yihiin inta



Comments (No)